Haldoornews.com
Maxkamadda Dalka Turkiga Oo Soo Saartay Amar Lagu Soo Xidhayo Laba Mas’uul Oo Sacuudiyaan Ah
December 5, 2018 - Written by Yasin dhegocade

Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa soo saartay amar lagu soo
xidhayo laba mas’uul oo ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga aadna ugu dhow
dhaxal sugaha dalkaasi Mohamed Bin Salman.

Xeer ilaalinta guud ee Turkiga ayaa labadan mas’uul iyo koox ka kooban 18 qof oo
Turkiga u tegay dilka Saxafigii Jamal Kashoqgi ku soo eedeeyay inay qorsheeyeen
oo ay fuliyeen dil iyo ciqaab aad u culus oo lagu sameeyay weriyahaasi xilli uu ku
sugnaa gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.
Labada mas’uul ee Turkigu dalbaday in lasoo xiro, loona soo gacan geliyo ayaa
kala ah; ku xigeenka madaxa Sirdoonka Sacuudiga Axmed Alcasiiri iyo Xoghayaha
Dhaxal-sugaha dalkaasi Sacuud Alqaxdani oo ku eedeeyay abaabulka dilka
saxafiga Jamal Kashoqgi.
Turkiga ayaa doonaya in labadan mas’uul iyo 18 kale oo fulisay dilka saxafiga lagu
maxkamadeeyo Turkiga oo denbiga ka dhacay, laakiin dowladda Sacuudiga ayaa
diiday inuu Turkiga u gacan geliyo eedeysanayaasha.

Dalabka Turkiga ayaa loo gudbin doonaa Sacuudiga, iyadoo Booliska Adduunka ee
Interpol laga dalban doono in meeshii lagu arko lagu soo qabto mas’uuliyiintan,
waxaana Turkiga uu sheegay in Sacuudiga aanu wax gacan ah siineynin
baaritaanka ay wadaan.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka