Haldoornews.com
Suldanka Guud ee Beesha Suber awal oo Shacabka Somaliland ka Raaligaliyey Hadal gef ku ah Qaranimada oo ka soo Yeedhay Suldaan Maxamed C/qaadir
July 16, 2015 - Written by admin

Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalo ka soo yeedhay suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo uu ku sheegayay in ay isu soo dhawaan doonaan dalalka somaliland iyo Somalia

Suldaan Xassan oo Qoraal soo Dhigay Boogiisa uu ku leeyahay Facebook ayaa wax auu yidhi. “Gefbay ku tahay Suldaanku Hubsimo la’aan Hadalkiisu Hawaawi Dhaco. Waa nasiib daro weyn oo khaas ku ah walaalkay Suldaan Maxmed suldaan Cabdiqadir Oon Xadhigiisa ahay tiraabtan kasoo yeedhay ee lidka ku ah gobonimada iyo qaranimada Jamhuuriyada Somaliland  waa feker uu madi ku yahay shaqsiyeed oon cid ka dhageysanaysaa jirin in go’aan umadeed oo masiiri ah gef uu kula dul kufo iyo riyo dhalanteeda oon cago ku taagnayn guud ahaan iskusoo wada xooriyoo hadalkiisu waa hawo gabal ka dhac ah, waa hadal ka jilicsan xuub caaro jawaabna u baahnayn.

intaas waxa uu raaciyay isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.” isla mar ahaantaana kuba haboonayn in aynu wakhti isaga lumino ku mashquulo wax kasoo qaadno asaga laftiisaa og in aan xaajadasi dalkani oolin cid kula riyoonaysaana joogin ama ku uunayn Runta biyo kama dhibcaanka ahi tahay in qarankani siqiir iyo kabiir Raasamalka aynu haynaa yahay gobonimada eebe ku galaday gayigan ee dawladnimadaa aynu hadhsanayno hadaan murtiyeeyo waaqaca yaala dalkani waa soomaliland.

shaqsi riyoonaya hadal uu ku tiraabay waxba mayeeli karo masiirka umada haduu madaxweyne yahay iyo haduu suldaan yahayba go’aan shacab rabitan umaded oon gorgortan lahaynbaa dalkani kaga badbaaday masaa’ibkaa somaliya bariidsaday waa dal shacabkiisu u tashaday ninkii aanu u cuntamayn waxa umadiisa u cuntamay isagaa cirka roob ku og. Gabogabo waxaan shacabka reer somali land kuboorinayaa inaanay damaqsan Suldaan Maxamedna waxaan leeyahay usoo noqo dalkaaga iyo dadkaaga xishmada kuu haya.

soo baydh oo raali galin ka bixi hadaladaa ibliisku kaa keenay Fiiro Gaara dadweynaha reer somaliland waxaan kula dardaarmayaa inaan lasii wadwadin maadama aan qarankan doodi ka taagnayn oo dedaal iyo karti iyo ta alle aynu kusoo gaadhnay halka aynu joogno waajibna tahay inaynu kasii horu marino Waxaan hoosta ka xariiqayaa waa waajib in xaqa la sheego oon laga aamusin anigoo xishmad u haya guud ahaanba umada reer somali land hiilbay utahay qofka jarka ka dhacaya in khaladkiisa latuso sixidbay u tahay marka farta lagu fiiqo gefka umadeed ee uu faraha kula jiro si looga waantobo in si jilicsan loogu dhaco deelqaaf umadeed casharna u noqoto cid danbe oo ku kacda gef fal danbiyed ku ah umadiisa waxaan kusoo ururinayaa xadiiskii nabiga csw walaalkaa laba goorba u hiili haduu gar daranyay u hiili oo qabo hadii laga gar daranyayna u hiili oo garab joogso”.

 

Haldoornews.com

Haldoornews@hotmail.com suldaan

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta