Haldoornews.com
Ifafaale Cadaaladeed baa Muuqata
March 7, 2019 - Written by admin

Meesha waxa ka baxday farogalintii ay xukuumaddu ku hayn jirtay bahda garsoorka, taas ayaa sababtay in mar walba laga guulaysto fulinta oo miskiinka ay qabsadaanba ka guulaysto.
Saddexdan dacwadood oo mid waliba qaranku dacwaysanne ka ahaa ayaa maxkamadda lagaga guulaysteen oo uu kaga guulaystay dad aan awood lahayn oo masaakiin ah..
1.Dacwadda koowaad waxa dacwoonayey qaranka (Booliska iyo madaxtooyada oo isku lifaaqan) waxaana u doodayey xeer ilaalinta qaranka, waxaana lagu soo oogay Abwaan Cabdiraxmaan Abees, markii loo kala baxay Qarankii iyo Abwaanka, waxa guulaystay Abwaankii oo helay xoriyadiisi.
2.dacwadda labaad waxa uu ahaa Qaranka iyo 20 dhallinyaro darbi jiif ah, wasaaradda shaqo galinta iyo arrimaha bulshadda ayaa dacwoonaysay oo waxa u doodayey xeer ilaalinta, waxaanay dacwaynayeen dadka ugu jilicdasan bulshadda ee Darbi jiifka oo xiitaa hadii qof shacab ah wax soo gaadhsiiyaan iskaga tago marka la waayo cid magdhow laga qaado, markii loo kala baxay Qaranka iyo ciyaalkaasi waxa guulaystay darbi jiiftii, sidaas bayna xoriyadii ku heleen.
3. sidoo kale, waxa hore u dhacday in Maayarka Gabiley uu xidhay wariye oo uu dacwad ka furtay maxakmada gobolka Gabiley, waxaana gudoomiyihiii maxkamada gobolka Gabiley dadka hortoodda ugu sheegay in maayarku marka uu hoolka dacwada soo gallo uu qof shacab ah yahay oo uu banaanka kaga imanayo Title-kiisa, taas oo farxad galisay dadkii u haystay inuu hoolka dhexdiisa awoodii uu lahaa la soo gallayo, sidii baana wariyihii eedihii loo haystay lagu waayey loona fasaxay.
saddexdaaasi arrimood waxay tilmaamayaan ifafaale cadaaladeed oo qof kasta ku dhiiran karo in maxkamada horteeda dadku u siman yihiin madax iyo minjo.

Barkhad ladiif Cumar

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka