Haldoornews.com
Sir Wayn oo kaa Qarsoonayd ! Warbaahinta Oo Heshay Cadadka Lacagtii Cadaanka Ahayd Ee Ku Baxday Safarkii Uu Madaxweyne Muuse Ku Tagay Gobolada Bariga Somaliland Iyo Qaabkii Uu U Qaybiyay
December 3, 2018 - Written by Yasin dhegocade

Inkasta oo ay adag tahay in si dhib yar xogtan si dhab ah loo
wada ogaado haddana illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo warbaahintu heshay
ayaa daaha ka rogay cadadka lacag cadaan ah oo la garab qaaday Safarkii uu
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Doraad kaga soo guryo
noqday Gobolada Bariga Somaliland kuwaasi oo uu kala kulmay soo dhawayn
diiran iyo Martigalin cudoon.

Warar lagu kalsoon yahay oo lagu baahiyay Shabakadaha wararka ee ayaa
iftiimiyay in safarkii 14-ka Maalmood qaatay ee uu Madaxweyne Muuse Biixi
Cabdi ku tagay Gobolada Bari ee Somaliland ay kaga baxday lacag cadaan ah oo
kor u dhaafaysa Hal milyan oo Dollarka oo lacagta Maraykanka ah, inkasta oo ay
warar kale sheegayaan inay hawlwadeenada Safarka Madaxweynuhu ay markii
dambe kordhisteen oo ay lacag kale soo dalbadeen oo laga daba geeyay kadib
markii uu dhamaaday Halkaasi Milyan ee hore ee Gaadhi loo sii saaray

Madaxweynaha, haddana majiro war rasmi ah oo arintaasi xaajiinaya in lacagtaasi
laga daba geeyay ay jirto.
Sida lagu baahiyay warbaahinta Qaar oo xogtan heshay, waxa safarka
Madaxweynaha la socday Xisaabiyaha Khaaska ah ee Madaxtooyadda waxaanay
lacagtaasi sida lagu tafsiiriyay ay ku baxaysay kulamada gaar ka ah ee uu
Madaxweynuhu la qaadanayay Salaadiinta iyo Cuqaaasha Beelaha ku dhaqan
Gobolada Bariga Somaliland oo uu Madaxweynuhu jufo jufo ula soo kulmay
beelihii deganaa dhulkii uu safarka ku soo maray, waxaanu koox ahaan Cuqaasha
iyo salaadiinta si muuqata ugu dhiibayay lacag Cadaan ah oo Dollar ah. Wararkan
ayaa sheegaya in Cadadka Lacagta uu Madaxweynuhu gudoonsiinayay Salaadiinta
iyo Cuqaasha la kulanta ay u dhexaysay 10-kun oo Dollar illaa 30-Kun oo dollar
iyadoo uu ukala saraysiinayay hadba sida ay ukala tiro badan yihiin ee ay ukala
xajmi wayn yihiin beel ahaan jufooyinkii uu kulamada la qaadanayay.
Arintan ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Siyaasada
Dawladdu ay Madaxweynaha ku dhaliilaan inuu handaraabay dalka oo ay
cidhiidhi kujirto noloshii caadiga ahayd ee Shacabku iyagoo ula jeeda inay
istaagtay lacagihii meertada ahaa ee Qasnadaha Dawladda kasoo bixi jirtay ee ay
iskaga noolaayeen dadka Magaalooyinka ku nooli.
Sidoo kale Madaxweyne Biixi Oo Hore Loogu Xaman Jiray Gacan Adayg Iyo Inuu
Handaraabay Irmaantii Afmiishaarku Ladaaban Jiray ee Qasnadaha Dawladda
kasoo bixi jirtay ayaa Noqday Madaxweynihii U Horeeyay Ee Lacag Cadaan Ah
Jufooyin Hoose U Qaybiya oo waliba si badheedh ah oo muuqata lacag
cadadkeeda la arkayo u qaybiya, lamana garanayo inay halkaasi kaga hadhi doonto
naanaystii uu isaga laftiisu labada jeer ka hadlay ee Handaraab ee uu ku
macneeyay inuu handaraabay Qasnadihii lacagta Dawladda,isagoo intii uu
safarkiisan ku guda jiray oo uu Naanaystaasi ka hadlay ku sheegay inuu
handaraabkii quful 99 ah u raaciyay.

 

Yaasiin Dhagacade

Haldoornews

Burco office

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka