Haldoornews.com
Ex Wasiir Cali Mareexaan Muxuu ka yidhi Shirkii 3 Dal ee Itoobiya, Eritria iyo Somalia u soo Gabogaboobay+ Akhriso Qoraal uu ku Baahiyey Boggiisa Facebook
November 11, 2018 - Written by admin

Ex Wasiir Cali Mareexaan Muxuu ka yidhi Shirkii 3 Dal ee Itoobiya, Eritria iyo Somalia u soo Gabogaboobay+ Akhriso Qoraal uu ku Baahiyey Boggiisa Facebook

“Shirku wuxuu ahaa ra’yi ay Eritria wadato oo ahaa in la saxeexo in cuna qabataynta laga qaado Eritria, waana la saxeexay. Ma jirin wax uu la shir tegey Farmaajo oo aan ka ahayn in la ilaaliyo territorial integrity iyo sovereignty ee Somalia oo ilaa 1991 la odhan jiray. Taas ilaalinteedu waxay ku xidhan tahay dadka dalka iska leh. Hadii uu dal wada maamuli kari waayo dulkiisa ma haysto sovereignty dhamaystiray, hadii dal ay quwado shisheeye badh ama dhamaantii gacanta ku hayaan dalkaasi maaha sovereign state. Hadii uu labo dal u kala go’ana kaba sii daran. Markaa midnimada Iyo wada jirka kuuma hayaan Eritria iyo Ethopia oo iyaguba ahaa laba dal oo kala go’ay 1993.

Sharciga caalamka waxaa is barbar socda inla ilaaliyo madaxbanaanida dhuleed iyo siyaasadeed ee dal kasta oo ah in aan cidina dibeda ka doo fara gelin iyo xaqa aayo ka talinta umadaha oo ah in ummadii ama shacabkii isku garan waaya in ay dal kasii mid ahaadaan la waydiiyo aayahooda. Taasina waa ta keentay in Scotland oo 300 oo sano ka mid ahayd Briton laga qaado afti dadwayne in ay UK kasii mid ahaanayaan iyo inkale. waa keentay in todobaadkii hore Newcaledonia laga qaado afti in ay France kasii mid ahaanayaan iyo in ay madax bannaani rabaan.
Sidoo kale Farmaajo lama shirtegin sidii amni darada Xamar iyo Somalia ku sii baahaya sidii wax loogala qaban lahaa, waxaad moodaysay in aan arinkaasi mudnaan u ahayn.
Isaias Afwerqi way u caddayd mudnaatiisa koobaad oo ah in cuna qabataynta laga qaado oo uu muujiyo in dawladaha gobolku la ogol yihiin, laasna wuu ka saxeexday.
Sidoo kale arinta Djibouti Iyo Eritria waxba lagama soo qaadin taasina waxay muujinaysaa sida aanu Farmaajo u ahayn indheer garad.
Ugu danbayn waxay u ekeyd in maxadwayne Farmaajo ay cidi ku tidhi meesha tag oo waxaa soo qabo”

 

 

 

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka