Haldoornews.com
Buuhoodle waa dhulkeenii W/Q: Cabdikariin-Xikmaawi
December 17, 2018 - Written by admin
27/04/2018, Jimce habeen Sabti soo gelayso ayay ahayd markii aan ka qayb galay bandhigga dhigane la magac baxay “Maxuu Ninku Been u sheegaa Gabadhuna la oydaa?!!” Dhiganahan oo ay qoraalkiisa iska kaashadeen saddex wiil oo saaxadda qoraalka ku cusbaa. Martiqaad aan ka helay dhalintaas ayaanan ku aaday xafladda oo ka dhacaysay Hoolla Haayadda shaqaalaha ee magaallada Hargaysa.
Bacda cishe ayuu bernaamijku noo furmay, intii se aannu wali bilaabmin ayay madasha noogu timid Xamda-Ayaan oo ka mid ah bahda qallinlayde ee gobolka Togdheer. In door ah ayaannu halkii Xamda ku sheekaysanay, ugu danbayntiina waxay ii sheegtay “in ay u socotay buug u ururinta maktabadda Buuhoodle, waxaanay iga codsatay in aan madasha uga yaboohiyo maktabadda buug, anna wixii aan awoodo aan ku darsado”.
Haddii in door ah uu bernaamijkii noo socday ayuu hadalku isoo gaadhay. C/casiis-daacad  ayaana igu soo dhaweeyay hadalka. Intii madasha igalla gudboonayd kolkii aan idhi, ayaan codsigii Xamda-na ku ladhay oo aan idhi “Waxa kale oo innoo sharaf ah in caawa madasha ay innala joogto walaasheen Xamda-Ayaan, oo ah guddoomiye ku xigeenka Naadiga ‘Halkaraan’ ee Burco. Xamdi waxay u socotaa qaadhaanka buugta loogu ururinaayo maktabadda Buuhoodle, hadaba, aniga oo ku hadlaaya afka bahda HAL-QOR, waxan maktabadda ugu deeqaynaa 30-buug, ciddii kale ee ka qayb qaadanaysaana gacanta ha taagto oo ha is diwaan gelliso. Waad mahadsantihiin. Wasalaamu calaykum”.
Intaas ka dib-na C/casiis-daacad oo madasha xidhiidhinayay ayaa isaguna waxa uu ku deeqay 10-buug. Xamse Cadarre oo ka mid ahaa martida bernaamijka ayaa isaguna ku deeqay 15-buug. Dhallinyartii madashooda la fadhiyayna waxa ay ku deeqeen 10-buug. Sidaasi ayuu habeenkaasi ahaa. Ugu yaraan 60-buug oo kala jaad ah ayaannu habeen saddexaadkiiba Xamda ku soo wareejinay.
Meel ay ku taal maktabaddu, gobolka ay magaciisa sidataa xaggu iga xiggo, cid degta, iyo inta uu ii jira toona walaahibay iga tahay in aannan garanayn. Xagga bari uun in ay tahay ayaan tuhunsanaa, illaa iyo aan indhahayga ku soo arkayna mooyaane, ma sii waraysan hawshaasi iyo xaggay ku danbaysay toona.
Hadaba, markii aan marti gellin rasmi ah ka helay 22/09/2018, Naadiga “Aw-Jaamac Cumar Ciise” ayaan si toos ah u aaday Buuhoodle. 28/09/2018, khamiis habeen Jimce soo gelaayo, ayaan ka qaybgalay Xafladda Sannad guuradii 1-aad ee ka soo wareegata aasaaska naadigaasi. Naadigan sannad jirsaday ayuu noqday ka gacanta ku haya maktabaddii aannu buugta ugu soo deeqnay. Farxad gaar ah ayay ii ahayd in aan ogaado dhulkii aannu buugta ugu soo deeqnay baahida looga qabay intay tahay.
Habeenkaasi ayaan aad uga qiirooday tacabka ay dhallintaasi madasha gelisay. Wax se aan qajillaad iyo xishood u sii go’ay kolkan ogaaday in dhallintan kooda ugu sarreeyaa uu sannadka yahay fasalka afraad ee dugsiga sare  (from four). Amakaaga intaas oo dhan ii sii dheeraa ayaa noqday, markaan garawsaday in aan haba yaraato e cid gacan qabatay iyo cid wax ku tartay toona aannay jirin. Waxa kale oo aan aad uga murugooday kolkii ay iiga warrantay Nasra oo ah Guddoomiye xiggeen-ka naadigu, dhibta iyo dhaqaalle darrada ka haysata xagga maktabadda iyo bandhigyadaba. Waxa kale oon ka murugooday kolkay ii sheegtay sida ay dadka deegaan-ka badankoodu u arkaan barbaartan iyo tacabkoodaba. Iyana waxa lama illaawaan ahayd miisaanka marti gellinta iyo munaasibadda oo aad u balaadhnayd; in dhaqaale kaste oo ku baxay ay dhallintaasi jeebkooda ka bixinayeen. Hawsha intaas leeg ee ay galleenna ay iyagu dusha u riteen.
Hadaba, waa caynkee deegaan-ka ay maktabaddani ku taallaa, ama dhallinyartan is beddel doonka ahi ay ku noolyihiin?
#B. Ugu horrayn-ba waa deegaan colaadeed oo iminka uun nabadda iyo xasiloonida nolosha la soo qabsanaya. Waana deegaan ay adagtahay in si dhayal dhayal ah dhallinyartu si xor ah rayigooda u cabirto unna soo bandhigto.
#T. Waa deegaan aan lahayn dawlad, maamul, madax iyo cid masuul ah oo laga amar qaato, ama magan iyo miciin-ba la bido; marka laga reebo Caaqillo iyo madax-dhaqameed hab beelaysan looga danbeeyo, aan se wax dhaqaalle ah dhallintu ku qabin kana hellayn.
#J. Waa deegaan go’doon ah oo noqday dheri afar dhadhaar dhex yaalla oo aan dhanna u roonayn, iska daaye dhan walba ka ololaya.
J. 1- Xag Soomaaliland ayay ka tahay, laakiin naf, nacfi iyo nolol toona kuma haystaan shacab-ka deegaan-ku; dhallinta akhriskana warkoodaba daa, in odayaashu ay dheef ka hellaan iyo in kale se ma kala sheegi karo.
J. 2- Xag waa ka Putland, oo sidoo kale shacabku wax dawlad ah iyo wax horu mar ah oo ay ku qabaan ha sheegin, dhallinteenii Akhriskana warkoodaba iska daa. Haddii aan xildhibaannada sharraxani dheef ka hellin Putland, dadka raydka ahi wax lagu kuunyo kuma qabaan dawladda Putland.
J. 3- Dhan waa ka Soomaaliya, oo callan culays mooyaane aan caawimo u taraynin ayaa ka dhex babanaya magaallada, iyo meel kaste oo illi-qabatayaba. Dadka deegaan-ku in ay Soomaalinimada aad u jecelyihiin ka sokaw, xaqiiqatan maan arrag mana garanayo wax wax tar ah oo deegaankaas ay dawladda fadaraalku u tarto, ka shacab ahaan. Dhallinteenii akhiriskana maxaabad u malayn?! Yaaba og !!
J. 4- Dhanna waa ka Ethoipia, oo xuduud ku sheegii macmalka ahaa ayaa qayda magaallada. Dhib mooyaane in aannay weligood dheef ka hellinna waa xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah, halkaasna bulshada reer Buuhoodle garab iyo gacal toona kuma haystaan. Dhallintii akhiriskana maxaabad ….?
#X. Buuhoodle, waa deegaan aannay dadka ku dhaqani weli si xaqiiq ah uga tashanin danbaysada nolasha waxa ay mudan doonaan ubadkoodu, dhaxal la taaban karana aan weli u dhitaynin jiilasha soo socda, una qorshaynin.
#KH. Deegaankani waa deegaan Akhris iyo Qoraal iska daaye, aan weli si dhab ah ugu heshiin xasilloonida nabadda iyo wada noolaanshaha, waana deegaan ay qariib ka tahay wax badan oo gobollada kale ee dalka caadi ka ahi. Sida: bandhigyada iyo qoraalku.
Hadaba, dhulka caynkaas ah iyo nolosha sidaas ah ayay dhallinyarta Naadiga “AW-JAAMAC CUMAR CIISE” sida shamaca uga soo dhex mudheen, iyaga oo aan reer, degmo, iyo deegaan gaar ah toona ku socon, ee ay midaysay oo walaalaysay aqoonta Akhriska iyo Qoraalku, ayay gacmaha isku qabsadeen sidii ay bulshadooda uga xorayn lahaayeen caqabadaha ku gedaaman, ee cilmi la’aan ta iyo aqoon darradu ay dhaxalsiisay.
Sidan kor ku soo xusay-ba dhallintani, iyaga oo aqoontoodu aannay dhaafin dugsi sare, welina aan xubin ka mid ahi si rasmi ah u shaqo gellin oo aannu/nay wax ulla soo bixin, ayay haddana isku xilqaameen in ay furtaan maktabad iyo goob wax lagu akhristo oo deegaan-ku yeesho. Alle waa u hir geliyay maantana gacanta ayay ku hayaan dhibtay doonaan-ba ha la maraane.
Maxay Tebeyaan hadaba barbaartani waxaas oo tacab ah falay? Maxaa se maanta u darran Naadiga “Aw-Jaamac Cumar Ciise”?
In kaste oo aanan tabashada barbaartaas iyo ta deegaan-ka ba soo koobi karin, hadana waxaan indhaha laga qarsan karin in ay jirrinayaan ama tabayaan qodobbadan hoos ku xusan:
#B. In ay hellaan goob madax bannaan oo looga dhiso maktabad iyo barxad ay bernaamijyada ku qabsadaan, si ay uga raystaan dhaqaalaha ay kirada ku bixinayaan iyo ta ay bandhigyada ku qabtaan-ba.
#T. In ay hellaan cid garab istaagta. Oo maadaama deegaan-ku aannu wali u bislaan umuurraha Akhriska iyo Qoraalka, cid garab iyo gaashaan u noqota oo dhiiri gelisa, kuna boorrisa in aannay is dhiibin ee dedaallaan.
#J. Dhankay doontaba ha ka timaado e, in ay hellaan dawlad, ugu yaraan filkooda iyo qayrkood la tartansiisa oo u hagar baxda.
#X. In ay hellaan cid tababarro iyo aqoon korodhsi u samaysa, maadaama ay ku noolyihiin deegaan aan aqoonta akhriska iyo Qoraalka  cid kaga horraysa iyagu, in aannay joogin ama laga helayn-ba laga yaabo.
#KH. In ay hellaan xaddi buug ah oo ka kooban, Diini, Maadi, Suugaan iyo wixii loogu dari karaba, si maktabadduna ugu buuxsanto, garaadkooda iyo aqoontooduna ugu kobocdo.
Haddii sida togan looga faa’idaysto maxay mustaqbalka dhaw, iyo ka dheer-ba suurto gellin karaan dhallintani? Ama noqon karaan?
#B. Waxay door muhiim ah ka qaadan karaan, xasillinta iyo xasiloonida deegaan-ka Buuhoodle iyo guud ahaan-ba dalka.
#T.  Garab muhiim ah ayay u noqon karaan maamulkii u baahda in uu si dhib yar uga hanna qaado Buuhoodle, oo kasbashada quluub badan oo da’ yar ayay muhibsiin karaan.
#J. Is kaashiga dhallinta, iyo is dhex galka barbaarta beellahoodu kala banjoogawday ee deegaan-ka, ayay kaalin laxaad leh ka qaadan karaan, tiiyoo wacyigelin looga faa’idaysanayo.
#X. Heshiisiinta beelaha iyo hanbabaska colaadaha cidhib xumada leh, ayay door laxaad leh oo lagu tammadiyo ka noqon karaan.
#KH. Ugu danbaynna, mustaqbalka jiilka soo kacaya ee deegaan-ka ayay tub toosan iyo hannaan lagu tennaado u sii jeexi karaan oo ay dhaxal siin karaan, danbar ay ka hirqadaan.
Yaa mudan kolkaas in uu maanta abaal gashado barbaartaas?
1- Arragtidayda gaaban haddii aan ku cabirro, waxa mudan in uu abaal gashado qof kaste oo lexejeclo ka hayso aayaha ummaddaas iyo deegaankaas-ba.
2- Waxa kale oo iyaguna mudan in ay il gaar ah ku hayaan, muhiimad gaar ah-na siiyaan ururrada arrimaha samafalka ka shaqeeya iyo dalladaha dhallinyarta magacooda huwan, ee lagu tix gelliyo. Haddii aan farta ku sii fiiqo kuwa aan aqaanna, waxa ka mid ah: “Xarunta Dhaqanka Hargaysa” iyo ururka dhallinyarta heer Qaran ee “SONYO” iyo qaar kale oo dhiggooda ahba, way tebayaan gargaarkooda.
3- Ugu danbayntii waxa aan u tilmaami lahaa xukuumadda Soomaaliland in ay gacan iyo garab gaar ah siiso dhallinyartan, taasi oo beddelkeedana ay ku kasban karaan quluub badan oo ka mid ah shucuubta reer Buuhoodle.
4- Haddii dhankooda laga tegi waayana, ganacsatada iyo dadka Eebbe wax siiyay ayaan ku boorrin lahaa in ay dhallintaasi ugu yaraan maktabad u dhisaan, kirada iyo kadeedka haystana ka soo furtaan.
Hadaba, maxaa kulla gudboon adigaaga akhrisanaya qormadan?
1- Ugu horrayn-ba la wadaag ciddii wax ka qaban karta arrintan.
2- Haddii aad kaalmo buug ama mid dhaqaalle aad ka gaysan kartana, fadlan waxaannu kaa codsanaynaa in aannad kala masuugin dhallinyartan ee aad u hurto jeebkaaga.
3- Haddii aad tahay qof deegaan-ka u dhashayna waxa kulla gudboon, in arrintani ay ku damaqdo, ugu yaraanna aad fadhiga ka kacdo, oo haddii aad degmada joogtana la hawl gashid barbaartaas, haddii aad ka dheertahayna hiil iyo hooba aad la soo garab istaagtid. Ugu yaraanna aad ka bixiso $60 -ka doolar ee maanta maktabadda ay ka bixiyaan.
5- Masuul dawladeed haddii aad tahayna bal is waydii “Buuhoodle yaa xukuma? Ma adiga mise kan mise kan” intaas kolka aad iskaga jawaabtana, isku taxaluuji sidii aad xaqa deegaankaas iyo xurmada dhallinyartaas-ba u raadin lahayd, gacanna  uga gaysanlahayd.
Buuhoodle waa dhulkeenii
W/Q: Cabdikariin-Xikmaawi
Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka