Haldoornews.com
Ilhaan Cumar oo Noqotay Somaligii ugu Horeeyey ee ku Guulaysta Xil Barlamaan Dalka Maraykanka
November 7, 2018 - Written by admin

Ilhaan Cumar oo ah gabar soomaaliyeed ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay oo ka tirsan dadka qaxootinimada ku tahay Mareykanka ee ka mid noqda Koongareeska Mareykanka.

Ilhaan Cumar oo 36 sano jir ah ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Maraykanka.

Halkan ka akhriso shan arrimood oo ku saabsan Ilhaan.

1. Waxay Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalka sokeeye iyadoo 8 sano jir ah

2. Muddo afar sano ayay ku nooleyd xerada qaxootiga ee Dhadhaab

3. Waxay Maraykanka tagtay iyadoo 12 sano jir ah

4. Eryada Ingirriska ee ay taqaanay markii ay Maraykanka gaartay waxay ahaayeen “salaanta” iyo ”aamus” oo kali ah

5. Waxay noqotay qofkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee lagu doorto Maraykanka.

Xigasho BBC SOMALI

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka