Haldoornews.com
Madaxwayne Siilaanyo oo Shacabka Somaliland kula tukaday Masjid Jaamac Hargeisa iyo Dadwayne Tiro badan oo isugu Soo Baxay Goobaha Salaada Ciida lagu Tukanayay.
July 17, 2015 - Written by admin

1 2 3 4 5Hargaysa: (Haldoornews)- Guud ahaanba Dalka ayaa maant si weyn looga oogay SALAADDA Ciidal-fidriga,waxaana uu iskugu soo baxay Masaajiidda waaweyn iyo gooromadda kubada Cagta lagu ciyaaro boqolaal Dadweyne ah,kuwaas oo wajiyadooda laga dheehanayay Farxadda iyo fantasiyha Ciidda.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud (Siiilanyo) iyo raxan ka tirsan Golahiisa Wasaaradda iyo Taliyaayaasha Ciidamadda ayaa Shacabka kula tukaday Masjid-jaamaca Weyn ee Badhtamaha Magaaladda Hargaysa,waxaana uu Madaxweyuhu ku hanbalyeeyay Shacabka Munaasiabddan qaaliga ah,isaga oo Ilaahay ka baryay inuu Sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo Bash,horumar iyo Ictiraaf ay Somaliland ka hesho Bulshadda Caalamka.

Dhinaca kaelna,wararka naga soo gaadhay goboladda iyo degmoyinka kala duwan ee Dalka,ayaa sheegaya inay dadku si wanaagsan oo nabdoon u guteen Salaaddii Ciidda,iyada oo Madaxda heer iyo gobol Iyo mid Degmo iyo Xubno Wasiiro ah oo Caasimadda ka guureeyay kala qeyb galeen Tukashadda Salaadda,isla markaana ay u jeediyeen Khubaddo taabanaya guud ahaanba Xaaladda dhaqan-dhaqaale ee Dalka.

Haldoornews.com

Haldoornews@hotmail.com

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta