Haldoornews.com
Diyaarado Maraykanku leeyahay oo isku Dhacay
December 6, 2018 - Written by Yasin dhegocade

 

Dadaallo lagu baadi goobayo, laguna badbaadinayo ayaa socda ka dib markii saaka labo dayuuradood oo militariga Maraykanku uu leeyahay ay iyaga oo duulaya isku dhaceen, kuna burbureen Badweynta Pacifigga. Shilka ayaa ka dhacay meel ka baxsan xeebta dalka Japan, sida ciidanka marineska ee Maraykanka laga soo xigtay.

Ugu yaraan hal askari oo marines-ka ka tirsan ayaa waxa soo badbaadiyey ciidanka difaaca nafta ee Japan. Labada dayuuradood waxa midkood saarnaa 3 qof halka ta kalena ay labo saarnaayeen.

Dayuuradaha ayaa tababar ku jiray xiligii shilku dhacay, waxayna ka mid ahaayeen dayuuradaha ciidanka Maraykanka ee fadhigiisu yahay dalka Japan oo tiradooda lagu qiyaasay 50 kun oo askari.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka