Haldoornews.com
Adeegsiga Naaneysaha Bulshada Soomaaliyeed (Utilizing Nick Names In Somali Community )
September 29, 2018 - Written by gabiley office

Taariikh Ahaan Markaad Eegto Isticmaalka Ay Bulshadu Isticmaali Jirtey Naaneysaha Ma Aha Wax Ku Cusub Balse Waxa Ay Kukala Duwanaayeen Qaab Adeegisiga Iyo Cida Ama Meesha Loola Baxayo , Qormadan Ayaan Kusoo Qaadan Doonaa Sharaxaad Kooban Oo Ay Naaneysi Yeelan Karto , Noocyadooda Iyo Tusaaleyaal Koo Kooban .

 

Marar Badan Waxaynu Aragnaa In Bulshadeenu Ay Aad U Adeegsadaan Inay Iskugu Yeedhaan Naaneyso Kala Duwan Kuwaasi Oo Xataa Gaadha Heer Ay Magaca Dhabta Ah Ee Qofka Kaba Weynaadaan Ama Ay Ka Adeegsi Bataan Balse Naaneysanahaasi Ma Yihiin Kuwo Sax Ah ? Hadeyse Yihiin Qofka Loogu Yeedhayaa Raali Maka Noqdaa?.

 

Hadaba Waxan Iftiimin Doonaa Intaynaa Kala Qaybin Noocyadooda Kalmada Naanaaysi Maxay Horta Tahay Afsoomali Ahaan ? Macnaha Erayga Naaneysi Qeexitaanka Aan Isleeyahay Waa Uu Yeelan Karaa Waa ( Naanaystu Waa Magac Aan Layskugu Wan Qalin Sidoo Kale Waa Labeeyaha Magaca Saxda Ah Ee Qofka Loo Yaqaano Ragga Iyo Dumarkaba , Meel, Ama Wax, Oo Ah Jacayl Ama Jees Jees ) .

 

At The Side Of English Language It Becomes ( A Nickname Is A Substitute For The Proper Name Of A Familiar Person, Place, Or Thing, For Affection Or Ridicule. ) Where Oxford Dictionary Explained ( A Familiar Or Humorous Name Given To A Person Or Thing Instead Of Or As Well As The Real Name )

 

Markaan Intaa Kaga Nimaadno Sharaxaadaha Kala Duwan Balse Isku Ujeedada Ah Waxaynu Isyara Dul Taagi Doonaa Si Uu U Balaadho Fahamkaaga Guud Ee Naaneys Aad Ka Haysato , Qaybaha Kala Duwan Iyo Qaababka Ay U Baxaan Sidoo Kalena Siyaabaha Ay Magacyada Bulshadeenu Leedahay U Qaataan .

 

Hadeynu Ku Horeyno Qaybaha Kala Duwan Ee Naaneysaha Waxa Jira Naaneyso Badan Oo Kubaxa Marxaladaha Nololeed Ee Qofku Kujiro Sidoo Kale Waxa Jira Kuwo Kubaxa Hadba Deegaanka Uu Qofku Ka Soo Jeedo Balse Waxan Soo Qaadan Doonaa Laba Qaybood Oo Kamida Qaababka Ay Naaneysi Ku Bixi Karto .

 

  1. Kuwo Iinta Qofka Ama Dhaliishiisa La Xidhiidha ..
  2. Naaneyso La Xidhiidha Shaqada Qofka Ama Meheradiisa

Iyo Qaar Kale Oo Aanan Bartan Ku Soo Koobi Kareyn .

 

  1. Kuwo Dhaliisha Ama Iinta La Xidhiidha

 

 

Adeegsiga Naaneysahani Inta Badan Waa Kuwo Xidhiidh Toos Ah La Leh Sida Cinwaanka Ka Muuqata Iinta Uu Qofka Bani Aadamka Ahi Leeyahay Taasi Oo Ku Iman Karta Laba Siyaabood, Midi Waa Iyada Oo Abuurka Ilaahay Uga Timaada Oo Uu La Soo Dhashey, Midina Waa Isaga Oo Inta Uu Aduunka Korkiisa Ku Uu Manaaa Ku Soo Wajahda Xaalado Uu La Kulmo Mid Degaal Ama Mid Xanuun Taasi Oo Sababta In Jasadkiisa Iyo Caqligiisa Saameynta Ay Ku Yeeshan Xaladahasi Inay Ugu Dambeyn Sababto In Uu Ka Dhaxlo Naaneys Ku Lifaaqanta Magaciisa Rasmiga Ah Badiyaana Ay Isticmaalan Bulshadeena Maanta Gaar Ahaan Soomalida.

 

Tusaale :

 

Naaneys Xaalad Abuurka Ilaahey Ah :

 

Illaw : Hadii Uu Qofka Bani Aadamka Ahi La Soo Dhasho (Ill) La’aan Waxay Taasi Sababtaa In Bulshada Uu La Nool Yahay Si Ay Uga Aqoonsato Dadka Intiisa Kale Hadii Lamagac Dhabana Si Dhakhso Ah Loogu Garan Karo Iyagoo Kulifaaqaya Magaciisa Dhabta Ah Ayay Adeegsadaan Iintan Qofkani Leeyahay Sida : Maxamed Illaw Ama Cabdi Iley .

 

Naaneys Degaal Ama Xanuun Ku Baxdey

 

Gacanlow : Adeegsiga Naaneystani Waa Mid Ku Imaan Karta Xaalad Degaal Ama Xanuun Taasi Oo Soo Wajihi Karta Qof Bani Aadamka Ah , Ugu Dambeyna Waxay Dhaxal Siisaa Shaqsiga In Lagu Ladho Magaciisa Dhabta Ah Sida : Siciid Gacanlow , Ahmed Gacan.

 

  1. Naaneyso La Xidhiidha Shaqada Uu Qofku Qabto Ama Meheradiisa

 

 

Inta Badan Markaad Eegto Bulshada Soomaaliyeed Qaybaheeda Kala Duwan Iyo Shaqooyinka Ay Qabtaan Waxaaad Arkeysaa Waxyaalo Runtii Aanad Ilaawi Kareyn Xasuustooda Markaad Maqashana Aad U Garwaaqsaneyso Sida Ugu Dhakhsaha Badan.

 

 

Hayeeshee Sababta Keenaysa Garwaaqsashada Deg-Dega Ahi Ma Waxey Tahay Mid Kutimaada Ku Talogal Qofeed Mise Waa Mid Ku Timidey Magaca Loo Adeegsadey Meesha Si Ama Cidaasi Oo Noqdey Mid Dhaqan Gala Isticmaalkiisuna Uu Bato Sida :

 

Caanoole :Naaneystani Waa Mid Ismacneynaysa Hadaad U Fiirsato Waayo Waxay Koobsatey Shaqsigii Ninka Ahaa Iyo Shaqadii Tusale : Cabdi Caanoole ,Cismaan Caanole . Xaga Dumarka Hadaad Ka Eegtona Waxay Iyana Lagu Ladhaa Magaceeda Dumar Ahaaneed Iyo Shaqadeeda Tusaale : Faadumo Caanaley , Koos Caanaley .

 

Kabatole : Naaneystani Waxa Loo Bixiyaa Qofka Inta Badan Ku Hawlan Ama Ay Tahay Xirfadiisa Shaqo Inuu Hagaajiyo Kabaha (Profesional Repairing Shoes ) Tusaale : Maxamed Kabotole , Cabdi Kabatole

 

Gabo Gabada

 

Naaneysuhu Kaliya Maaha Kuwo Ku Eeg Intan Balse Waa Ay Ka Badan Yihiin. Intani Waa Guud Mar Iyo Carabaabid Ku Saabsan Naaneysaha Iyo Isticmalkooda Balse Markaad Eegto Xaga Diinteena Waxay Ina Fareysaa In Qofka Loogu Yeedho Naaneys Uusan Raali Ka Ahayn In Inta Loogu Yeedhayo Naaneystaasi Ee Uu Nool Yahay Ama Dhintaba In Dambi Ku Socdo Qofka Ugu Yeedha Iyo Kii U Bixiyeyba “Subxaanallah “ . Waxana U Daliila Arintan ( Walaa Tanaabisuu Bil Alqaaab” Fii Suuratul Xujuraat . Ayada 11aad ) Oo Tilaameysa Naaneysaha Xun Inaan Laysigu Yeedhin .

 

 

Qalinka: Ismail Hassan Mohamoud ( Shiine ).

Gabiley /Somaliland .

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka