Haldoornews.com
Bulshada Reer Gabiley Oo Ay Amakaag Iyo Fajac Ku Noqotay Ganaaxyo Sharciga Baalmarsan Oo Dawlada Hoose Ay Kula Kacay Qaar Ka Mida Shacabka Iyo Doorka Uu Ku Leeyahay Maayarku?
July 18, 2018 - Written by admin

Tann iyo Markii Maayarka Gabiley Maxamad Cumar Cabdi Uu Xillka kala Wareegay Maayarkii ka Horeeyay Shucayb Maxamed Muuse Maalin ku beegan 24/3/201,Waxaa Maalinba Maalinta ka Dambaysa isa soo taraya Dhacdooyn ugub ku ah Dhagaha Bulshada reer gabiley kuwaasi oo aan hore loogu arag habdhaqanka dhamaan Maayaradii soo maray degmada iyadoo Muwaadinka magaciisa la yidhaa, Mustafe Barkhad Meecaad sheegay in Maayarka Gabiley kula kacay maalin ku beegan 14/7/2018 Ganaax sharciga baalmarsan oo dhan 400,000,ayna ku ganaaxday dawlada hoose iyadoon xaashida ganaaxa lagu xusin ujeedadan lagu ganaaxay lacagta intan leeg iyo waxa uu ku mutaystay toona, taasi cadaymo cad unoqotay Talaabooyinka Maayarka Gabiley kula kacayo Muwaadiniinta ka shaqaysanaya deegaankii ay ku dhasheen, waxaanay arintani fajac iyo amakaag ku noqotay shacabka reer gabiley.
Arinta ganaaxa bilaa sobobta ah oo hadal haynteedu maalmihii ugu danbeeyay ku badnayd goobaha ay bulshadu ku kulanto ayaa waxaanu waxka waydiinay muwaadinka dhacdadani ku dhacay isagoo sheegay in uu ganaax Sharciga baalmarsan uu kula kacay Maayarka Gabiley oo Magaciisu yahay Mustafe Barkhad Meecaad waxaanu u dhacay waraysigaasi sidan:- Su”aal. Mustafe Waxaad nooga warantaa siday dhacdani u dhacday ? Jawaab . waa maalin taariikhda ku beegan 14/7/2018, Iyadoo waqti ku beegan Askar ka tirsan Saldhiga Booliska Gabiley ayaa si argagax leh hareeraha iiga maray iina sheegay in ay amar qabasho ah haystaan oo aan Saldhiga u raaco,dabadeedna waan u raacay Saldhiga Booliska iyadoon u tagnay Askariga qora Buuga Danbiilaha.Halka Askarigaasi uu ku qanci waayay,warkii Askarta isoo kaxaysay,waxaana si dag daga u yimid mid ka mida Shaqaalaha Dawlada Hoose oo sida Warqada la igu ganaaxay ee Sharciga baalmarsan.Sidaasaan ku xidhmay gaanaaxiina loo bixiyay .Ayuu yidhi’
Mar kale,waxaanu waydiinay Mustafe Barkhad Su”aasha ah.Ma jiraan ganaaxyo hore luguugu ganaaxay? waxaanu ku jawaabay ? Haa way jiraan Ganaaxyo hore loo ganaaxay Meherada aan Masuulka ka ahay waanan bixiyay cidna umaan caban.Sidoo kale,waxaanu waydiinay Mustafe Barkhad Su”aasha ah . Yaa la ganaaxay ma Meherada aad Masuulka ka tahay ? Mise adaa lagu ganaaxay ? waxaa la ganaaxay waa Mustafe Case xataa waxuu awoodi waayeen In Magacayga oo dhamaystiran ku qoraan.
Mustafe Barkhad oo hadalkiisa sii wata waxuu yidhi waxaa hubaala in Muwaadiniinta la ganaaxi karo marka ay mutaysto in la ganaaxo iyadoo,warqada ganaaxa ee Muwaadinka lagu ganaaxay lagu xusayo Sabobta lagu ganaaxay iyo Sabobta uu ku mutaystay iyadoo sida aad ku arkaysaan Warqada Ganaaxa aan lagu xusay magacayga iyo naanaystayda oo kaliya, waxaanu Mustafe Barkhad wacad ku maray in uu Dacwadiisa gaadhsiin doono Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Madaxwaynaha S/land iyo Bulshada S/land .
Isku soo wada duuboo, waa waajib Dastooriya in Bulshada S/land barato oo ku dhaqanto Dastuurka S/land Sharciga iyo Xeerarka Dalka waxaana lama huraan ah in Bulshada S/land barato oo iswaydiiso . Maxaa Xaq loogu leeyahay Muwaadinka Dadwayne iyo Shaqaale ? Masuuliyiinta Dawladu Madax iyo Mijo ma Akhriyaan makuna dhaqmaan Dastuurka S/land Sharciga iyo Xeerarka Dalka ? Maxaase Xaq loogu leeyahay Masuuliyiinta Dawlada ? Masuulka Xillka hayaa waxuu doono ma samayn karaa ? Siduu ula dhaqmayaa Dadwaynaha iyo Shaqaalaha uu xukumayo ? Haduu ku gafo Masuulka Xillka hayaa Muwaadiniinta, Dastuurka,Sharciga iyo Xeerarka dalka yaa lagaga dacwoodaa ?

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka