Haldoornews.com
Gorfayn Buug: “Miyiga ilaa Madaxtooyada – Socdaalkaygii Guusha” – Q. 3aad. Qalinkii: Muhammad Suleiman
October 30, 2018 - Written by admin


Qoruhu waxa uu ka warramayaa sidii koritaankiisa shaqo ula jaanqaaday koritaankii xawliga ku socday ee Dahabshiil iyo waayo’aragnimadiisii shaqada ee shirkadda, laga soo bilaabo: shaqadii fooniyaha, karraani xafiiska Hargeysa ah, maamulaha Hargeysa-B, khasnajiga guud, maamulaha IT-ga, iyo ilaa maamulaha guud ee Somtel. Qaar ka mid ah marxaladahaas kala duwan ee shirkadda Dahabshiil uu la soo wadaagay ayuu aad ugu dhaadhacayaa, taas oo saamayn ku yeelan karta tartanka shirkadda ee suuqa ganacsiga, maadaama uu ganacsigu inta badan ku dhisan yahay sir ama siro.

Waxa uu xusayaa in mulkiilaha Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale aaminsanaa in aan shirkadda Somtel weli dhammays ahayn, sidaas darteed daahfur degdeg ahi uu fashil abuuri karo. Qoruhu waxa uu sheegay in Maxamed Siciid Ducaale iyo maamulkii kale ee la aragtida ahaaba uu isku dayay in uu ku qanciyo in dhakhso shirkadda loo daahfuro maadaama uu aaminsan yahay in ay shirkaddu qabyatiran tahay, isla markaasna uu maalin kasta kharash badani ku baxo hawlsocodsiinteeda iyo mashiinnadeeda iska daaran ee aan ilaa hadda dadku ku wadahadal. Waxa uu raacinayaa in uu guul weyn shirkadda u soo hooyay oo uu muddo dhawr bilood ah oo uu hagayay u horseeday in ay qabsato 25% suuqa GSMka. Haseyeeshee dad badan ayaa aaminsan in shirkadda oo ay dadweynuhu aad ugu hanweyn yihiin dhakhso looga niyadjabay kadib markii qalabkoodu awoodi kari waayay inuu qaado culayska macaamiishii tirade badnayd, isla markaasna ay soo foodsaareen cillado farsamo oo ku-wadahadalkeeda caqabad ku noqday.

Qoraagu waxa uu sidoo kale ka warramayaa xafiiltannadii ganacsi ee la soo dersay muddadii uu xafiiska madaxtooyada joogay, kuwaas oo uu ku xusayo muran xooggan oo u dhexeeyay ganacsato isku eryanayay hanashada xadhigga badda hoosteeda mara (Fibre Optic Cable), kaas oo buuqiisu muddo taagnaa. Xadhiggaas Internetka oo kooto loogu xidhay ganacsadaha Maxamed Aw Siciid ayuu buuggu ku tilmaamayaa mushkilad aad u weyn oo dhaawacday hannaankii siyaasadeed ee xukuumadda cusub.

Qoraagu waxa uu sheegayaa in 15.08.2010 ay madaxweyne Siilaanyo u yimaaddeen dad uu ka xasuusto Muuse Biixi, Samaale, Samsam Cabdi Aadan, Cali-Gobannimo iyo Aamina Timadheer, oo uu soo abaabulay ganacsade Maxamed Aw Siciid. Waxa uu xusayaa in ay dadkaasi madaxweynaha weyddiisteen in xadhiggii badda hoosteeda marayay ruqsaddiisa la siiyo oo kooto looga dhigo, madaxweynuhuna oggolaaday. Arrintaa in uu dood ka abuuray ayuu tilmaamayaa, isaga oo bedka soo dhigay sida ay “kootadu” u khilaafsan tahay dastuurka qaranka.

Buugga waxa ku yaalla faan badan oo ka badbadis ah. Faankaa xaqiiqadiisa wax baa ka jira oo been ma aha, hase yeeshee, waxa aan muuqan sabab uu isagu carrabka ugu adkeeyo mar haddii in badan oo dadka ka mid ahi qirsan yihiin.

Buugga waxa marar kala duwan ku soo noqnoqonaya mucaaradaddii xilkaa cusub ee Xirsi bulshadu kala hor timid. Waxa uu sheegayaa in sababaha dadku u maagayeen ahayd xasad, quudhiwaa’, dhallinyarannimo iyo caannimo la’aan. waxa uu ku nuuxnuuxsanayaa in loola dagaallamayay sababo daarran ama ku soo ururaya: “Xirsi halkiisa aniga ayaa ku wanaagsanaa iyo maxaan Xirsi u noqon waayay.”

Waxa kale oo uu sheegayaa in saamayntiisu gaadhay heer ay halhays noqotay in magaca Xirsi loo macnaysto “Awoodda leexsan ee maamul” oo la yidhaahdo; halkan yaa ka Xirsi ah iyo halkan aniga ayaa ka Xirsi ah. Haseyeeshee meelna Xirsi kuma xusayo in uu isagu marna sabab u ahaa maaggii bulshada iyo diidmadii dareenka shacabka.

Qoruhu waxa uu sidoo kale inoo soo tebinayaa in uu madaxweynaha khudbadaha u diyaarin jiray, khudbadahaas oo dhinacyo kala duwan ka eegi jiray. Waxa uu dhalliilayaa in madaxweynuhu isa soo taago warbaahinta oo isaga oo aan soo diyaarsan khudbad tifaftiran uu wax iska shubo. Khudbadaha madaxweynaha ee uu sida weyn ugu farayaraystay waxa ka mid ah mid uu 2012 madaxweynuhu jeediyay oo uu ka mid ahaa halkudheggan taariikhda galay: “Boqol sannadood haddii ay gaadhayso madaxbannaanida Soomaalilaan waa muqaddas”.

Bogga 195 waxa uu ku sheegayaa in sannadkii 2012 ay dawladda Ingiriisku soo saartay digniin nabadgalyo oo lid ku ah Soomaalilaan, taas oo sababtay in ay dalka ka baxaan shirkadihii shidaalka baadhayay iyo dadkii ajenabiga ahaaba. Waxa aan soo jeediyay in si aynnu qaran ahaan u muujinno amniga buuxa ee dalka uu madaxweynuhu marka uu dhammaysto khudbad uu Baarlamanka ka jeedinayay uu lugeeyo ilaa suuqa intii suurtagal ah.

Arrintaa Wasiir Duur oo arrimaha gudaha ahaa baa ka soo hor jeestay oo yidhi waa khatar oo uma badheedhi karno, dadkii kale oo aanu qoruhu xusin balse uu sheegay in ay meesha joogeen ayaa ayiday aragtida Duur ee amniga. Aakhirkii se madaxweynaha ayaa soo afjaray oo yidhi “waan ku raacsanahay Xirsi ee khatar kasta oo ay leedahay aynnu u badheedhno, naftu maalin bay leedahay, qarankuna aniga ayuu i doortay, khatar kasta inaan wajahana diyaar baan u ahay.”

Buugga waxa ku yaalla agab badan oo uu Wasiirku sheegayo in loo soo iibiyay madaxtooyada ama hay’adda waddooyinka, kuwaas oo uu ku darayo liiska guulihiisa. Laakiin meel kali ah kagama hadlayo qandaraas ay ku bixiyeen gaadiidkaas, qalabkaas ama agabka kale ee ay soo iibsadeen oo aan hubo in aanay naadin guddida qandaraasyada qaranku, laguna tartamin.

Buugga waxa uu meelo kala duwan ku xusayaa in uu isagu ahaa curiyaha xalal qaranka lagaga badbaadinayay xaaladihii adkaa ee waqtigaa soo foodsaaray. Arrimaha uu xallilay ee wax-kasooqaadka leh waxa ka mid ah markii uu madaxweyne Siilaanyo talada dalka la wareegay, iyada oo uu dalku ku jiro xaalad dhaqaale la’aaneed oo baahsan, isla markaana khasnadda dawladdu cas tahay. Qoruhu waxa uu inoo soo tebinayaa in xaaladdaas dhiillada leh uu madaxweynaha uga warbixiyay wasiirkii maaliyadda ee xilligaas Md. Maxamed Xaashi Cilmi.

Madaxweynuhu in uu warkaas aad uga naxay ayuu xusayaa. Ereyada uu madaxweynuhu yidhi ee qoruhu soo xiganayo waxa ka mid ahaa “waar meeshii aannu ku soo soconnay ma sidaasaa?” iyo “waar adeer maxaa innagu watay, Ilaahow yaa haraggeedii innagaga celiya”. Iyada oo halkaas maraysa ayuu Xirsi soo bandhigayaa xalka mashkiladdaas. Waxa uu soo jeedinayaa in ganacsatada laga soo amaahdo lacag dalka lagu wado marxaladdan kalaguurka ah. Siilaanyo sida uu ugu nefisay xalkaa ee ugu guuxay ayuu qoruhu xusayaa. Arrintii sidii ayay u hirgashay, waxaanay taasi suurtagalisay in dawladdu lacagtaas ay soo deynsatay ku maarayso hawlihii qaranka.

Qoruhu waxa uu sheegay in xataa madaxweyne Siilaanyo ka werwersanaa hirgalinta waddada Ceerigaabo. Waxa uu tilmaamayaa in dad badan oo dano kala duwan lihi dedaalladiisii ka hor yimaaddeen, balse aanu marna hankiisu dumin. Aakhirkii se jidkaas Ceerigaabo wuu hirgalay.

Heshiiska Xaglatoosiye iyo xukuumadda Soomaalilaand ayuu sidoo kale Xirsi sheegayaa in uu lafdhabar u ahaa. Waxa kale oo uu xusayaa dedaallo badan oo uu qoruhu hagayay ama qayb ka ahaa, kuwaas oo la xidhiidha sidii loo xallin lahaa ismarinwaaga muddada jiitamayay ee u dhexeeya xukuumadda Soomaalilaand iyo gobollada bariga.

Qoraagu waxa uu ka warramayaa xidhiidhka wadashaqayneed ee ka dhexeeyay isaga, madaxweyne-kuxigeenka iyo madaxweynaha oo marar badan dhibaato isaga ka soo gaadhay. Waxa uu xusayaa in Saylici la iman kari waayay karti iyo awood uu ku hanto qalbiga madaxweynaha. Waxa uu tilmaamayaa in culays ka soo gaadhay qawadka shaqo ee madaxweyne-kuxigeenka iyo awoodaha xaddidan ee uu dastuurku u jideeyay. Waxa kale oo uu sheegayaa in badiba xukuumadda la isku shaandhayn jiray iyada oo aanu Saylici ogayn, bal se isaga oo uga dan leh in uu soo dhowaysto uu maalin la wadaagay xogta isku shaandhaynta, hase yeeshee uu Saylici judhiiba taas ka horyimid, oo aragti kale ka hor keenay. Waxa uu sheegayaa in aanu madaxweyne-kuxigeenku ahayn qof shakhsiyad ahaan xun bal se uu yahay dadka wax iskaga dhega ee ra’yigooda inta badan ku adkaysta.

Buugga waxa ku taalla sheeko dulucdeeda uu qoruhu ku muujinayo siyaasiyiinta beenta caadaystay ee Somaliland. Siyaasiyiintaa waxa uu astaan uga dhigayaa Maxamed Kaahin oo uu si dadban u xusayo in aad loo tuhmo balse uu dadka harawsado. Sheekadaas marka aad dhammayso waxa aad dareemaysaa in aanay tusaale lagu qanci karo u noqon karin beenta uu ku sifeeyay Maxamed.

Waxa xiise gaar ah leh in musharrixii uu Xirsi sida weyn u watay loollankii xisbiga Kulmiye dhexdiisa ee uu dhisayay Md. Maxamed Biixi Yoonis, ay qoyska Siilaanyo wax yar ka hor magacaabistiisii arrimaha dibadda, isaga iyo Xirsi isku bareen Addis Ababa. Qoraagu ma xusayo cidda ay tahay “qoyska Siilaanyo”, taas oo dhawr meelood kaga jirta qoraalka buugga.

Buuggan oo uu qoruhu ugu wanqalay “Miyiga ilaa Madaxtooyada” waxa aynnu xusnay in uu ka soo bilaabmayo taariikh noloshiisa ka horraysay oo ku taxan dhammaadkii qarnigii 19aad iyo imaanshihii gumaystaha ee carrada Soomaalida. Si taas la mid ah ayuu ku dhammaanayaa taariikh xilhayntiisii Madaxtooyada ka dambaysay, waxaanu ka warramayaa doorashadii, ololihii iyo aqbalaaddii Waddani ee natiijada.

Waxa uu daaha ka faydayaa aragtidiisa ku aaddan sababihii dhaliyay guuldarrada xisbigiisa Waddani, kuwaas oo uu ka xusayo khaladaad uu xisbigoodu sameeyay oo horseeday tuhunka ay ka qabaan in codadkoodii la lunsaday. Khaladaadkaas waxa ka mid ahaa nidaamkii soo gudbinta tirada codadka Xisbiga ee muraaqibiinta oo isweydaar ku dhacay iyo gobollada Maroodijeex iyo Saaxil oo ay Waddani u joogeen muraaqibiin aan tababarnayn, goobo badanina ay bilaa muraaqib ahaayeen. Waxa kale oo uu sheegayaa in uu isagu Guddoomiye Cirro ku qanciyay in uu natiijada doorashada aqbalo, maadaama codad badan Xisbiga lagaga horreeyo, ilaalinta nabadgalyada iyo midnimada qarankuna u tahay (Cirro) taariikh la majeeran karo.

Waxa aan tebayaa qodobbo xiise leh oo aan buuggan ku jirin, kuwaas oo u baahan iftiimin dheeraad ah. Qodobbadaas waxa ugu mudan aasaaskii urur-siyaasadeedka Nasiye oo ay dad badan oo uu guddoomiyihii ururku ka mid yahay sheegaan in Xirsi lahaa fikradda aasaaska, abaabulka iyo dhaqaalaha hawlsocodsiinta intaba. Waxa la sheegaa in markii warka ururkaas Nasiye madaxweynaha gaadhay uu qoruhu dhaar ka maray in uu wax shaqo ah ku leeyahay. Waxa kale oo xusid mudan in marar door ah oo arrintaa warbaahinta laga weyddiiyay uu qoruhu deeddafeeyay.

Waxa kale oo aan tebayaa qisada inantii Nadra Maxamed Jaamac ee uu hoggaamiyuhu xabsiga dhigay. Arrinta inantaa si kasta oo sharciga loogu saleeyo iyo si kasta oo uu ugu doodo in ay ku geftay, xadhiggii iyo jawaabihii adadkaa ee uu kaga jawaabayba waxa ay ahaayeen foolxumo weyn oo gabboodfal ku ah dhaqanka suubban.

Gunaanad:

Waxa aan ilaa saaka arkayay buuggii oo PDF ah oo wareegaya baraha bulshada. Tallaabadaasi haddii ay ku timid fasaxa qoraha waa wax caadi ah, haddii se ay meel kale ka timid waa gabboodfal weyn oo aad u xun, kaas oo saamaynaya cid kasta oo buugga gacanta ku haysay, isla markaasna dan kasta oo ay ku doorsatayba buuggii oo fudud (soft) suuqyada ku sii daysay. Waxaan u arkaa jariimad aad u weyn oo tallaabo sharci mudan.

Waxa aan rejaynayaa in qoraha loogu cudurdaari doono khaladaadka aanu u badheedhin ee buuggan ku yaalla. Waxa kale oo aan rejaynayaa in qoruhu khaladaadka sida habboon loogu soo tebiyo uu ku soo sixi doono daabacadaha dambe.

Ugu dambayn, buuggani waa ifafaale wanaagsan oo wax badan laga baran karo, isla markaana hoggaaminta maanta lagu dabbaqi karo ka faa’iidaysiga iyo sixidda gefafkii maamul iyo hoggaamineed ee dalka ka dhacay muddo-xileedkii madaxweyne Siilaanyo. Haddii se ay tii shalay oo kale ama mid ka sii xumi maanta dalka ka jirto, bilaash baa Xirsi looga daba qaylinayaa.

– DHAMMAAD –

Qalinkii: Muhammad Suleiman

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka