Haldoornews.com
Khadar Qaylo-Weynoow Shacabka Degmooyinka Maxamuud Haybe Iyo Maxamed Mooge Ku Dhaqani Ee Codkooda Aad Ku Fadhidaan, Waxay Ku Leeyihiin Maah Maahdii Ahayd, Gudin-yahay Imaad Goyseene Badhkay Ayaa Kugu Jira Qalinkii/ Cabdiwali Cali Ismaaciil
October 22, 2018 - Written by admin

Xildhibaan Khadar Ibraahim Axmed Maax (Khadar Qayalo Wayne) waa Xildhibaankii ugu codka badnaa degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge doorashadii golayaasha deegaanka ee sannadii 2012-kii, waxaanu ka soo baxay Xisbiga Mucaaridka ee UCID, xildhibaankani waxa Liiska 4-tii xildhibaan ee UCID uga soo baxay Caasimadda Hargeysa uu kaga jiraa kaalinta 2aad sida qoraalka hoose aad ka arki kartana waxa uu helay codad dhan (3544 cod), Ka hor inta aanan qoraal kooban kaga jawaabin ficilkii Hanjabaada iyo Caga-Juglaynta ahaa ee uu shacabkii labada degmo ee uu Kursigooda ku fadhiyo codkooda kaga soo doortay oo Xabsiga badhkood ku jiraan uu Saxaafadda u mariyey Khadar Qaylo-Wayne, bal ugu horeyn ila fiiri qaabka ay u kala heleen 4-ta Xildhibaan ee UCID ay ku leedahay golaha deegaanka Hargeysa codadkii shacabku siiyeen.

> xisbiga UCID waxa uu wadar ta guud ahaaneed helay 35,823 cod, waxaana u soo baxay afar xildhibaan oo kala ah:
1. Maxamed Aw Aadan Wayrax (4,477 cod buu helay)
2. Khadar Ibraahim Axmed Maax.(3544 cod buu helay)
3. Cabdicasiis Maxamed Xaashi. (3003 cod buu helay)
4. Maxamed Cabdi Aadan Yuusuf.(2266 cod buu helay).

Sababta aan u soo qaatay magaca Xildhibaan Khadar Ibraahim (Qaylo Wayne) waxay tahay nasiib darada jirta waxaan arkay xildhibaankani oo dadkii codka inta leeg ee kor ku xusan ku soo doortay ee labada degmo ee Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ku dhaqan oo ka gadoodsan dawladdii hoose ee isagu uu ku metelaayey khalad yar oo ay galeen oo waliba isaga iyo ragii la midka ahaa ee labadani degmo laga la doortay mar sannadii 2012-kii ay u sabab ahaayeen cadhada dadkani saxaafadda ka hadlay, markii Xabsiga ay ku gurtay Xukuumaddu dadkii xildhibaan Khadar Qaylo wayne codka badan ku doortay waxa uu ugu abaal guday inta uu Saxaafadda soo hor istaago in uu yidhaahdo “Dadka Saxaafadda ka hadlay ee maamulka labadan degmo sheegtay Dambi qaran ayey galeen oo aniga ayaaban ka hadhaynba oo Maxkamad iyo meel kasta la koraaya” sidaasi ayuu 6 sanno isaga oo Kursiga ku xildhibaanimada ku fadhiyey oo hal wado oo uu u dhisay oo uu maanta sheegto isaga aan u qaban umaddiisii uu la soo hor istaagay.

Arinta kale ee aan aadka u la yaabay isla markaana Cajiibka noqotay waxay ahayd in Xildhibaankani aanu xata malaha maalintii degmooyinkani uu codka doorashada ka helay ee sannadii 2012-kii wax ka dambeeyeyba aanu hal maalin waxaad mooda in aanu lugihiisa dib u dhigin oo dib u soo dhex marin degmooyinkiisii, waxaana cadayn u ah in doraad isaga oo Kamarad wata inta uu degmadda Maxamed Mooge la dhex yimid kuwii hadlaayey Been ayey sheegayeen ee Waddo Laami ah oo Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe isku xidha ayaanu halkan ka dhisnay ee Saxaafaddu ha duubto, hada wadadani uu ninkani xildhibaan ku sheega ahi sheegayaa waa wadadii Maayar Eng. Xuseen Shiciir markii uu Maayarka ahaa dhisay oo kaliya iyada oo Daamurkii u hadhsan yahay uu Maayarkii Hore ee Caasimadda Hargeysa Murxuun Axmed Xaashi ALLE ha u naxariiste Daamurkii saaray xadhigana laga jaray 6 sanno ka hor, marka miyeynaan odhan Karin xata xildhibaanadda laga doortay labadan degmo ee Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee khaddar Qaylo wayne hormuudka ka yahay maaha kuwo maalin kaliya u suurto gashay inay socod ku dhex maraan degmooyinkii laga doortay malaha Habeenkii ayey dhex maraan dee sidani si maaha ama si aynu fahmi karo maahe.

Xildhibaan Khadar Ibraahim Axmed (Khadar Qayalo Wayne) waxa shacabkii ku dhaqnaa labadii degmo ee codka (3544 cod) ku soo saaray doorashadii golayaasha deegaanka ee 2012-kii ay ka cawdeen todobaadkii ina dhaafay dhibaato ka haysata xildhibaanadii ay doorteen ee golaha deegaanka Hargeysa u fadhiyey waa kuwii iyaga meteleeyey ee ay codkooda xildhibaanadda ku noqdeen, waxay si gaara uga cawdeen dadka labadani degmo ku dhaqani in Wadooyinkii Xaafaddaha labadan degmo dhex maraayey ay dawladdii hoose ee cashuurta ka qaadanaysay sida joogtada waxba ka qaban wayday, waxa kale oo ay tilmaameen sida ay iyagu iska wax u qabso, markay isku dayaan inay wax u dhistaan waxna u qabsadaan ay dawladdii hoose cashuur ka doonayso iyada oo aan wax u qabaneyn taasina aanay hada wixii ka dambeeya aqbali dooni, dadkii xildhibaankani codkooda ku fadhiyey cadhadii ayaa ka badatay waxay gaadheen heer ay yidhaahdaan shaqadii dawladda hoose aanu xaqa u lahayn maadama oo aanu ka waynay oo waxba na laga dhegaysan waayey anaga ayaa ismaamulayna oo wada shaqayn dambe la yeelan mayno maayar iyo maayar ku xigeena waanu iska dooranay hadii aanu labadan degmo ee Koonfurta Hargeysa ku yaala nahay ee Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge, waa run oo waa sharci daro waxay ku dhawaaqeen balse waa arin lagu kalifay oo cadho ku biirtay 6 sanno aanay soo hor istaagin isla markaana hal wado u sameynin labadan degmo ragii ay doorteen ee dawladda hoose uga wakiilka ahaa ayaa fawdo sharci inay ku dhawaaqaan ku kalifay.

Ugu dambeyntii shaqsiyaadka golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa ku metela degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge, waa kuwo lagu khasaaray, waana kuwo aan arxan iyo naxariis inay u yeeshaan shacabkii codkooda ku doortay ee wakhtiga badan Bacadka u taagnaa maalintii ay doorashadda ku jireen ragani aan midna qiimeyn iyo wanaag ugu haynin, waxaana haboon shacabka degmooyinkan iyo degmooyinka kale ee Caasimadad Hargeysa oo aan hubo in degmo kasta ay dhibaato tan la mid ahi hoostaalo inay ka fiirsadaan dadka ay keenayaan doorashadda marka la gaadho golaha deegaanka ee Hargeysa waana in qofka lagu xusho aqoontiisa, daacadnimadiisa, dadnimadiisa iyo damiir shaqaynaaya oo degmadda laga soo doortay horumarkeeda ka fikiraaya in uu leeyahay ee aan Afmiishaarnimo iyo Qabyaalad lagu keenin sida dhibta imika ka haysata raga golaha deegaanka u fadhiya reer Hargeysa.

Qalinkii/ Cabdiwali Cali Ismaaciil

Eimail. Abdwali1991@gmail.com

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka