Haldoornews.com
Hargeysa: Wiil Xabsi Ku Mutaystay Dirayska Ciidamada Oo Uu Ku Labistay
September 12, 2018 - Written by admin

Magaaladda Hargeysa waxa lagu xidhay Faysal Sugaal oo ka mid ah qurbe joogga Somaliland, ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu ku labistay Dirayska u gaarka ah ciidamada Somaliland.

Xadhiga Faysal ayaa waxa xaqiijiyay Eheladiisa, mana jirto faahfaahin kale oo ku saabsan xadhiga wiilkaasi.

Xukuumadda Somaliland iyo ciidamada Booliska ayaan iyaguna wax faahfaahin ah ka soo saarin sababta Faysal Sugaal loogu xidhay Dirayska.

Dhacdadan ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee ay ka dhacdo Magaaladda Hargeysa.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka