Haldoornews.com
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo Dalkan Holland Kula Kulmay Diblomaasiyiin ka Tirsan Golaha Diblomaasiyada Caalamiga ah (GDC).
March 15, 2019 - Written by admin

The Hague (Haldoornews) – Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon Oo Safar Shaqo Ku Soo Gaadhay Dalka Holland ayaa Kullamo Kala Duwan Magaalada The Hague Kula yeeshay Madaxda Hay’adda Global Diplomatic Council (GDC).

Wasiir Faratoon oo uu Kullanka ku Wehelinayay Safiirka Somaliland ee Dalka Netherland Amb.Maxamed Yuusuf Buux ayaa ka Warbixiyey Taariikhdii Somaliland iyo Marxaladihii kala Duwanaa ee ay soo martay 27-kii Sanno ee ugu Danbeeyey , Kaalinta nabad galyo ee ay Geeska Africa kaga jirto, Doorashooyinka Sida Dimuqraadiga ah uga Dhacay iyo Doorka Diblomaasiyadeed ee ay Ku yeelan karto Geeska Africa haddii ay hesho Aqoonsi Buuxda.

Wasiirku Waxa uu Ku Dheeraaday Waxyaabaha uqabsoomay Somaliland ee Mudan in lagu Aqoonsado oo ay kaga horayso Wadamo badan oo Aqoonsi Buuxa haysta Balse aanay Xasilooni iyo Dimuqraadiyadi ka jirin, Sidoo kale Waxiisku Waxa uu GDC ka Codsaday inay kala Shaqeeyaan Somaliland Sidii ay Beesha Caalamka ictiraaf Buuxa uga heli lahayd maadaama oo ay Buuxisay Shuruudi looga Baahnaa Qaran Madax Banaan.

Dhinaca kale Masuuliyiinta Hay’ada Global Diplomatic Council (GDC) ayaa Soo Dhaweeyay Wasiirka isla markaana Xusay in Somaliland Uqalanto in la Aqoonsado Ka urur ahaana ay kala Shaqayn Doonaan Arimahaasi iyaga oo Ballamay in ay Kullamo Danbe ka yeelan Doonaan Arimaha Somaliland iyo sidii Dawlada Netherland Door muhiim ah uga Qaadan lahayn Horumarka Somaliland ka Socda.

Hay’adda Global Diplomatic Council (GDC) ayaa ah Mid Ka Shaqaysa Xal u helida Dhibaatooyinka Dhaqaale, Siyaasadeed, Amni ee Dunida si Cilmiyeysan iyada oo loo Marayo Wadooyinka Diblomaasiyadeed iyo Xidhiidhka Caalamiga ah.

Mustafe Future
The Hague/ Netherlands
haldoornews@yahoo.com

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka