Haldoornews.com
Qaybta 6aad Falanqaynta bogag ka mid ah Buuga (MIYIGA ILAA MADAXTOOYADA socdaalkaygii guusha).
November 4, 2018 - Written by admin

Bogga 280AAD:
Waxa ka mid ah Hadallada uu ku qoray Xirsi Boggaas:
Inuu madaxweynuhu nagu yidhi “Waad haysataan kalsoonidayda sidaa ku hawl gala kalsonidayda ku hawl gala waa kama danbays haddii ay keenayso in Muuse Biixi aynnu Mandheera ku ridnowaad haysataan kalsoonidayda Waxaan wacad ilaahay idiinku marayaa in aana idinka raacin Muuse oo aana idin xagal daacin”
FALANQAYNTA WEEDHAN:
Waxaan halkan ku caddaynayaa inan weedhan gebi ahaanteedaba waxba ka jirin:
 Horta Siilaanyo kuma dhaarto wacadka Ilaahay.
 Siilanyo Weligii kuma fekerin inuu Muuse Xidho.
 Madaxweynuhu wuu garanayey In Xidhidda Muuse haddii laysku dayo aanay hawl yaraanayn
 Madaxweynuhu waxaa u qiimaysnayd waxa la isku hayo oo ah wax uu Muuse iyo qof kaleba xaq u leeyahay oo ah inuu Xisbiga dhexdiisa iska sharraxo, hadduu shuruudaha kale Buuxiyo.
Markaan sidaa u hadlayo goobta waan fadhiyey, hadalkan intaa qaro le’egina ima dhaafeen
Markaa maan fahmin hadalka ujeeddada uu xirsi ka leeyahay, iyo waxa uu daarran yahay toonna.

BOGGA 282AAD.
Waxa uu xirsi ku yidhi:
( shir doceedyo ayaannu yeelannay in badan oo qoorweyntii xisbiga ah, ayaannu ku gorfaynnay in aannu isku xidhno saddexdii murashax, ee Samaale, Maxamed Biixi iyo Kijaandhe.waxaannu isla qaadannay inaanu isu tanaasulinno, oo mid loo daayo marka doorashadu soo dhowaato. Markii loollankii kululaaday ayaa madaxweynihii noo yeedhay annagoo ah wasiirrada ay isku xaafadda ahaayeen, oo nagu yidhi, “waxaan doonayaa inaan dhiso Muuse Biixi, oo aad igu raacdaan!………..”).

FALANQAYNTA ODHAAHDAN:
Horta Madaxweynu ma jirin ballan qaad hore oo uu cid u ballan qaaday inuu dhiso inta aan ka ogahay, laakiin waxa uu diyaar u ahaa in xisbiga lagu Tartamo, waase marka keliya ee uu go’aan qaatay inuu murshaxiintii mid ka mid ah dhiso.
Arrinta isu tanaasulinta Murashaxiinta, aniga ayaa galab iyadoo gurigayga aannu ku shiraynno C/Casiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis, Kijaandhe nalama joogine Ayaan soo jeediyey ra’yi ah Afarta Murashax marka mid mid loo qiimeeyo waxa ugu taageerayaal badan Golaha dhexe Muuse Biixi, Laakiin Marka la isku kiin daro aad baad uga badan tihiin ee isu tanaasula,haddii kale ha ina lugoynina ee aynnu Muuse Dhisno oo godobta iska deyno, labada nin eee Samaale iyo Maxamed Biixi midkood uu aqbalay midbaa se diidey, Xirsina nalama Jooginba galabtaa ee Dalka wuu ka maqnaa, Sidaa darteed Xirsi markii uu yimi waxa uu la kulmay C/Casiis Samaale, waxaanu u sheegay inuu ka xaal siinayo kelmedda isu tanaasula, waqtigeediina aan la gaadhin. taasina waxay Markhaati u tahay Xirsi inaanu Midkoodna dhisayn, laakiin inay madaxa iskula jiraan uu rabey.
Haddaba waxaa jirtey intii aanu Madaxweynuhu wasiirrada H/jeclo u yeedhin ayaa habeen Madaxtooyada la iiga yeedhay waxa la ii dhiibey liis dhawr iyo afartan qof ah oo golaha dhexe ee Beesha Habar Awal Badankeedu ku qoran yihiin oo wada saxeexan, waxa la i weydiiyey dadkani golaha dhexe ma wada yihiin, markaan akhriyey waxaan idhi haa way yihiin, markaa waxay ahaayeen xubno soo wada saxeexay inay reer ahaan maadaama ay deegammadaa u metelayaan Xisbiga ay isla qaateen in uu Muuse Biixi noqdo Murashaxa beeshaa. Waxa keliya ee aan la yaabay waxa uu ahaa dad annaga garabkayaga nala socdey oo aannu tirsanayney ayaa liiskanna ku jirey.
Liiskaasi wuxuu ka mid ahaa waxyaalaha saamaynta ugu weyn ku yeeshay Go’aan qaadashada madaxweyna inuu Muuse Biixi dhiso.

Haddana Habeen iyo Maalin kii ay ahayd iskama hubee mar kale ayuu ii yeedhay Madaxweynuhu waxa uu igu yidhi adeer waxaan doonayaa inaad ila qadayso maalin, hadda ma xasuusto maalintii laakiin waxaan filayaa inay Salaasa ahayd haddaan xusuustu I khiyaamayn, maalintu tay doontaba ha noqotee waan u imi, markaannu qadaynney oo ay na weheliso marwadu ayuu igu yidhi adeer waxaan Rabaa Go’aan baan qaatay inaad igu raacdo, waxan u arkayey inuu I sharfay Madaxweynuhu, waanan uga mahad celinayaa markaa hore iyo iminkaba qiimayntaa.
Waxa laga yaabaa in lays weydiiyo muxuu adiga dadka kaaga soo soocday, aan jawaab kooban ka idhaahdee Madaxweynuhu wuxuu aaminsanaa iyo dad badaniba inaan saamayn ku leeyahay kooxdan aan la socdo. Ilaa 1996kiina aan gacan yare u ahaa oo uu kalsooni badan igu qabey weligayna aanan ka hor iman laakiin haddana ra’yigayga aan ku dhiirranaa anigoon isaga wax yeello ugu geysanayn
Waxa uu ii soo qaddimey adeer waxan go’aansaday inaan Muuse Biixi dhiso ee ila dhis, maan filayn aniga laftaydu go’aankaa, hase yeeshee waan ka cudur daartay, waxaanan ku sababeeyey horta koox baan ka tirsanahay oo khaayin bay ii qaadanayaan intaannu dagaal soo wada gallay in aan daqiiqadihii ugu danbeeyey kaga baxay, waxay kaloo ii qaadanayaan in aan ahaa Basaas ku dhex jirey, ta kale nin dhallinyaro ah oo mustaqbal doonaya Ayaan ahay oo is dili maayo, markaa arrintaa samayn kari maayo, hase yeeshee Madaxweynihii markuu codsigii igu celceliyey dhawr goor Ayaan aakhirkii soo jeediyey talo ah, mar haddaanan taa yeeli karayn dagaalka ayaan idin kala fogaanayaa inta shirka golaha dhexe qabsoomayo ee aniga Fiise iyo Tigidh ii dalba aan meelahaa iska qabtee, madaxweynuhu wuu ku adkaystay inaan la shaqeeyo, hase yeeshee Marwada ayaa arrintaa iga aqbashay oo tidhi waayahay, Cumar yare oo Haysta Travel Agency ayaa baasaboorkaygii qaaday oo Nairobi u diray Fiise Hindiya ahna iigu soo saaray, nasiib wanaag waxa ilaahay qadderey inaanan tegin, laakiin Dhisidda Muuse Maan yeelin markaa.
Ogaada haddaan been sheegayo sidaa umaan hadleen iyadoo Muuse Biixi uu yahay Madaxweynihii qaranka Xilna uu ii dhiibey ee waan iska dhaadhicin lahaa sida rag badani samayn lahaayeen, laakiin tariikhda iyo dhacdooyinka Ayaan been laga sheegin xataa hadday kugu qadhaadhahay.
Iyadoo halkaa maraysa ayaa madaxweynuhu u yeedhay wasiirradii habarjeclo xukuumadda kaga jirey goor habeennimo ah.
Markay shirkii ka soo bexeen ayaa waqti 11:00pm waxa I soo wacay Xirsi, wuxuu I weydiiyey halkaan joogo, waxan u sheegay inaan seexday wuxuu I yidhi soo kac oo naagu kaalay ROYAL LOUNCH RESTAURANT.
Waxaan halkaa ugu nimi saddex wasiir oo shirkii ka soo baxay oo kala ahaa Xirsi cali X. Xasan, Cali Siciid Raygal iyo Maxamed xaaji Aadan, oo wada socdey, ogaada raga qaarkood labada dhinacba way la socdeen.
Arrintii ayay iiga warrameen, wAXaannu isla garannay in aannu Maxamed Biixi u tagno. 12:00 habeennimo ayaannu u tagnay , waxaannu isla garannay Dhamaantayo in aannu habeen danbe 9:00 ka habeennimo isu nimaadno oo dadkii isugu yeedhno si aannu u tashanno.

Maxaa dhacay intaa wixii ka danbeeyey
la soco xiisadda danbe iyo gebagebadii

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka