Haldoornews.com
Faallo:-Madaxweyne Biixi Iyo Sadbursiga uu Xukuumaddiisa Ka Siiyay Beesha uu Ka soo Jeeddo!
November 11, 2018 - Written by admin
(Kuu Wada Qorsheeyeye Islow Neefka wada Qaado)
Madaxweynaha haatan ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxay rayul caam badani u arkayeen hoggaamiye wax badan ka og xaalada Somaliland, isla markaana dareensan waxyaabaha inta badan keena Tabashooyinka Marka uu hogaamiyaha middida daabkeeda hayaa xilalka u qaybinayo beelaha Somaliland.
Dharaartii dhaarintiisa iyo la wareegista hogaaminta waddanka ee 13-kii Bishii December 2017 Waxa uu si cad u balanqaaday in si uu u daweeyo tabashooyinka beelihii aan codka siin maalintii doorashadda, inkasta oo aanu afka ku dhufan hadana waxay ahaayeen beelihii taageersanaa Xisbiyadda Mucaaridka Waxa uu xusay inuu saami weyn ka siin doono dhismaha xukuumadiisa isagoo wacad ku maray inuu ku Jiifsan doono
Beelihii u Codeeyey,Waxaa la saadaalinayay in balantaasi ay fuli doonto.
Maalintii kowaad ee uu Kursiga ku fadhiistay ee 14-kii December 2017 wuxuu soo saaray dhismaha dawladiisa oo ka koobnayaa 32 Xubnood oo isugu Jira Wasiir iyo Wasiir ku Xigeen,
Madaxweynuhu Waxa uu Beeshiisa oo qudha ka siiyey 23-ka Wasaaradood ee uu Magacaabay afar Wasiir oo kala ah Wasiirka Arrimaha Dibadda,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Wasiirka Wasaaradda boosaha iyo Isgaadhsiinta, iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Waddooyinka, Waxaa kale oo uu Siiyey Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda arrimaha Gudaha.
Sidoo kale Wuxuu Madaxweynuhu siiyey beelihii ay ka soo Jeedeen Labadii Murashax Madaxweyne ee la Tartamay afar Wasiir oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda,Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka,Wasiirka Wasaaradda Deegaannka,Wasiirka Wasaaradda Dhallinyaradda Iyo Ciyaaraha, Waxaa intaas raaca Wasiir ku xigeenada Warfaafinta iyo Waxbarashadda.
Marka la eego labadaas Saami tan danbe ayaa dheer hal Wasiir ku Xigeen, Laakiin waxaa isku fuuqsanaya waxay beesha hore haysataa Madaxweynihii, Gudoomiyihii Maxkamadda Sare,iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska,Taliyaha Ciidanka Sirdoonka, iyo Taliyaha Ciidanka Dab demiska Markay sidaas tahay Miisaanku wuxuu ilaa xad u Janjeedhaa dhanka beesha madaxweynaha.
Waxay xaaladu cirka isku shareertay Wareegtooyinkii danbe ee Magacaabista Xilalka kale ee dawlada oo uu sad bursiimo siiyay mar kale beeshiisa taas oo shaashaysay dhismaha qaranka Waxa taas marag fur u ah tirada Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada ee uu ku taxay beeshiisa Tusaale ahaan .
1.         Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda oo u dhigma Wasiir
2.         Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
3.         Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka.
4.         Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda.
5.         Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo gelinta.
6.         Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka.
7.         Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga (Magacaabis Cusub)
8.         Agaasimaha Guud ee baanka dhexe.
9.         Hanti dhawraha guud ee qaranka.
10.       Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulimaadyada oo u dhigma Wasiir
11.       Gudoomiyaha hay’adda aafooyinka iyo Kaydka raashinka qaranka.
12.       Garyaqaanka Guud ee Qaranka Iyo Iyo Iyo Qaar kale oo badan.
Halka ay beeshan kale ka heshay faro guudkood xilalkan uu madaxweynuhu Magacaabay Marka la barbar dhigo Beesha Madaxweynaha Iyagoo helay.
1.         Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha.
2.         Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Jiddadka.
3.         Agaasimaha Guud ee dhanka amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
4.         Gudoomiyaha Baanka Dhexe,
5.         iyo Gudoomiyaha Guddida Xuquul iinsaanka qaranka.
Sidaas oo kale ayay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi uga qatan yihiin beelo waaweyn oo kale.
Dadka siyaasadda rog rogaa waxaa u qaadan waa’a ku noqotay  Muuqaalka iyo heemaalka ay Muujisay dhismaha xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi,waxayna aragtidani tilmaan u noqotay nooca ay tahay aragtida hogaamineed ee Madaxweyne Muuse Biixi.
Mar kale waxaa la hilaadinayay in Madaxweynuhu ka faa’iidaysan doono falcelinta togan ee kaga timid bulshadda ee ku aadan Saluuga laga qabo dhismaha xukuumadiisa.
Hadaba isku shaandhayntii Koobnayd ee Madaxweyne Biixi maanta soo saaray waxay mar kale astaan u noqotay khibradiisa hogaamineed isagoo Wasaaradda Maaliyadda u Magacaabay Wasiir beeshiisa ah,waana halkan meelaha uu Saluuga bulshadu ka muuqdo,waayo waxaa laga filayay in ugu yaraan beeshiisa uu ku yareeyo xilalka sare ee jaangoynta siyaasadda maadaama uu isagu matalo hadii dhanka beesha laga eego,Waxaa kale oo Isku shaandhayntan uu Madaxweynuhu ku magacaabay Agaasime Guud oo Cusub oo wasaaradda maalgashigu yeelanayso taas oo ah xubin ka soo jeeda beeshiisa.
Markay sidaas tahay waxay Xaajo maraysaa Tuducyo aan ka soo dheegnay Gabaygii Xuseen Maxamuud Faarax (Xuseen-dhiqle) ee Qayb Libaax.
Adeer gacalle Qaar iyo dalool, qaaxo iyo feedho
Qummud iyo baruuriyo legiyo, qawdhihii kuruska
Kuu wada qorsheeyeye Islow, neefka wada qaado!!!
Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka