Haldoornews.com
Dr.Gaboose oo lagu Wado inuu Noqdo Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Wadani ka dib markii C/raxmaan Cirro ku Fashilmay Hogaaminta Xisbigiisa oo Haldoorkiisii ka Dareereen.
July 16, 2015 - Written by admin

kkkkHargeisa (Haldoornews)-Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid aha Siyaasiyiinta Miisaan iyo Maamuuska Culus ku leh Somaliland isla markaana Hankiisu Sareeyo ayaa lagu Wadaa inuu ka soo Dhex mudho xisbiga mucaaridka ah ee Wadani ka dib markii uu iibsami waayay musharaxa Wakhtigan ee C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo la heehaabaya Hogaamintii Xisbiga iyo tii Golaha Wakiilada oo Toban Sanno jirsaday.

Aqoonyahanka iyo haldoorka Beesha ay kasoo jeedaan labadan Masuul ayaa wada Shirar laga Arinsanyo Meelmarinta Qorshan Cusub ee Boodhka lagaga jafayo Xisbiga Wadani oo maalmahan ay ka Dareereen Xubno ka mid ah Hogaanka oo Miisaan Culus ku lahaa Xisbiga, kuwaasi oo kashifay Ceebaha Dul hoganaya Hogaamiyaha Wakhtigan ee Xisbiga mr.Cirro.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha Arintaasi

Haldoornews.com

haldoornews@hotmail.com

 

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta