Gudoomiyihii Guddida Ilaalinta Iyo Dabo Galka Hantida Qaranka Xil Naasir Cali Shire Oo Xilkii Laga Qaadey Iyo Sababta. | Haldoor News
Haldoornews.com
Gudoomiyihii Guddida Ilaalinta Iyo Dabo Galka Hantida Qaranka Xil Naasir Cali Shire Oo Xilkii Laga Qaadey Iyo Sababta.
August 18, 2018 - Written by admin

Sida iminka ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xarunta baarlamaanka Somaliland waxaa saaka gudoomiyaha golaha wakiiladu uu xilkii ka qaadey gudoomiyihii guddida ilaalinta iyo dabo galka Hantida qaranka ee golaha wakiilada .
Gudoomiyaha ayaa dhawaan soo bandhigay war bixino musuq maasuq kuwaas oo qeybo ka mid ah uu gudoomiyaha golahaasi uu raali galin ka bixiyey
Sidoo kale waxaan si rasmi ah loo magacaabin xildhibaankii Guddidan gudoomiye loogu magacaabi lahaa balse waxaa ay xoguhu sheegayaan in xilkaasi la filaayo in loo magacaabo Xildhibaan Ibraahim Mahadi Buubaa oo guddidan Hore uga mid ahaa.

Xildhibaan Naasir Cali Shire gudoomiyihii hore ee guddida ilalinta iyo dabo galka Hantida qaranka oo shalay warbaahinta la Hadley ayaa sheegay in ay soo gaadhayaan warar sheegaya in xilka gudoomiye-nimo ee guddidaas laga qaado , sidoo kale waxaa uu sharci daro ku tilmaamay raali galin uu qeyb ka mid ah war bixintiisii uu ka bixiyey Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka