News

Ciidmada Booliska Somaliland oo Xabsiga utaxaabay Sarkaal ka Tirsan Maamulka Puntland oo laga Shakiyay inuu Shirqool Maleegayo.

Byadmin

Jul 26, 2015

Hargeisa (Haldoornews )-Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Maamul-goboleedka Puntland Axmed Cabdi Cali Shire(Axmed-keyse), ayaa Magaalada Hargeysa lagu xidhay, sida ay saraakiil sare oo Laanta Socdaalka katirsan u xaqiijiyeen qaar kamid ah Warbaahinta Dalka.
Agaasimaha, ayaa hutel uu hurdo ahaan ugu jirey lagala baxay, kadib markii laga warhelay inuu si qarsoodi ah waddanka kusoo galay, iyadoo haatanna wararku sheegayaan inuu ku xidhan yahay Xarunta Dembe-baadhista ee C.I.D-da.
Axmed Keyse Cali, agaasimaha waxbarashada Puntland ayaa la sheegayaa inuu howlo shaqo u joogay magaalada Hargeysa iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha dhabta ah ee uu u yimi Somaliland.
Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha uu maalmahan ku sugnaa magaalada, waxaana hotelkiisa isagoo ku sugan lagu helay bastoolad uu isku waardiyeynayay laakiin ciidamada amaanka ay ka shakiyeen lana Geeyey xarumaha Dembi baadhista.
Agaasimaha guud wasaarada waxbarashada Puntland ayaa kasoo jeeda gobolka Sool waxaana loo badinayaa in shaqsiyaad ay isku deegaan yihiin oo xukuumadda ku jiraa ay xogtiisa Gudbiyeen.

Haldoornews.com
Haldoornews@hotmail.com
logo

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *