Haldoornews.com
Hogaamiyaha wanaagsani mawaayo in xun oo xag- xagata.
January 24, 2019 - Written by admin

Madax-waynaha deegaanka waxaa,uu caqabada ugu balaadhan ka la kul maa siyaasiyiin hore uga
tirsanaan jiray xuku madii hore oo aan la dhacsanayn siyaasadiisa iyo qaabka uu wax u wado iyaga
oo doonaya inay markale qayb ka noqdaan golaha fulinta ee dawlad deegaanka soomaalilda,
fikirkaasi oo uu dabada ka riixayo gudoobiyaha xisbiaga.Ahmed Shide.
Dadbadan oo soomaaliya ayaa aaminsan in Madax-waynaha deegaaka Mustafe Muxumad Cumar
uu hogaamiyay isbadal shacab oo horleh marka laga eego dhinaca xoriyatul qawlka,nabadgalyada,
dhisida xukumada iyo deegaanka, dhaqaalaha oo dad gaara u xidhnaa oo uu cidwalba u furay iyo
nidaam dawladeed oo madaxbanaan oo aan hore deeganka uga jirin.
Dabayaqadii sanadkii tagay waxaa deegaanka soomaalida Itoobiya ka hanaqaaday
nidaam ka duwan nidaamyadii hore uga jiray deegaanka kililka shanaad kaas oo
keenay nabad galyo maa-mulwanaag horiyatul-qawl, sinaan iyo cadaalad, iyada oo uu
deegaanku ku jiray mudo sideed sano ah xaalad qalafsan oo keentay
Dil,dhac,xadhig,jidhdil,kufsi iyo boob.
Kadib markii uu mesha ka baxay nidaamkii qalafsanaa ee xukumadii hore,waxaa
deegaan soomaalida u ifay nolal iyo ididiilo cusub oo uu horsed u yahay Madax-
waynaha hada talada haya Mudane Mustafe Muxumad Cumar (Musfate Cagjar).iyo
ururada Dulmidiid iyo Barbaarta ee dhalinyarada deegaanka somalida oo gabi ahaanba
mesha ka saaray xukumadii uu gadhwadeenka ka ahaa Cabdi Ilay iyo Ururkii Heego ee
daba dhilifka u ahayd Tigraya.
Waxaan ka wada dharagsanahay xaaladihii adkaa ee uu deeganku galay xiligii kala
guurka ee xukumadii dhacday,sida xilkasnimada leh ee uu uga soo gudbay madax-
waynuhu iyada oo ay horyaaleen caqabado badan oo xiligaa ka taagnaa deegaanka oo
ay kaw ka tahay ciidanka liyuu booliska oo daacad u ahaa madax-waynihii hore, dhisida
xukumada iyo xubnihii laga saaray xisbiga D SH S I iyo mabda’a ururka
OLNF,Kaniisadihii lagubay,Hantidii umada ee ladhacay xiligii rabshadaha.

Hadaba waxaa ayaandaro wayn ah Madax-waynaha intaas oo caqabadood sida
xilkasnimada iyo aqoontaleh u ga soo dabaashay ee deegaanka nolal horleh u iftiimiyay
in manta rag danaystayaal ahi ay yidhaahdaan waa waalanyahay iyo waa mucangag
waa waxaan meesha qaban,mana aha in la dhagaysto dadkaa carqaladaynaya
nabadaa balaadhan ee manta uu deegaanku ku naaloonayo.Waanan ka wada
dharagsanahay dhibaatadii balaadhnayd ee deegaanka ka taagnayd mudadii dheerayd
ee uu xilka hayay madax-waynihii hore.
Somalidu waxay ku maah-maahdaa sixun wax u sheeg sixir kadaran. Raga manta
mucaaridka ku ah madax-waynaha dawlad deegaanka somalida waa ragii bar-
baryaacayay markii ladooranayay ee lahaa waa madax-wayne karti iyo aqoonleh, kadib

markii ragii sidaa lahaa ay ka waayeen wixii ay doonayayeen ay u arkeen inuu horumar
gaadhsiinayo shacabka iyo deegaanba,waxay bilaabeen inay mucaaridaan iyaga oo
eegaya danahooda gaarka ah ee aan eegayn danta shacabka iyo ta deegaanba.
Waxaan arkaayay qoraalo baraha bulshada lagu baahiyay oo ay qoreen rag ka
agdhawaa madaxwaynaha oo ay leeyihiin madax-waynhu wuxuu baal maray Dastuurka
dalka Itoobiya iyo nimaadka xisbiga dawlad deegaanka soomaalida oo ay ku an
dacoonayaa waxa uu golihiisa wasirada kadhigay ragaan aaminsanayn aragtida xisbiga
iyo ururka ONLF ayuu taageersanyahay.
Horta dastuurka Itoobiya marka horaba waxa uu god madaw ku riday xuquuqda
shacabka soomaalida Itoobiya oo aanu siinin xaq lamida xaqa ay qoomiyadaha kale ee
Itoobiya leeyihiin, nidaamka Xisbiguna kaas ayuu taabacsanyahay oo uu daba socdaa
markaa hadii uu madax-waynuhu u arko inaan danta shacabka iyo deegaankaba wax
ugu jirin ,waxa uu raadinayaa wax dadka iyo deegaankaba dan ugu jirto ee maaha in la
cambaareeyo ama xilka ka dag layidhaa taasina waxay sharaf dhac utahay dadka
deegaan ka iyo deegaan laftiisa ,siyaasi dantaada ha eegin waxaad eegtaa maslaxada
shacabkaaga.
Maanta mataagnin maalin aan is xag-xagano ama aan is cambaarayno oo aan qolo
qolo iyo qabiil is ku cayno mana aha in shakhsi layidhaa waa wakan iyo waa keer
Soomaali waa soomali meel kasta oo uu deegaanka ka dago mana aha in la is ku
aflagaadeeyo qabiil,ee waa in danta shacabka iyo deegaanka aan meel uga soo wada
jeedsanaa oo aan ka baxnaa waxyaabaha xanaftaleh ee ina kala dilaya.

Kililka shanaad ee Itoobiya waxaa ku abtirsada dhamaan soomaalida oo dhan waana
uu ka wada dhexeeyaa deegaan ahaan halagu kalabatee, balse maaha inaan inagu
mucaarid is ku noqono oo qofkii qoorta sare uqaadaba aan inagu qoorta jarno,kii fikir
kale aamin sanna aan dhidhaa waa siyaasi waa nin wanaagsan.
Waxaan xaq iyo xuquuqba la leenahay 115 milyan ee kala qoomiyadaha iyo kala diinta
ah ee ku wada abtirsanaya Itoobiyaan nimada,markaa intaan inagu is ku jeedno waan
wada ogsoonahay waxa manta ka taagan Itoobiya ee inaga oo midaysan oo soomaali
ku abtirsanayna sida qoomiyad waliba qoomiyadeeda ugu abtirsato aan ku abtirsano
soomaalinimada, oo aan is ka dayno kani waa rer hebel iyo maaha soomaali .taasi
inaga ayay ina kala gaynaysaa.

Cabdiraxman Aadan Madar (Abdirahman joco)

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka