Haldoornews.com
Proff. Axmed Ismaciil Samar Oo Si Cad U Sheegay Inay Fashilantay Hoggaamintii Madaxweyne Muuse Biixi, Wixii Laga Filaayayna Lagu Hungoobay.
December 5, 2018 - Written by Yasin dhegocade

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah xisbiga muxaafidka
ah ee Kulmiye ayaa si cad u sheegay in lagu hungoobay waxyaabihii laga filayey
madaxweyne Muuse Biixi iyo siyaasadii xisbiga Kulmiye ee uu shacabka u soo
bandhigay.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo soo saaray qoraal dheer oo uu kaga hadlayo
xaalada dalka ayaa sidoo kale dhaliilo adag u jeediyey xisbiyada mucaaridka ah ee
Ucid Iyo Waddani, kuwaas oo uu sheegay inaanay ilaa maanta hayn siyaasad
jihaysan oo ay taageerada shacabka ku hantaan.
Ugu horayn Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay doorashadii
madaxtooyada ee dalka ka dhacday “Arin kale oo taariikhiya ayaa ka
dhacday jamhuuriyada somaliland doorashadii madaxtooyada ayaana si guul ah
uga dhacday bishii November 2017, taas oo ay ku tartameen sadexda xisbi ee
sharcigu ogol yahay ee kala ah Ucid, Waddani iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye,
doorashadaas oo ay soo gashay waxoogaa qabyaalad ah oo ka imanayey xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye”
Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa fashil ku tilmaamay barnaamijkii siyaasadeed
ee xisbiga Kulmiye u soo bandhigay bulshada, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay
inaan ilaa hada waxba laga qaban adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.
Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sidoo kale soo bandhigay sababaha fashilka
ugu wacan barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo qodobada uu u arko inay
keeneen waxaanu yidhi
Golaha Wasiirrada ee madaxweyne Biixi waxay burinayaan balanqaadyadii uu
ololaha ku galay ee ahaa inuu magacaabo Rag iyo Dumar karti iyo awood leh.
Waxa kaloo uu ka tallaabsaday halbeeggii ahaa inaanay Golaha Wasiirradu ka
badan 20 Wasiir. Waxaanu madaxweyne Biixi markiiba dib ugu noqday habkii
qadiimiga ahaa ee lagu hungoobay, waxaanu magacaabay (32 Wasiir iyo Kuxigeeno),
taasi oo isu dheelitir La’aani ka muuqato, una sadburinaysa reer kaliya
oo 22 xubnood qaatay.
Biixi wuxuu si wax ku ool ah u yareeyey habkii fadeexada ahaa ee masuuliyiinta
sarsare u isticmaali jireen kharashaadka dowladda, balse waxba lagama qaban
Koboc la’aanta dhaqaalaha, qaaliga maceeshada, qiimo dhaca lacagta dalka iyo
shaqo la’aantii xun ee haysta dhallinyarada.
Maamulka Madaxweyne Biixi wuxuu soo waday qorshe xumadii, shaqaale
xumadii, taasina waxay wiiqaysaa xidhiidhka Somaliland la leedahay caalamka
27kii sannadood ee ay dib uga soo noqotay madax-bannaanideeda Soomaaliya.
Ma jiro wax caddaynaya in Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka midna
ay dabaqeen isbeddelkii loo baahnaa.
Proff Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu sheegay inaan la aqbali Karin in
doorashooyinka golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanada ee dalku ay mar kale
dib u dhacaan iyaga oo qorshaysnaa in la qabto sanadkan 2019.
Sidoo kale Proff Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu si adag u dhaliilay
xisbiyada mucaaridka ah oo uu ku eedeeyey inay ka gaabiyeen doorkii ay
lahaayeen, isaga oo si gaar ah u xusay in xisbiga Waddani oo doorashadii
madaxtooyada helay in ka badan 40% uu mudo sanad ku dhaw ka soo waaqsan la yahay guul daradii ka soo gaadhay doorashadii, isaga oo xusay inaanu xisbiga
Waddani ilaa hada muujin wax calaamada oo tilmaamaysa inuu yahay hay’ad
siyaasadeed qaran oo awood leh.
Sidoo kale Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in isbadalada ka
socoanaya geeska Afrika ee uu hormoodka u yahay raysal wasaaraha Itoobiya ay
go’doon galiyeen somaliland iyada oo xukuumada madaxweyne Muuse Biixina
aanay la iman wax qorshe ah.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka