Haldoornews.com
Somaliland Ma Soo marayo Qof ka Musuqmaasuq iyo Tuugnimo Badnaa Axmed Xaashi oday Wasiirkii hore ee Boosaha iyo isgaadhsiinta.
December 6, 2018 - Written by admin


Tan Iyo Intii Somaliland Jirtay Waxaa Dalka Kusoo Badanaya Shaqsiyaadka Siyaasada Somaliland U Galay Ganacsiga Iyo Boobka Hantida Umadda.
Damiirka, Dadnimada iyo Garashadu waa Haybad Alle Ku manaysto Qayb ka mid ah Aadamihiisa, haddii lagu karaameeyo oo aad Garanwaydo, Xishoon waydo, Damacaaguna Noqdo Mid Laamiga Hunguriga Soo Dhigtay, Wax uu Xeerinayaana aanay jirin Waxa Hubaal ah in Aad noqon Doonto Tuke Baalcad oo Bulshadu isku Tilmaanto.
Axmed Xaashi Nuur Oday oo ahaa Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ee Xukuumadii Madaxwayne Siilaanyo iyo Goddoomiyihii ururka Mihnadleyaasha Caafimaadka ayaa waxa uu ka mid ahaa Shaqsiyaadka Faro ku Tiriska ah ee Caanka ku Noqday Musuqa iyo Boobka Hanitada Umadda, laga soo Bilaabo Dawladii Alle ha unaxariistii Maxamed X.Ibraahin Cigaal oo uu noqday Agaasimihii ugu horeeyey ee Lagu Eryo Tuugnimo Cadaan ah oo isaga oo Qalabka Wasaarada Beeraha, Dhirta iyo Daaqa ee Hay’aduhu ku Caawiyaan Somaliland udirsan jirtay Tuulada Garabis ee Koonfur Galbeed kaga Beegan Magaalada Hargeisa, halkaasi oo uu Axmed Xaashi Geel Ku Dhaqdo, Waxaana Markhaati looga dhigay oo ka mid ahaa Qalabkii lagu Qabtay karyoonayaasha Ciida lagu guro iyo Cagafyo ay ku qornayd “Donated by UNDP”.
Axmed Xaashi oday Waxa uu ka mid ahaa Shaqsiyaadkii ka Qayb galay ololihii Xisbiga Kulmiye ee 2003-dii illaa 2010-kii, Waxaanu ka mid noqday Golihii Wasiirada ee uu Horaantii Muddo Xilleedkiisa Ku Dhawaaqay Madaxwayne Siilaanyo, Waxaana Sababta Magacaabistiisa Lahaa Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirkii hore ee Madaxtooyada oo wakhtigaasi Gacan yare u ahaa Madaxwayne Siilaayo, isaga oo ku Badalay Magaca Alle Ha unaxariistee “Maxamed Cabdi Iskeerse” oo ku jiray Digreetada Madaxwaynuhu soo Xushay Balse la Dhalan gadiyey ka dib markii ay Cadaadis Xoogan Saartay Marwadiisa oo ka mid ahayd Garabkii haweenka ee Xisbiga Wakhtigaasi, Madaxwaynahana habaryar u ahayd.
Axmed Xaashi oday Waxa uu Noqday Wasiirkii Xanaanada Xoolaha ee Wakhigaasi Waxaanu Awood Saaray intii uu Xilka hayay Boobka Hantida Dhulka Gaar ahaan labada Xaafadood ee Jigjiga yar iyo Shacabka “State House” Axmed Waxa uu ahaa Wasiirkii ugu horeeyey ee Buulal iyo Sandaqado ka Dhistay Xaafada Danyartu Degantahay ee State House-ka Si uu ugu helo Dhul, sidoo kale waxa uu Dayr Wayn kusoo Xidhay, Goobihii Qashinka ee Xafadaasi Gaar ahaa Agagaarka Biriijka yar ee State House-ka oo Dayrkiisu soo gaadhay.
Axmed Xaashi intaasi kumuu Joogsan ee waxa uu hore ugu Baxay oo uu Dayr Barbarka usaaray Jidka Gurigiisa hor mara ee Aada Dugsiga “School of Tomorrow” Halkaasi oo aanu Qof Alle ka Baqayaa aanu ku Hamiyeen inuu Xidho Jidkaasi ay isku dhaafi jireen baaruurtu Maanta noqotay Luuq yar oo hal Baabuur Mari karo.
Mr Oday intaasi kuma uu istaagin ee waxa uu kasii Qaaday Walaf, Hunguri iyo Damac gaadhay Xataa Jaararkiisa, Waxa uu utagay Wasiirkii Wakhtigaasi ee Hawlaha Guud iyo Guryeynta Xuseen axmed Caydiid oo hadda ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, Waxaanu ka Codsaday in loo Sameeyo Waraaqo Sharci oo (Lahaansho) Siinaya Dhulka Shacabka ee Jaararkiisa xataa Guryaha lagu jiro oo uu Badankooda ugu yimi Xaafada iyaga oo Dagan Balse Damacu ilawsiiyey jaarnimadooda, Waxaanu Bilaabay inuu ugu Hanjabo Dadka jaarka ah in Dawladu Siisay Dhulkan iyo Guryaha Dawlada ee Agagaarka Xaafadiisa.
“Waxaanu aragnay Shaqsi aad Moodo Wadaad Alle ka Cabsi leh oo Sujuudi ka muuqato balse aan Xishood, garawshiiyo iyo Damiirtoona lahayn Waxaanu uga Cabsi Qabnaa Xataa inuu Ganacsi ka Dayo Makaanka Haweenka ku Dhala Cusbitaalka Hargeisa, Kani mihnad Caafimaadna Garan maayee” Sidaa waxaa Tidhi Haweenay ka mid ah Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka Cusbitaalka Hargeisa oo ka yaabtay Dr.Axmed waxyaabaha uu ku kacayo.
Axmed Xaashi Dhacdooyinka Dhiilada iyo Dhagxumada ah ee uu Sameeyey intii uu Xilka Hayay kuma soo koobi karno Qormadan oo kaliya, Waxaynu Si Taxane ah ugala Socon doonaa Mareegaha Warbaahinta somalida waxaananu idinla Wadaagi doonaa Barnaamuj Muuqaal ah oo aad Amakaagi doonto marka aad Dhugato.
La soco Qaybta Labaad

Ahmed Aadan
Maandhaye@hotmail.com

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka