Jaamac-Shabeel: Haddii Shir Gole Dhexe Lagu Doortay, Goaan Guddi Fulineed Ma Lagu Eryi Karaa?

Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), waxa aan bartay isaga oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa. Waxa uu ka soo baxay Ururkii ASAD ee uu hoggaaminayay Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, sannadkii 2003da ayuu ku biiray KULMIYE. Kuraasida garabkaas la siiyay waxa ka mid ahaa Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka, iyada oo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax loo doortay Ku-xigeenka madaxweynennimo ee Siilaanyo doorashadii 2003da. Raggii ugu adkaa ee ka soo horjeeday Inijneer Xuseen Maxamuud Jiciir oo ay isku deegaan ka soo jeedaan ayuu ahaa. Waxa aan xasuustaa in uu 2006dii ka mid ahaa rag buuxiyay kooramkii lagu ridi lahaa Engineer Jiciir, laakiin qorshahooda waa laga hor tegay, waxaana dhex galay salaaddiin iyo wasiirro.

Sannadkii 2008da ayaa shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE oo Burco ka dhacay loogu doortay Guddoomiyaha Golaha Dhexe, tan iyo waagaas waxa uu ahaa masuul firfircoon oo waajibaadka xisbi guta. 2012kii oo uu Cabdiraxmaan Cabdiqaaddir oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee KULMIYE uu dhaliilay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Jaamac Shabeel yidhi “Waxa aad xilka haynaysaa inta shirka xisbiga la qabanayo”. Haddana labada masuul waxa loo kala saxeexay heshiis-beenaad, hadalkii Jaamac Shabeelna waxa la fuliyay 12kii Abril 2012ka oo KULMIYE uu Shirka Golaha Dhexe ku qabsaday Hargeysa.

Jaamac Shabeel waxa uu ka mid ahaa xubnihii tirada yaraa ee Madaxweyne Muuse Biixi barbar taagnaa May-Juun 2014ka oo ay Siilaanyo iyo Muuse Biixi ku loollameen Murashaxnimada Madaxweyne ee KULMIYE. Ma ogi waxa uu xeerka KULMIYE ka qorayo in Guddoomiyaha Golaha Dhexe ay xilka ka qaadi karaan guddida fulintu, laakiin waxa ila qurxoonaa in xil-ka-qaadista noocan ah, xitaa haddii la fulinayo lala sugo shirka golaha dhexe ee Xisbiga, waa madal la mid ah tii lagu boqray.

Walaw uu Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee KULMIYE sheegay in goaanka xil-kaqaadista ay gaadheen Guddida fulintu, ma ogi inay shirkaas ka qayb galeen Guddoomiyaha Xisbiga (Madaxweynaha) Ku-xigeenka (wasiirka arrimaha gudaha oo Sool ku maqnaa) iyo af-hayeenka KULMIYE (Wasiirka xannaanada xoolaha). Walaw uu Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel sheegay in xil-ka-qaadistu aanay sharciga waafaqsanayn, waxa uu murankani ku dhammaan doonaa talada Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi.

Siciid Maxamuud Gahayr

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

Leave a Reply

Your email address will not be published.