Haldoornews.com
War Cusub:Salaadiinta Somaliland oo Dhex-dhexaadin isku Dayaya in ay ka Gelayaan  Xukuumada iyo Mucaaradka.
July 22, 2015 - Written by admin

Hargeisa(Haldoornews)-Qaarkamida salaadiinta Somaliland ayaa sheegay inay dhex dhexaadinayaan mucaaradka iyo Xukuumada Somaliland oo isku maandhaafay xiliga doorashada laqabanayo.

Sida uu xaqiijiyay af-hayeenka salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray oo gudoomiye u ah salaadiinta dhexdhexaadinta wada.

Waxa uu suldaanku intaasi raaciyay in ay laba gudi iska soo saari doonaan mucaaradka iyo Xukuumada.

Salaadiinta ayaa xidhiidh ay la sameeyeen labada dhinac ay sheegeen inay ka aqbaleen in la dhexdhexaadiyo, isla maantana ay  is hor fadhiisin doonaan labada dhinac.

Dhexdhexaadinta ayaa imanaysa xili  xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo madasha wada tashigu sheegeen inay qabanayaan shirwayne lagaga tashayo aayaha qaranka.

Halka ay xukuumada Somaliland ay sheegtay in ay ciidanka Booliska Somaliland heegan

gelisay isla markaana ay ganacsatada iska leh Hudheelada iyo hoolalka shirarka lagu qabto ugu baaqday in ayna ogolaan in shirar ay mucaaridku ku qabsadaan hudheelada.

COMMENTS
Arimaha Diinta