Madaxda Dalalka IGAD Oo U Fadhiya In Eritrea Lagu Soo Dhoweeyo Xubinnimada Ururka | Haldoor News
Haldoornews.com
Madaxda Dalalka IGAD Oo U Fadhiya In Eritrea Lagu Soo Dhoweeyo Xubinnimada Ururka
September 12, 2018 - Written by admin

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaliya, Axmed Ciise Cawad, oo waraysi gaar ah siinayey laanta af Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in arrinta Eritrea looga hadlayo shirka madaxda IGAD ee galinka dambe.

Wuxuu sheegay in laga gudbay “arrintii keentay in markii horeba laga saaro ururka”, isagoo sheegay in “xalay dhalay laga noqday”.

Arrintaas ayuu sheegay in sababteeda ay leeyihiin “hogaamiyeyaasha cusub ee yimid, ayadoo la go’aansaday in dhinaca iskaashiga loo jihaysto”.
Doorka Soomaaliya ay ku leedahay arrinta Eritrea iyo Jabuuti ayuu ku tilmaamay inuu yahay “isu soo dhoweynta dalalkaas. Labada dal waxay ballan qaadeen inay dhamaynayaan khilaafka” ayuu yiri.

Labada madaxweyne ee labada dal, Isaias Afwerki iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la filayaa in ay ku kulmaan goobta Shirka.

Madaxweyanaha Soomaaliya, Maxamed C/laahi farmaajo ayaa isna duhurnimadii maanta gaaray magaalada Addis Ababa.

Garoonka waxaa uga hor tagay ku simaha madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar iyo madaxa xisbiga deegaanka ka arrimiya, Axmed Shide.

Mustafe Cagjar wuxuu bartiisa Twitter soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in ay tahay “markii ugu horraysay ee ay is gacan qaadaan madaxweyne Soomaaliyeed”.

Farmaajo wuxuu ka mid yahay madaxda IGAD ee doorka weyn ka qaatay isu soo dhoweynta Eritrea iyo Jabuuti.

Gelinkii hore ayaa waxaa aad looga hadlay arrinta South Sudan.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka