Featured News

Ciidamada Yuhuuda oo Guddaha u Gallay Masjidka Barakaysan ee Al-aqsa.

Byadmin

Jul 27, 2015

Ciidamada Isra’iil ayaa Axadii shalay gudaha u galay qeybo kamid ah Masjidka Al Aqsaa ee magaalada Qudus (Jerusalem).

Weerarkan ayaa dhacay kadib markii iska horimaad uu banaanka masaajidka ku dhexmaray dhalinyaro reer Faastiin ah iyo ciidamada Isra’iil. Dhalinyarada ayaa tuurayey dhagaxaan iyo baaruud waxayna xireen goobaha laga soo galo masaajidka.

Ciidamada Yuhuuda ayaa jirdil iyo xarig la beegsaday muslimiintii ku sugnaa Masaajidka oo ka horjoogsaday inay ciidamadaasi gudaha u galaan Masaajidka Al Aqsa.

Falastiiniyiinta ayaa kasoo horjeeday inay Yuhuuda soo galaan qeybo kamid ah dhulka Masaajidka, xili shalay ay Yuhuuda xus diimeed ku qabanayeen darbiga ay ku cibaadeystaan oo ku hoos yaal buurta uu ku yaal Masjid Al Aqsa.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *