Haldoornews.com
DAWLADA RUUSHKA OO SHAACISAY IN SALDHIG MILATERI KA FURAN DOONTO SOMALILAND
November 6, 2018 - Written by admin

Wargayska  al carab oo afka carabiga kaga soo baxa Dalka  uk ayaa wax ka qoray ruushka oo doonaaaya in uu dib usoo ceshado saldhigyo uu ku lahaa cadan iyo bariga Africa siiba berbera

Ruushka ayaa damacsan in dib u soo nooleeyo awoodi uu ku lahaa bariga Africa kadib marki uu halkaasi isaga baxay todobaatameeyadi marki midawgii soofiyeeti uu bur buray,isga oo danaynaaya in uu ka dhisto saldhigyo milateri oo ku teedsan bada cas geeska Africa Somaliland iyo bada carbeed yaman

Ilo wareedyo ayaa sheegaaya in ruushku doonaayo in ay taageerto yamanta koonfurta ee doonaaya in ay yaman inteeda kale ka goaan si ay halkaasi ugu soo gasho mar marsiyo ah in ay ka samayso wado mucaawamada loo mariyo yamanta ku bara kacday dagaalada .

Dhanka kale  wargaysku waxaa uu qoray in masuuliyiin ruush ah ay xukuumada Somaliland la sxeexdeen heshiis saldhig ciidan in ay ka samaystaan magaalada saylac ee xadka jabuuti u dhaw taasi oo u dhaw ayuu qoray wargayska al carab saldhigyo ay shiinaha iyo reer galbeedku ku leeyihiin.heshiiskan ayaa ruushku saldhigaas cusub keenayaan 1500 oo askari oo Somaliland ka caawin doona dhinaca tababrka ciidamada iyada oo xukuumada Somaliland ay kula shuruutantay moosko in ay ictiraafto.

Dhanka kalena maraykanka ayaa ka wer wer qaba saldhiga ruushku ka dhisanaayo Somaliland iyo is balaadhintiisa ciidan ee bariga afrika iyo koonfurta bada carabta.

mooskoo oo doonaysaa in ay dib u soo celiso saldhigyo ay ku lahayd soomaliland iyo isbalaadhinta imaaraadka ee gobolka oo noqonaya isdiidooyiin loolan duublamaasiyadeed oo aad u sareeya ka dhex socdo

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka