Khasaaraha: Ciidamo Militari iyo Boolis ah oo ku dagaalamay Kaxda. | Haldoor News
Haldoornews.com
Khasaaraha: Ciidamo Militari iyo Boolis ah oo ku dagaalamay Kaxda.
September 16, 2018 - Written by admin

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Kaxda, ayaa sheegaya barqanimadii maanta halkaasi inay ku dagaalameen ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Somaliya Ciidamada wada dagaalamay ayaa ka kala tirsanaa Booliska iyo Militariga, kadib markii ciidamada Booliska ay weerareen goob Militariga u tiilay Isbaaro, gaadiidka lacago looga qaado.Ciidamada Militariga ayaa Isbaarada waxa ay u taalay agagaarka MCH-ka Degmada Kaxda, waxaana mar kaliya rasaas ku bilaabay ciidamada Booliska oo ka soo horjeeda Isbaarada halkaasi gaadiidka lacaga looga qaado.Laba askari oo ka tirsan ciidamada Militariga ayaa halkaasi lagu dilay, waxaa kale oo dhaawac ah askar kale oo isla ciidamada Militariga ka tirsan, lama ogaKhasaaraha Booliska soo gaaray inta uu la eeg yahay.Ciidamadii Militariga ee halkaasi lagu weeraray ayaa goobta ka cararay, waxaana halkaasi jooga ciidamada Booliska oo la wareegay goobta.Isbaarada u taalay Ciidamada Militariga, ayaa gaadiidka waxa ay uga qaadi jireen lacago, gaar ahaan baaburta waaweyn ee dhagxaanta iyo carada dhismaha qaada ee wadadaasi isticmaasha.Maamulka Degmada Kaxda wali kama aysan hadlin dagaalkaan dhexmaray ciidamada ka wada tirsan dowladda.

 

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka