Haldoornews.com
Warbixin Tayadii Saxafada ee Burco oo Hoos u Dhacday iyo Shaanbadii Wasarada warfaafinta iyo Solja oo si sharci Daro ah loo Adeegsaday by Yaasiin Dhagacade
December 27, 2018 - Written by Yasin dhegocade

Burco waa Magaalo ay Midaysay Bulsho kala duwan oo siyaabo kala Duwana u Nool Waana Magaalo la odhan Karo Bulshadeedu waxay ka Koban Tahay Bulsho qabata Hawlo kala Duwan Tayo ahaan waa magaalo ku Talabsanaysa Horumar Dhinacyo badan Taabanaya  sida Cafimadkaga Waxbarashada Biyaha iyo  Mamulka hadaba Magalada Burco waxa ay Hoos u Riday Qiimihi ay Lahayd warbaahinta .

Warbaahintu waa awooda afaraad ee Koonkan aynu ku dul Nolnahay Waana Muurayad ay isku Daawadan Badiba Bulshada Koonkan aynu Ku Nool Nahay Waxna way Dhista waxna way Dumisa Halkaa waxad ka dareemaysa awooda ay Ku Fadhido Warbaahintu

Hadaba Waagan aynu Joogno warbaahintu Somaliland waxay Noqotay warbaahin Dhulka la gashay  sharaftii ay lahaayen Suxufiyinta Somaliland

Barashada Mihnada saxafadu Waa Xirfad uu Bahan in waqti dheer la Geliyo Waana xirfad ka Duwan Xirfadaha kale ee la Barto  una Baahan Tababar ku saabsan dhanka war akhrinta Diyaarinta Barnaamijyada iyo Ducumentaryga .

Hadaba  Magala Burco waxay ka mid tahay Magalooyinka Dhulka La galay Sharaftii ay lahayd warbaahintu .

Hadaba Waxa ka Jira magalada Burco Goobo gaar loo leeyahay oo Lagu Barto  Saxafada waana Goobo loo Furtay Ganacsi ahaan loona Bixistay Magacyo Gaar gaar ah

Waxay soo Saaran arday Tiro ahaan aad u Badan Lakin Tayo ahaan aan Bisleen

Waxanay Ardayda kuso Jiitaan in ay Bari doonan mihnada saxafada Sadex Billod ama lix Billood balse taasi waxay meel Kaga dhacday Saxafadi Qimaha Lahayd  ee Waqtiga iyo Juhdiga u Baahnayd .

Ardayda Bilaa Tayada ah ee kaso Baxda Dugsiyadaasi Hadhow ma Haystaan ama Lama Geeyo Goobo Shaqo ama Sido kale Goobo Lagu Tababaro .

Wasaarada Warfaafinta Somaliland iyo Ururka suxufiyinta ee Solja Xil iskamay Saartin  Qiimaha warbaahinta Somaliland  Waxana si Sharci Daro ah loo Adeegsada Shaanbada Wasarada warfaafinta iyo ururka Solja

 

Waxa Qoray

Yaasin Dhagacade

Gmail Xikmada2018@gmail.com

 

 

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka