Yaan U Maqneyn, Maxaanse Ku Maqneyn?. Qalinkii: Ismail Hassan.

Yaan  U  Maqneyn,  Maxaanse  Ku  Maqneyn?.  Qalinkii:  Ismail  Hassan.

 

Maqaalkan waxan idiinku soo gudbin doonaa warbixin ku saabsan safarkii aanu Hargeysa ugu kicitiney iyo ujeedada ka dambeysay .(our journey and its purpose) Sidaad kawada war qabtaan waxa aad kawada dhursugayseen una dhagtaageyseen maxsuulkii  ka soo baxay   safarkii mudada 6da  cisho ah qaatey Kaasi oo ay  koox naadiga kamid ahi ku maqneyd  .

 

Waxay ahayd 20/7/2018 Galin dambe abaaro 5:30 galabnimo ,maalintu waa jimce waxanu tiro ahaan ahayn 4xubnood oo kamida naadiga akhriska iyo qoraalka ee timacade   oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha naadiga timacade  MrAhmed A.rahman iyo ku xigeenkiisa, xoghayaha naadiga iyo waliba madaxa qorsheynta naadiga . Waxanu u kicitiney dhinacaas iyo Magaalada Hargeysa si aanu  uga qayb galno bandhiga caalamiga ah ee buugaagta Hargeisa oo ku beegnaa  maalinta sabtida bishuna tahay 21/7/2018 abaaro 9:00 subaxnimo  saacad kadib waxan gaadhney magaalada hargeisa  waxanu isla habeenkaas ka qayb galney shir  ka dhacay xarunta dhaqanka ee Hargaysa kaasi oo ay lahaayeen naadiyadii ka soo qayb galay iyo maamulka xarunta dhaqanka , Kulankaasi oo socdey  8:00 ilaa 9:00 habeenimo ayaa lagaga wada Hadley dhawr qodob oo kala ah
(It has been discussed in several articles) ..

 

  • Is barasho naadiyada iyo Maamulka xarunta
  • In warbixin guud lanaga siiyo qaabka uu udhacayo Bandhigu
  • Fahamsiinta doorka aanu ku leenahay naadiyo ahaan

 

Intaasi ka dib  Waxaa lagaadhey  21/7/2018   oo ahayd maalinta loo asteeyay #HIBK Furitaankiisa Kuna beegnayd Maalin  sabtiya  saacaduna  tahay  9:15 Daqiiqo waxa si habsami ah u bilaabmey Bandhigii iyadoo bilawgiisana laga dareemayay  farxad , Deganaansho iyo xasilooni dhinac walba ah, Geesta  kale waxa uu bandhigu La bilaabmey marti fara badan oo iskaga timidey Africa inteeda badan sidoo kalena Rwanda oo ahayd Martida sanadka.

 

Hadaba marka laga imaado bilawgii badhiga iyo Mudadii uu socdey oo ahayd lix maalmood waxa isweydiin mudan naadiga Timacade iyo sidii ay u waajaheen  Bandhiga.

 

Bandhiga caalamiga ah ee buugaagta Hargaysa Waxa uu Doorkan u badnaa (Lectures) ama aqoon isweydaarsi kuwaasi oo inta badan martidii ka soo qayb gashey ay bixinayeen ,iyagoo iskugu jirey Qoraayo, macalimiin aqoonyahano  ,safiiro iyo madax kala duwan oo ka soo qayb gashey. Kaliya Naadiga Timacade waxa kaga aadenaa inuu  qayb ka ahaado dhagaysteyaasha  sidoo kalena Su’aalaha iyo gorfeynta mawduuca hadba laga hadlayo inuu ka qayb qaato .

 

Maxaa u qabsomey Naadiga  Intii Uu bandhigu socdey ?

 

Mudadii lixda cisho ahayd waxyaalaha ugu waaweyn ee uu naadigu xooga saarey waxa kamid ahaa inuu xidhiidho badan oo dhinac walba  La soo yeesho aqoonyahankii iyo masuuliyiintii kasoo qayb galey Bandhiga ,  Sidoo kalena uu raadceeyo  sidii uu u heli lahaa cid uu taageero iyo garab Ka helo   maadaama aanu wakiilo uga nahay bulshdayada,  Nasiib wanag waxa noo suurto gashey inaan lakulano masuliyiin ,aqoonyahan iyo Hal-abuuro Kuwaasi oo si wanagsan noo qaabiley bogaadiyeyna hawsha aanu u soo bandhigney, waxaana  kamid ahaa amuuraha aanu kala hadalaney:

  • Inaanu ka dhaadhicino Jiritaanka Naadiga iyo Magaciisa (to persuade its name and existence)
  • Shaqada uu qabto iyo Kaalinta uu Bulshada reer gabiley kaga jiro ( Performace and its  community role )
  • Hiigsiga Naadiga Timacade (TRC vision )
  • Taageero, Talo iyo Garab istaag inay nasiiyaan  (Support for us and for advice)

 

Waxa lagaadhey  Maalintii Naadiyada

 

Waxay ahayd 26/7/2018 Maalin khamiis  abaaro 8:30 ilaa 10:00  subaxnimo waxa maalintan iska lahaa Dhaman naadiyadii ka soo qayb galley bandhiga caalamiga ee buugaagta hargeisa Kuwaasi oo tiro ahaan dhanaa (10Naadi)  Hadaba naadiga Timacade Sidee buu maalintiisii uga qayb galley ?

 

Marka laga imaado 9ka naadi ee ka soo qayn galley bandhiga ,Naadiga Timacade waxa uu doorkan Saaxada bandhiga ku soo kordhiyey ama uu kusoo bandhigey , soo jeedin ka duwan ta naadiyada dhigiisa  ah taasi oo runtii dhaman dhagaysteyaashii aad ulawada dhaceen Kuna hambalyeeyen maadama uu isagu naadiyada kale wax kaduwan la imidey Iyadoo  ay soo jeedintiisu ahayd mid iskugu jirta   Laba Qaybood :  soo jeedin afeed (oral presentation) iyo soo jeedin muuqaal ah ( Visual presentation)  .

 

 

Maxay ahayd Faaiidada ugu jirtey bulshadayada  reer gabiley Safarkani ? (what is the advantage of our Gabiley community  in our journey )

Ka hor inteynaan  u galin  Waxan yara iftiimin doonaa Fariina u diri doonaa Bulshadeyda reer gabiley taasi oo aan Ku bilaabayo su’aalo.

 

  1. Yaa iska leh Naadiga Timacade ?
  2. Yuu u adeegaa Naadiga timacade ?
  3. Yey tahay Inay Dhisaan oo Horumarintiisa ay ahayd inay Dhinac uga soo wada jeestaan ?

 

 

Su’alahan Jawabtooda Idinka Ayaan idiin dhaafey balse waxa muhiima bulshadeydaay inaan isla fahano marka hore Adeegida laydiin adeegayo  iyo qaabka aad uga falcilenysaan adeega uu naadigu idin siiyo ,kaasi oo inta badan ah mid uusan lacag kaga helin cidnaba (Diirsaneyaal is direy) .

Hadaba marka laga imaado arintaasi  Maxay idinla tahay Dirsaneyaal is direy in loogu abaalgudaa ? Jawabtu waa xagiina.

 

Gabo Gaboda

Mahadnaq dhamanteed ilaahay ayaa iska leh ,marka xiga waxanu u mahad naqaynaa Maamulka xarunta dhaqanka ee hargeysa oo uu ugu horeeyo Dr Jama muse Jama iyo sidoo kale Madaxa naadiyada Mr Mukhtaar libaax saalax  ooruntii aad noo soo  dhaweyey Waanan  idiin haynaa abaalkaasi.

Qalinkii:  Ismail  Hassan.

(Madaxa  Qorsheynta  Naadiga  Akhriska  Iyo  Qoraalka  Ee  Timacade Readers  Club).

 

Gabiley/Somaliland.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

Leave a Reply

Your email address will not be published.