Haldoornews.com
Wasiirka Beeshiisa Cadaalad usamayn Waayay ayay Somaliland Cadaalad Ka Sugaysaa?
March 12, 2019 - Written by admin

Masuuliyadu waa Amaano Shaqsiga Loo Dhiibo lagula Xisaabtamo, Aqoonta iyo Khibrada Shaqo ee uu leeyahayna waxay Kabtaa oo Qurxisaa Horumarka Shaqadiisa, Qofkuna haddii uu waxa aanu ahayn iska dhigo Waa kii maalin uun la ogaado Shaqsiyadiisa Dhabta ah.
Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Ahmed Mumin Seed Waa Masuul Waji Furan oo ku Cusub Xil Dawladeed marka laga Reebo jagooyin uu Xisbi Mucaarad ah ka soo qabtay, Madaxwayne Muuse biixi ayaa Ku Xushay Dadaal dheeraad ah oo uu la Garab istaagay Wakhtigii Doorashada isaga oo Abaal Celin uga Dhigay Xilka Wasiirka Beeraha Kaasi oo aan la eegin Aqoonta iyo Waayo Aragnimada Shaqo ee uu leeyahay.
Xubno Reer Awdal ah oo Aqoon fiican uleh Wasiirka ayaa ii Xaqiijiyay in Axmed Muumin Seed ay wax barasho ugu Danbaysay Dugsi Hoose Dhexe, Luqada somaliga Wax aan ahayna aanu Ku hadal, Qorinna Karin, habase ahaatee Waa Nin Firfircoon oo aan Aqoontiisa iyo Shaqadiisu islahayn.
Dadka Deegaanka uu ka soo jeedo oo uu uyahay Wasiirka ugu Tunka Wayn ayaa Filayay in uu Qaato Doorkii Wasiirka Gobolka isla markaana uu Xaqooda uga soo Dhiciyo dawlada dhexe Balse nasiib darro Aragtidiisu Ma dhaafto Jufadiisa Hoose (Habar Carfaan) oo Masuulka uu Xil udhiibaaba uu Halkaasi ku Abtirsado.
Tan iyo intii La magacaabay Indheer garadka Reer Awdal way u kaadi badiyeen Waanay ka Dhur sugeen Talaabooyinkiisa Balse wax kasoo Socdaa ma jiro, Magacaabistii ugu Danbeysay ee uu Doraad Sameeyey Wasiirku Waxa jira Seddex Shaqsi oo kasoo jeeda Gobolka Awdal oo Seddexdu Jufadiisa Yihiin (Habar Carfaan) kuwaasi oo kala ah
Nimco Mohamed Adan Tubeec Iskuduwaha W.Beeraha ee Gobolka Awdal, C/risaaq Sh.Xuseen Bookh Xisaabiyaha waaxda Hay’adaha Caalamiga ah iyo Maxamed Cilmi axmed la Taliyaha Wasiirka Beeraha Somaliland, Arintaasi oo u Quus Goysay Dhalinyaro badan oo Kulliyada Beeraha ka Baxay oo Gobolka Awdal ka soo jeeda oo Rajo ka Qabay in uu Wasiirku Cadaalad usamayn Doono Dadka uu soo Xulanayo.
“ Iska daa Cadaalad uu Sameeyee Jufadiisa ayuu sii kala Dhawaystaa oo uu ka ugu Dhaw ku Qoraa Meeshu uu isleeyahay Woxogaa kharash ah ayay leedahay” Sidaa Waxa yidhi Muxiyadiin Aadan oo ka Mid ah Ardayda jaamacada Camuud ee Gobolka Awdal.
Masuuliyiinta Khibrada uleh Shaqada Wasaarada Beeraha ee kasoo Shaqaynayay 20-kii Sanno ee u danbeeyay ayuu Eryay Markaasuu Kusoo Guray Boosaskoodu Jufadiisa, Waa Ayaan darooyinka Qarankan Curyaamiyay 27kii sanno ee ugu Danbeeyay.
La soco Dhawaan Dhibaatooyinka Wasaarada Beeraha haysta iyo Hayb sooca uu Shaqaalaha Wasaarada ku hayo Wasiir Axmed muumin seed oo aanu idiinku Gudbin doono insha allaah.
Ayaanle Muxumed
Borama/ Somaliland

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka