Haldoornews.com
Furaha Guusha Qaranimo: Hal Biyo-Kama-Dhibcaan Ah! QW. Abdifatah Ahmed Ileeye
November 24, 2018 - Written by admin


Madaxweyne Muuse mid ha yeello; ha ogolaaddo (Dhaqan-galiyo) in uu ku shaqeeyo wadadda dadka reer Somaliland ay ku middoobayaan. Fahankaygii, Inta badan siyaasadda immika lagu shaqaynayaa waa ay ka horjeeddaa taas, siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo dammiir ahaan ba! Siyaasadda munaafaqadda ku dhisan ee gudeed ( Hypocrisy Motivated Internal Politics) waxa ay kala irdhaysaa dadka dawladnimadda wadda leh, waxa ay meesha ka saartaa ruuxda ay dawladnimadu ku dhisantay oo ah xorriyadda gudeed (Internal Sovereignty) iyo sharciyadda dawladnimadda casriga ahi ay ku taagan tahay ( Legitimacy based on Rational-legal Approach), sida uu qabo Max Weber. Haddii intani ay kaa galbato jirritaanka qalfoofka dawladnimaddu maalmo badan ma sii jirrayo. Sababtu waxa weeye, dawladnimadaasi waa siddii guri dadkii lahaa ay hilfaha u laabayaan! Iyaddoo dadkii dawladnimaddaa wadda lahas ay iyagu khatar ku yihiin dawladnimadooddii hoggaamin-xumo darteed, waa ay adagtay in caddow dibadeed la iska celiyo. Caddow ha ba joogee, in aynu lafaheenna u kala badbaadno ayaa xataa qariib ah.

Taas caksigeedda, shaki kuma jiro in Somaliland halkeedda loogu imanayo, cid waxyeeli karaysaa na ay iska ba yaraanayso haddii midnimo umadeed la helo. Dawladnimadda waa in dadka leh lagu qanciyaa habeen iyo maalin si ficil ah oo aan hadal iyo tororog ahayn. Dawladnimaddu waxa ay ku shaqaysa dayactir joogto ah.

Deldelnaanta saami-qaybsiga kuraasta golaha baarlamaanka, fullinta heshiiskii Khaatumo iyo maarre u hellis la’aanta doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo baarlamaanku waa nabbaro halis ah, khatar na ku ah sii waaridda ruuxda dawladnimadda Somaliland. Madaxweynuhu waa in uu ka badheedho xallinta arrimahan. Middaynta ummadaadu waa awoodaadda xaqiiqda ah ee aad iskaga celin karto cid kasta oo aad caddowgaaga u aragto siyaasad, dhaqaale, ammaan iyo falsafad ahaan ba. Ha il-duufin Madaxweyne!

Abdifatah Ahmed

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka