Haldoornews.com
Dardaarankii Madaxda Ingiriisku Siiyeen Masuuliyiintii Cusbaa ee Somaliland 1960! Qalinkii: Maxamed Baashe X. Xasan
July 2, 2015 - Written by admin

Xafiiska lagu kaydiyo xogta iyo qoraallada taariikhda ee ku yaal magaalada London ee loo yaqaan “Public Records Office” ayaa sannad kasta waxa lagu soo bandhigaa qoraalladii sirta ahaa ee la kaydiyey ee ka qarsoonaa ama dednaa indhaha bulshada muddo 30 sannadood ah.

Bisha January ee sannad kasta waxa xafiiskaasi u tartama aqoonyahannada taariikhda raad-raaca iyo weriyayaasha warbaahinta si ay u milicsadaan sirta cusub ee la soo bandhigay. Bishii January ee sannadkii 1991 ayaa haddaba la soo bandhigay sirihii 30-ka sannadood huursanaa ee qarsoonaa. Waxa siraha sannadkaas la soo bandhigay ka mid ahaa galalkii ay ku jireen dhacdooyinkii siyaasadeed ee muhiimka ahaa ee Somaliland ka ilmo-roganayey sannadkii 1960. Saddex gal qoraallo ka kooban ayaa xogtii la soo bandhigay ka mid ahaa. Waxa galalkaas lagu suntay magaca “Union of Somaliland and Somalia” oo aynu af Soomaali ugu turjumi karno “Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya”

Waxa kale oo sirtaasi la soo bandhigay ka mid ahaa kayd-galeed weyn oo lagu magacaabay “Minutes of Legistative Council of 1960”, kaas oo ku saabsanaa daqiiqadihii la qaaday iyo wixii ay xildhibaannadu kaga wadahadleen fadhigoodii Golihii Sharci-dejinta Somaliland ee 1960.

Waxa qoraalladu ka tibaax bixinayaan in mudanayaashii Golahaas Sharci-dejinta ee la soo doortay 17/02/1960 ay kulankoodii ugu horreeyey yeesheen 05/04/1960.Waxa shirkoodu ku qabsoomay halka hadeerto loo yaqaan Goodirka ee badhtamaha Hargeysa.

Waxa kulanka ka qaybgalay xildhibaannadii ku guulaystey doorashadii Febraury 1960 ee ka kala socday saddexdii xisbi ee tartanku dhex maray ee SNL, USP iyo NUF. Waxa kale oo goob-joog ka ahaa badhasaabkii Ingiriiska ee Somaliland xukumi jirey Sir Douglas Hall iyo Xoghayihii Guud ee Phillip Carrel.

Xildhibaannadii shirkaas ku wada doodayey oo ay ku jiraan golihii wasiirrada ee cusbaa, waxa uu qoraalku hoosta ka xarriiqay, in ay isku wada raacsanaayeen in arrinta madaxbannaanida Somaliland iyo midnimada Soomaalidu ay tahay qodob isku sidkan oo aan laba laga dhigi karin, loogana doodo sidii hal qodob oo keliya. Waxa ay xildhibaannada ula muuqatay in labada la isla helo mar qudha ama la wada waayo.

Waxaase xiiso badan leh in qoraalku muujinayo in xubnihii Ingiriiska ahaa ee kulanka fadhiyey uga dareen bixiyeen xildhibaannada khatarta ay yeelan karaysay midnimo degdeg ahi. Waxa ay u arkayeen oo kale in midnimadaasi degdegga ahi ay sii fogayn karto dhulka Hawd and Reserve Area oo markaas carcaraha dooddeedu taagnayd, dawladda Ingiriisna ay weli ilaalin jirtey xuquuqda dadka dhulkaas ka soo jeeda oo ay kharash badan ku bixin jirtey.

Phillip Carrel, Xoghayihii guud, oo la hadlayey xildhibaannadii Somaliland, ayaa isku barkiyey oo isa saaray midnimada degdegga ah iyo dhulka Hawd and Reserve Area, waxaana ereyadiisii ka mid ahaa “tuhun iyo shaki igagama jiraan in dadka Somaliland ku nooli doonayaan in ay Soomaaliya la midoobaan, waxa aanan hubaa in dawladda Ingiriiskuna himiladaas ku taageeri doonto.”

Hase yeeshee, buu yidhi Phillip Carrel, “Bishii u dambaysay ayay dadka gashay qiiro iyo jibbo weyn oo ay ku doonayaan in ay la midoobaan Soomaaliya 1-da Julay oo ah isla maalinta dalkaasi xornimadiisa qaadanayo. Ilaa iyo haddana wax wadahadal ah oo arrintaasi ku saabsan oo labada dal (Somaliland iyo Soomaaliya) ka wada yeesheen ma jirto.”

“Waxana jira arrimo badan oo u baahan in laga wadahadlo inta aan la midoobin ka hor. Ugu horreyn waa in labada dal ku heshiiyaan distoor ka wada dhexeeya. Si loo ilaaliyo xuquuqda iyo danaha dadka heshiiska wada gelaya oo idil waa in arrintani laga gaadhaa heshiis ka hor inta aan la is-raacin,” ayuu Phillip xildhibaannada ugu nuuxnuuxsaday.

Sidoo kale waa in laga heshiiyaa ayuu yidhi “sharciyada doorashada, qaabka dawladdu noqonayso, afka rasmiga ah, habka cashuuraha loo qaado, lacagta la isticmaalayo, mushaharka shaqaalaha dawladda iwm.” Waxaasi oo idili waxa ay u baahan yihiin ayuu tilmaamay in dad khubaro ah loo xilsaaro, si ay u daraaseeyaan, ugana soo talo bixiyaan, si dawladda midnimadaasi ka dhalataa u noqoto mid ku taagan dhidibbo adag.

Phillip Carrel oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu intaas raaciyey oo yidhi “arrinta ugu daran ee u baahan in laga tashadaa waxa ay tahay arrinta Hawd and Reserve Area, maalinta aad xornimada qaadataan ee ay midnimadaasina dhacdo waxa dhammaanaya xilkii Ingiriiska ka saarnaa Maxmiyadda Somaliland. Haatanna dawladda Ingiriiska ayaa bixisa Kharashka ku baxaya Hawd and Reserve Area.Haddii aan heshiis cusub laga gaadhin hawlaha halkaasi ka socda oo dhan ayaa joogsanaya, tasoo ah in heshiiskii Itoobiya lala galay 1954 uu noqonayo mid dhammaaday.”

“Inkastoo heshiiskaasi aan ogahay, buu yidhi, in aydaan jeclayn, haddana dadka reer Somaliland ayuu u suurtogeliyey maamul xuquuqdooda ilaaliyaa in uu halkaasi joogo marka ay u tallaabaan dhinaca Hawdka,” ayuu yidhi Phillip Carrel, isagoo intaas raaciyey; “Haddii aan heshiis cusub la la gelin Itoobiya waxa meesha ka baxaya, buu yidhi, maamulkii ilaalinayay xuquuqda dadkaasi. Ilaalada halkaasi joogta oo idil ayaa loo soo rari doonaa dhinaca Somaliland, mana jiri doonto cid kala ilaalisa beelaha diriri ka dhex aloosmi karto.Mana helayaan taageero waxbarasho iyo mid caafimaad toona.”

Dhinaca kale, waxa isna halkaas xildhibaannada kula dardaarmay oo kala hadla Mr. Douglas Hall oo ahaa badhasaabkii Ingiriiska ee Somaliland ka talinayey xilligaas oo taariikhdu ahayd 6 April 1960, waxaannu yidhi; “Anigu dawladda Ingiriiska ayaan u gudbinayaa sida dadka Somaliland ku nooli u doonayaan madaxbannaani iyo midnimo, hase yeeshee, waxa idin saaran xil weyn oo ah in aad ka soo baxdaan waajibka ay idinku leeyihiin dadkii idin soo doortay, si aad uga ilaalisaan dhibaato ay ku keeni karto midnimo aan loo gogol xaadhin oo aan loo dhammaystirin hawlihii lagama maarmaanka u ahaa, si iska fudud iyo degdegna lagu galay”!

Sir Douglas Hall, waxa uu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey gunaanadkan dardaaranka ahaa: “Khatar ha gelinnina aayatiinka mustaqbal ee dadka iyo dalka Somaliland”!

Hadalladaas ay Phillip Carrel iyo Sir Douglas Hall u naqayeen xildhibaannadii Somaliland maalintaas waxa uu inta badan ugu muuqday hadal hawadu sidato oo aan macne badan ku fadhiyin, maalmo yar ka dib se macne badan ayuu dad badan u samayn lahaa haddii ba ay cid xasuusan lahayd, maantadan qoyan buu se weligii ugu macne samayn badan yahay marka si fiican looga bogto, loona gorfeeyo ee lagu dhereriyo geeddi-socodka galaha taariikheed iyo wacaalaha xaaladihii la soo maray iyo wixii laga mutay midnimadaas iyo joogtada maantadaa qoyan xaqiiqooyinka jira ee faraqa inoo sudhan.

Siciid Cali Baando ayaan u mahadnaqayaa oo markii ugu horraysay, dhawr sanno ka hor, xogtan galalka “Union of Spmaliland and Somalia 1960” ee “Public Records Office” ila soo wadaagay.

 

 

Maxamed Baashe X. Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta