Haldoornews.com
Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Ku Jira Khudaarta Baamiyaha Iyo Kaabashka Iyo Sida Loogu Baahan Yahay In Aanad Saxankaaga Ka Waayin
November 17, 2018 - Written by admin

Qormadeena Caafimaadka waxaan ku soo qaadan doonaa qiimaha caafimaad ee ay leeyihiin laba geed oo khudaarta cagaaran ah oo si weyn dalkeena looga helo wakhti kastana aad qaadan karto. Labadan geed waxa ay kaga yihiin Baamiyaha iyo Kaabashka. Sida qaalibka ah Soomaalidu waxa ay Kaabashka ku dhex karsataa Hilibka balse isaga oo kali ah si gaar ah uma qaadato waxaana la ogaaday in isaga oo kali ah si gaar ah loo karsan karo iyada oo aan dabka aad loogu dilayn.

Aan ku horraynee geedka loo yaqaano “Baamiyaha”, Luuqadda Ingiriisidana lagu yidhaa “Okra”, Badanaa suugada ayaa lagu kariyaa, sidiisana waa loo uumiyaa oo waa la cunaa, wuxuuna leeyahay dhareer jiidjiidmaya, wuxuuna ka mid yahay geedo daaweedyada cilmibaadhista lagu sameeyay lana ogaaday in uu leeyahay leeyahay faa’idooyinkan ee soo socdo oo dad badani aad uga faa’iidaysan doonaan haddii ay ku dhaqmaan waxaana faa’iidooyinka caafimaad ee geedka Baamiyaha ka mid ah:

Sokorta / Macaanka: Baamiyuhu wuxuu ugu horreeyaa geedaha lagu daaweeyo xanuunka macaanka, cilmibaadhayaal tiro badan ayaa geedkan xoogga saaray si ay uga sal-gaadhaan qaabka uu macaanka ula dagaallamo, waxayna qaar ka mid ah sheegeen inay mustaqbalka rajayn doonaan in baamiyuhu gali doono booska daawada kaniinnada sokorta loo qaato, waxayna ku sameeyeen daraasado aad u badan oo ku saabsan arrintaas, waxaana la arkay inuu baamiyuhu jidhka ku caawiyo kontaroolidda sokorta, waxayna cilmibaadhayaashu ku han wayn yihiin inuu daawo mustaqbalka laga samayn doono taasoo macaanka lagu xakameeyo, waxaana lagula taliyaa dadka cudurka Macaanka qaba inay joogteeyaan cunista baamiyaha.

Kolestaroolka: Baamiyuhu wuxuu kaloo yareeyaa dufanka dhiigga ee loo yaqaano “Kolestaroolka” iyo xaydha fadhiisata jidhka qeybihiisa kala duwan sida beerka oo iyadana loo yaqaano “Triglyceride”, waana arrin cilmibaadhis lagu arkay.

Dheef-shiidka: Baamiyuhu wuxuu u wanaagsan yahay dheef-shiidka, caloosha wuu jilciyaa, mindhicirradana wuxuu ku caawiyaa khashin saarka, wuxuu kaloo ka hortagaa Cudurka Babaasiirta.

Xididdada Xannibma: Geedka Baamiyaha waxaa ka buuxa fitamiin C, kaasi oo ka hortaga inuu dhaawac gaadho unguyada jidhka khaasatan xididada. Waxaana sidoo kale Fiitamiin C gu muhiim u yahay dhiigga iyo curuuqda.

Lafo-xanuunka: Waxaa la aaminsanaan jiray in baamiyaha aanu wax xidhiidh ah la lahayn xanuunada kalagoysyada xubnaha jidhka ku dhaca markii la baadhay kadib, laakiin waxaa la ogaaday in marka la uumiyo baamiyaha inay dhalato maaddo loo yaqaano “Silicate” oo u roon is-goysyada xubnaha jidhka ee qofka xanuuna.

Aragga: Baamiyaha waxaa daraasadahan lagu ogaaday in uu u roonayahay aragga iyo caafimaadka maqaarka sababtuna waa Vitamin A oo ka buuxa iyo awoodda “Antioxidant” oo ah Maaddo suntan ka saarta jidhka bani aadamka. Waxaana la ogaaday in maadadaasi si weyn jidhka uga saarto suntan ku ururta.

Caafimaadk Uurka: Hooyooyinka uurka leh waxaa loo qoraa daawo la yidhaa ‘Folate’ ama Folic Acid, taasi oo caawisa korriimada uur-jiifka, kana hor tagta inuu ku dhasho iin haddii maadadaan ay jidhka ku yaraato, sidaas awgeed Baamiyaha waxaa ka buuxda maadada “Folate”, waxaana lagula taliyaa hooyooyinka uurka leh inay badsadaan Baamiyaha si ay uga helaan fitamiinno ku filan korriinka uurjiifka.

Dhiig-Karka: Baamiyaha waxaa ku jira maaddo loo yaqaano “Oleic acid” oo hoos u dhigta cadaadiska dhiigga, maadadaan waxaa kaloo laga helaa saliidda saytuunka.

Caabuqa Dhuunta Iyo Sambabada: Baamiyaha wuxuu kaloo daawo u yahay xanuunada ku dhaca dhuuta sida Qanjo xanuunka iyo infekshanka sambabaka ku dhaca sida qabowga iyo oof wareenka. Waxaa waalidiinta lagula taliyaa in ay caruurta ugu dadaalaan in ay suugada ugu kariyaan Baamiyaha si ay uga badbaadaan qanjo xanuunka oo wakhtigan faro baas ku haya Ubadka Soomaalida gaar ahaan.

Sidee Loo Isticmaalaa Baamiyaha Markii Daawo Ahaan Loo Qaadanayo?

Markii la waraystay dadka ku daawoobay, waxay sheegeen in qaabkan ay u isticmaaleen, dhowr meel oo lagu xusayo in qaabkan loo adeegsadane waan arkay, waana sidatan:

5 xabo oo baamiye ah, ka goo afka hore iyo afka dambe, kadib u jar qaab dhaadheer, kadib ku rid biyo kulul oo ku kari muddo 5 daqiiqo ah, kadibna la dhig isla digsigaas ama saxankaas habeenkii oo idil, subaxii markaa soo toostid, cab biyahaas baamiyuhu ku milmay, kadibna isaga cun, ugu yaraan waa in aad sidaa samayso 10 maalmood, si aad wax iskaga garato. dad badan oo sidaan sameeyey waxay sheegeen in sonkorta ay u kontarooleen, xanuunada lafaha iyo kalagoysyadana inay kaga caafimaadeen.

Waxaa la sheegaa in baamiyuhu uu leeyahay faa’iidooyin intaa ka badan, laakiin kuwa aan kor ku soo xusay waa faa’iidooyin la isku waafaqsan yahay, laguna arkay cilmibaadhisyo dhowr ah.

Inkastoo Soomaalidu badanaa u aaminsanayd in baamiyuhu u fiican yahay kalagoysyada, laakiin cilmi-baadhistan waa mid cusub oo awal laguma waafaqsanayn Soomaalida iyo hindida oo ku daawayn jiray Tufta, Roomatiisamka iyo Lafo-xanuunka.

Haddii aan intaasi kaga soo gudubno geedkii Baamiyaha waxa aan eegi doonaa dhinaca kale Kaabashka oo isna ka mid ah bahda Khudaarta Cagaaran (Vegetables), ahna Khudaar Soomaalidu aad u jeceshahay inkasta oo aanay si waafi ah u aqoonin Faa’iidooyinkiisa caafimaad.

Ma jirto daraasad tilmaamaysa inuu Kaabashku uu keeno macaan ama uu u daran yahay, cilmibaadhisyada oo idil waxay tilmaamayaan in Kaabashku uu daawo u yahay Macaanka.

Kaabashka “Cabbage” wuxuu ka mid yahay cunnooyinka sonkorta hoos u dhiga khaasatan nooca type 2, cilmibaadhis lagu sameeyay koox Jiirar ah sannadkii 2008, iyagoo muddo 60 maalmood la quudinayay kaabash, la arkay inay sonkorta dhiiggu ay hoos u dhacday, shaqada kelyahuna ay wanaagsanaadeen, miisaanka Jidhkooduna uu ka dhacay.

Markii la sii baadhay geedka Kaabashka iyo qaabka uu macaanka u kontaroolo waxaa la arkay sadax qaab inuu u yareeyo:

1- In kaabashku uu leeyahay “anti-oxidant” oo ah sun saare, tanoo la aamisan yahay haddii sunta ku badato jidhka inay dhaawac u gaysato unugyada soo saara hormoonka insulin-ka.

2- In kaabashku uu ku yareeyo mindhicirrada awoodda nuugista sonkorta, sidaasna ay jidhka ugu yaraato sonkortu.

3- In kaabashku uu Alle ku abuuray walxo sonkorta hoos u dhigaya.

Intaas ka dib, kaabashka wuxuu ka mid yahay cunnada haddii lagu dadaalo, ka hortaga macaanka inuu soo daahiro hadduu qofka dhaxal u leeyahay.

Waan garanayaa dad joogteeya Kaabashka oo u isticmaala inay sonkortooda ku kontaroolaan, waxayna ii sheegeen inuu macaanku uu dagan yahay maalinta ay cunaan.

Kaabashku wuxuu kaloo leeyahay faa’iidooyin kale oo ay ka mid yihiin inuu jidhka kala dagaallamo jeermisyada qaar, khaasatan kaabashka cadcad, daraasad lagu sameeyay kaabashka iyadoo la eegayo awooddiisa jeermis dilidda waxaa la arkay inay ku badan yihiin waxa loo yaqaano “polyphenols” iyo “glucosinolates” oo la dagaallama tarmidda jeermiska.

Kaabashka waxaa kaloo ka buuxa fitamiinka C iyo K oo jidhka u leh faa’iidooyin badan.

Kaabashku wuxuu hoos u dhigaa miisaanka qofka, iyadoo jidhka ku yareeyo sokorta, waxaa kaloo ku badan kaabashka buushiga oo aanan jidhka culeys ku siyaadin.

Qalinka: Dr. Cabdilaahi M. Mahdi

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka