Haldoornews.com
Isbarbardhiga Dr.Aby Axmad Iyo Mujahid Muuse Biixi: Qalinkii C/raxman Aadan
July 21, 2018 - Written by admin

“Caqligii Wanaagsani Itaal Inuu ka Roonyahay Bal,eegoo Ufiirsada”………………………………Faalo Gaaban.           

Ray’iisal Wasaaraha cusub ee Dalka Itoobiya Dr Aby Axmad Cali oo ah siyaasi da’ayar oo soo maray Milatariga dalka Itoobiya ahna aqoonyahan ka midk ahaa xisbiga EPDRF ee talada dalaka haya,ayaa waxa uu mudo laba bilood gudahood ah waxa uu is badalka muujiayay dalka oo ay xaaladiisu maraysay meel adag,isaga oo meesha kasaara kacdoonadii balaadhnaa ee rabshadaha watay ee keenay dhimashada iyo dhawaca,isaga oo dalka ku soo celiyay xaalad amni oo ay ku farxeen dhamaan qoomiyadaha kala duwan ee ku noon wadanka Itoobiya.

Waxqabadka mudada 60 maal mood ee Dr Aby Axmad waxa uu nabad ka dhaliyay oo uu xal uhelay colaadi mudada dheer ka dhaxaysay wadanka Itoobiya & Elatariya iyo wadanka masar oo uu ka dhexeeyay muranka biyaha wabiga Abay,Waxa  uu nabad ka curiyay Qoomiyada Oromada iyo Somalida oo dagaal dhaxmaray, mudaharaadyo balaadhan oo dalka intiisa badan ka socday.

Dr Aby Axmad oo ah siyaasi da’ayar waxaa lagu majeertaa waxqabadka balaadhan iyo mudada yar ee uu ku qabtay,isaga oo wax badan kabadalay siyaasadii dalaka ee ku        salaysnayd nidaamkii kali talisnimada,waxaana uu xabsiyada ka siidaayay siyaasiyiin badan oo  u xidhnaa siyaasadii is cabudhinta ahayd ee dalka ka jirtay mudada dheer.

Dalka Itoobiya oo ay ku nool yihiin 100 milyan oo kala qoomiyada kala diina kala luuqada ayaa waxaa mudo yar oo gaaban uu Dr Aby Axmad xal ugu helay xaaladihii adkaa ee uu wadanku galay intii ay socdeen mudahaaraadadii isbadaldoonka ahaa ee ka socday wadanka intiisa badan.oo ku salaysnaa isbahaysi qoomiyadaha ugu balaadhan oo lababa ay dhinac is ku garabsanayeen ku waasi oo uu gabi ahaantoodaba meesha kasaaray.

Hadaba Madax-waynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ah Oday Siyaasi da,awayn oo soomaray Milatarigii dalka Somaliya kana mid ahaa saraakiishii ugu magaca dheeraa jabhadii SNM ee dib u xoraynta Somaliland in badana ku dhax jiray siyaasada dalka mar uu wasiirka ahaa iyo mar uu gudoomiye xisbi ka ahaa marar badana ahaa mucaarad dhaliili jiray madax-wayne Cigaal iyo maxa-wayne Rayaale.

Madax-wayne Muuse Biixi oo mudo sanad ku dhawaad ah xilka hayay ayaa waxa uu sii huriyay colaadii u dhaxaysay Somaliland iyo somaliya halka uu Dr.Aby Axmad uu xaliyay colaadii mudada dheer ka dhaxaysay Itoobiya iyo Elatariya oo uu xaalada nabadeed ka abuuray soodintii lagumuransanaa ee Baadhama.

Gorayadu ilamaha waxay dhigtaa goob arooriyo shimbirtuna arooskay dhistay ubadka gaysaa labada aqoontiyo caqligaa la isdhaafiyee, (caqligii wanaagsani itaal inuu ka roonahay bal eegoo ufiirsada.)

Siyaasi Muuse Biixi waxa uu xal u heliwaayay inuu meesha kasaaro xanaftii ay reebtay doorashadii uu ku soo baxay ee ku salaysnayd qabyaalada taasi oo kala qaybisay beelaha Somaliland iyada oo ay beelaha qaar kamidi ay qabsadee shir ay kaga tashanayaan mustaqbalkood iyo xukuada Madx-wayne Biixi. Halka uu Dr. Aby xaliyay rabshadihii balaadhnaa ee ku salaysnaa qoomiyadahada wadadaga dalka Itoobiya oo u gabi ahaanba dajiyay rabshadahaasi. (caqligii wanaagsani itaal inuu ka roonahay bal eegoo ufiirsada.)

Mujaahid Muuse oo ku soo baxay codkii ugu tirade badnaa ee uu ku soobaxo madax-wayne Somaliland iyada oo ay dadku inta u codaysay ay ku doorteen baqiil inatakalana ay ku deerteen waxa uu dhaamaa labada musharax ee latartamaya,waana ta keentay inuu xal u waayo colaada u dhaxaysa labada beelood ee dirirtu ku dhaxmartay deegaanada bariga Somaliland.Halka Dr.Aby ay doorteen Baarlamaan ka Itoobiya in toodabadan ku waasi oo matala shucuubta dalkaasi waana ta keentay inuu xaliyo khilaafkii siyaasadaysnaa ee u dhaxeeyay Oromada iyo Somalida Itoobiya.

Dalka Somaliland oo ay ku noolyihiin 3 Milyan oo is ku diina, is ku afa,is ku dhaqana ayaa waxa uu Madax-wayne Muuse Biixi ku guul daraysatay isaga oo mudo sanad ku dhawaada xilka haya inuu meesha ka saara qabiilka jeegaanta iyo xanaftii ay reebatay doorashadii dalka ka qabsoontay dhamaadkii sandkii tagay doorashadaasi oo Somaliland ku reebtay bar madaw.

Halka dalka Itoobiya oo ay ku nool yihiin 100 milyan oo kala qoomiyada kala diina kala afa kala dhaqana  uu Dr Aby Axmad xal ugu helay mudo yar oo gaaban gudahood xaaladihii adkaa ee uu wadanku galay iyo coolaadii mudada dheer u dhaxaysay Itoobiya iyo Eratariya. (caqligii wanaagsani itaal inuu ka roonahay bal eegoo ufiirsada.)

Madax-wayne Muuse Biixi oo dadwaynihii soo doortay ay kafilayeen waxqabad iyo hurumar balaadhan oo ka duwan xukumadii Madax-wayne Siilaanyo.ayaa noqotay kud ka guuroo qanjo uguur,halka uu Madax-wayne Siilaanyo uu soomagacaabijiray wasiiro siyaasada Somaliland iyo dadkaba magac kuleh ayaa madax-wayne Muuse waxa uu taa badalkeeda ka dhigay wasiiro aan khibrad ulahayn shaqada ay hayaan iyo siyaasada Somaliland taasina waa takeentay inay shacab-waynihii soodooratay ay ka cawdaan isaga oo aan gaadhin sanad.

Mujaahid Muuse oo magacwayn ku lahaa Somaliland iyo Jabhadii SNM ee dib u xoraynta Somaliland ayaa waxaa fadhiid ka dhigay wasiiro uu doorbiday oo uu u dhiibay shaqadii qaranka iyo musuq-maasub baahsan oo ay ka tagtay xukumadii madax-wayne Siilaanyo, iyo cabaqabada ay dhalisay doorashadii aynu soo dhaafnay,sixirbarar,qabyaalad iyo ni jeclaysi,wayna adagtahay in sifudud loo maareeyo arimahaa aan soo shegay.

Gabagabadii somalidu waxay ku maahmaahdaa hadii uu ilaahay xoolo kula doono dadkeeduu ku siiyaa,Madax-wayne Muuse wax uu noqonlahaaba muu helin dadkhibrad iyo waayo arag leh. Dadka iyo dalka na waxaa hurumariya dadka aqoonta uleh shaqada ay qabanayaan markaa hadii uu madaxwaynu isagu soomagacawday golihiis wasiirada. Mawaxa uu garanwaayay macalinkiisii siyaasada Mudene Axmad Maxamad Maxamuud (Siilaanyo) qaabkii uu u sooxulay golihiisii wasiirada ee ugu horeeyay markii uu xilka lawareegay.

Abdirahman Aden (Abdirahmn Joco)

Cabdirahaman7up@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka