Haldoornews.com
“Madaxweyne Muuse waxa keliya een ka guntay hadalkiisaasi waa laba qodob, inta kale waa “wax ila qabta”, sidii caadiga ahayd” Gudoomiye Mustafe Shiine
November 21, 2018 - Written by admin

London(Haldoornews):- Mustafe Cabdi Cise Shiine oo hore uga gudoomiye uga soo noqday Gobolo dhawr ah ,xiligii xukuumadii silaanyo, balse markii dambe ku biiray xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani , kana mid ah dadka xooga u faaleeya xukuumada talada Haysa iyo Siyaasadda Madaxwayne Muuse Biixi ayaa qoraal uu soo dhigay Boggisa Facebook Mustafe shiine waxa uu kaga hadlay khudbadii uu madaxweynuhu u Jeediyey Bulshada Reer Burco, waxaana uu u dhignaa qoraalka siyaasi Mustafe Shiine sidan.

“Maanta (Shalay) waxa uu madaxweyne Muuse ka jeediyay Burco Khudbad aan u arkay in waxoogaa ay ka duwanayd kuwiisii hore een xalka iyo go’aanka sidan.
Madaxweyne Muuse waxa keliya een ka guntay hadalkiisaasi waa laba qodob, inta kale waa “wax ila qabta”, sidii caadiga ahayd
.
Labada qodob een ku hakaday ayaa kala ahaa:-

*mawqifka wanaagsan ee ku qaatay qadiyada isku soo dhawaanshaha dalalka Ethiopia,Erateria iyo Somalia.
*dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii golayaasha.
Mudane Muuse waxa uu si cad u sheegay mawqifka uu ka taagan yahay faqa madaxda seddexdaa dal, waxana uu si cad u sheegay inaanu u baahnayn cidii Somaliland ka maarmi karaysa,kaasi oo ah mawqif xariir ah oo ka turjumaaya doonista shacabka uu metelo.
Inkastoo laga dheehan karaayay hadalka Madaxweynaha in raysal wasaaraha Ethiopia iyo xukuumaddiisaba ay bedeleen jihadii hore, haddana waxa si geesino leh uu ugu sheegay isaga iyo madaxda Somalia in aanay jirin wax liicin kara qadiyada shacbiga ah ee reer Somaliland.
Qodobka 2aad waxa Mr. Biixi uu soo hadal qaaday dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii golayaasha, taasi oo uu eedeeda saaray xisbiyada oo uu kiisu ku jiro, maadaama uu markuu hadalkaa lahaa laabtiisa ku fiiqay farta, waxana uu raaciyay in 2019ka ay ka heshiin doonaan, taasi oo ka turjumaysa in aanay dhici doonin doorashadii ummaddu filaysay, meeshana ka saartay rajadii laga qabay isaga ee ahayd in haddii la doorto aanay doorasho danbe dib inooga dhacayn.
Yeelkeedee balanqaadkaa uu maanta sameeyay waa mid aynu u kaydin doono in Muuse uu sii jeclaysto in golaha wakiilada ay isaga sii fadhiyaan lixdan xildhibaan oo isaga taagersan iyo shirgudoonkooda iyo inuu ka raaco danta qaranka oo uu sidii madaxweyne Daahir Rayaale oo haystay taageradii wakiilada uu ka doortay quruxda qaranka iyo Mr Biixi uu sii macaansado xildhibaanada la baxay naanaysta “Dhaameelka”, intooda badani.
Hadalada kale ee madaxweynuhu xagayga ma garan karo waxaan ka xuso, waayo waxa ku jiray qodobo kale sida in xisbigii uu lahaa weli ma aqbalin natiijadii doorashada ee Wadani uu hadana maanta lahaa waan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee ay u qaateen natiijada iyo sheegasho mashasriic muddadii sanadka ahayd ee uu jooga qabsoomay, balse uu isla goobtaba si dadban uga cadeeyay inay isaga ka horeeyeen, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen seerayaasha laga xidhay bananka Burco iyo Hargeysa oo u xusay in ALLE ha u naxariisto ee uu marxuum Cabdi Aw Daahir oo wasiir ka ahaa xukuumaddii Siilaanyo uu bilaabay hawshaasi.
Si kastaba xaalku ha ahaadee waxaanu Madaxweyne Biixi ka filaynaa inuu dhameeyo kala qoqobka shacabka dhexdiisa ah iskana ilaabo inuu yahay hogaamiye Kulmiye ah oo uu isku dhigo mid qaranka oo dhan u madaxweyne ah, isla markaana uu si cad ugaga hadlo marku uu Ceerigaabo tago ama Laascasnood mawqifkiisa Rasalwasaare Aby Axmedka ina dafiray.wa bilaahi tawfiiq.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka