Haldoornews.com
Guusha Shiidaal Baadhista Somaliland iyo Kaalinta Wasaaradda Tamarta & Macdanta
July 17, 2018 - Written by admin

Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu waxay ka fulisay  Lix Gobol (Hawd, Maroodijeex, Daadmadheedh, Togdheer, Saraar iyo Sanaag) mashruucii sahamin shiidaal (2D Seismic Survey) ee ugu weynaa qaaradda Africa dunidana mashruucasaddexaad ee ugu weyn waqtigaa ahaa oo dhamaa 3,500 Km. Mashruucaas ka dib wasaaraddu waxay bilawday mashruucii labaad ee sahamin shiidaal oo dhan 850 Km oo sanadkan bilowgiisii ka bilaabmay bariga iyo koonfurta Gobolka Saaxil oo isna soo gabagaboobey 13 July 2018.

Arintan ayaa noqotay mid indhaha dunida soo jiidatay, isla markaana ka yaababisay  bulshaweynta adduunka oo la dhacay qaabka iyo hanaanka ay dawlad yar oo aan la ictiraafsaneen oo waliba gobol ama mandiqad adag ku dhex taala, mandiqadan oo ku suntan dagaalo sokeedyo, kooxo argagaxiso ah, budhcad badeed, saboolnimo iyo maamul xumo, ayaa waxa cajab geliyay qaabka ay u awooday inay mashaariic baaxaadaas leh u hirgalisay iyadoo aan wax maamul xumo (Mismanagement) ah ama arimo amaan daro ah (Noticeable Security Issues) oo la xusi karo carqaldeen.

 

Mashaariicdan ayaa usoo jiiday hay’adaha dawladeed (Government institutions) ee Somaliland kalsooni weyn iyo weliba ammaan badan, isla markaana sababtay in mashaariic hor leh oo dalka iminka ay ugu horayso la qorsheeyo in la maalgashado oo uu ugu horreeyo qodaalka ceel baadhitaan ah oo laga qodo Blocks ka sherkadda Genel Energy iyo Rak Gas sanadka soo socda ee 2019, sidoo kalena arintan oo ictiraafka bulshada Somaliland ay ku naaloonayeen in badan wax badan ka tartay oo waliba noqon karta waddo u horseeda helitaan ictiraaf buuxa oo dalku uu raadinayay.

 

Labadaa mashruuc ee kor ku xusan oo ay Wasaaraddu gacanta ku haysay maamulkooda (Management), amaankooda (Security) iyo waliba wacyigelinta bulshada (Community Engagement); ayaa sida caadada ah waxa fuliya oo gacanta ku qabta sharaa’ig caalami ah oo u tobabaran oo weliba ilo bashari ah (Human Resources), Ilo dhaqaale (Financial Resources) iyo khibrad maamul (Managerial Experience) oo aad u balaadhan leh ama haysta, arintan ayaa ugub ku noqotay caalamka ganacsiga shiidaalka iyo gaasta (Oil & Gas Industry); isla markaana keensatay ammaan badan iyo waliba in loo qaato tusaale iyo halbeeg ku dayasho mudan wax bandanna ay tahay in laga barto oo marjac ahaan loo isticmaalo (A Model to Study and Take as A Reference) oo iyadoo mar iyo laba toona ahayn ay kaga dhawaaqeen ama muujiyeen sharaa’iga caalamiga ahi, oo ka sheegeen shirarka iyo bandhigyada caalamiga ah ee ay ku kulmaan caalamka ganacsiga shiidaalka iyo gaastu (Oil & Gas Industry Conferences and Forums)ee ka dhacay UK, South Africa iyo UAE.

 

Wasaaradda ayaa mashaariicdaas fulisay iyada oo adeegsanaysa ama isticmaalaysa miisaaniyad aad uga kooban ta ay isticmaalaan shirkada fuliya mashaariicda noocaan oo kale ah.

 

Mashaariicdan maamulkooda iyo hirgelintooduba waxa ay ku suurtoobeen ugu horayn tawfiiqda Ilaahay, kabacdina iskaashiga, wada shaqeenta iyo biseelka ay ku sifoobeen bulshada Somaliland oo ah bulsho jecel horumarka, wax wada qabsiga iyo mustaqbal ifiya inay helaan jiilalka danbe, sidoo kale waxa saamaxday oo door laxaadleh ka qaadatay hirgalka mashaariicdan hanaanka maamul ee hufan, mad madwna aanu ku jrin ee Wasaaraddu u maamushay una qabatay hawlaha mashaariicdan ee laxaadka leh.

 

Ka dib markay labadan mashruuc dhamaadeen waxa muuqatay rajo aad u weyn iyo ididiilo fiican in Somaliland laga helo shiidaal ganacsi geli kara (Commercial Quantities of Oil & Gas), arintan ayaa laga dheegan karaa ugu horaan baaxadda mashaariicdan iyo waliba qarashkii ay sharaa’iga caalamiga ahi geliyeen, iyo ka dib markii mashruucaas koowaad ee laga fuliayay Blocks ka ay license kooda haysato sherkadda Genel Energy lasoo gunaanaday, loona gudbay fasiraadda macluumaadkii ama Data dii la qaaday iyadoo aan weli la dhamaystirin in sherkaddu ku dhawaaqday iyado uu ku hadlayo afkeeda madaxeedu (CEO); in Somaliland ay xasuusisay una dhiganto gobolka Kurdistan siduu ahaa 15 sanno ka hor, Kurdistaan ayaa ah gobolka sherkaddu ay iminka shiidaalka ugu badan kasoo saarto; wax soo saarkeedana (Revenue) saddex meelood laba meelood in ku dhow ay ka hesho sherkaddu, sidoo kalena uu shaaciyay inay sanadka 2019 gudihiisa ka qodi doonaan ceel sahamin ah,

Sidoo kale ka dib markii la qaaday macluumaadkii hore ee Gobolka Saaxil iyaduna ku kaliftay sherkadii block gaa License keeda haysatay ee RakGas inay ku darto qayb labaad oo kororsiimo ah (Extension), oo lafteedu ka turjumaysa sida loogu hanweynyahay deegaankaas iyo waliba tilmaamo xoogan oo laga helay macluumaadkaas hore (Data).

 

Mashruucii hore ee Genel oo ahaa markii ugu horaysay ee dalka laga hirgaliyo mashruuc noocaas oo kale ah, ayaa waxa fursado shaqo ka helay in ka badan 300 oo qof oo isugu jira farsamo yaqaano (Technical Staff), Ciidan boolis iyo muruqmaalba (Labor), waxa sidoo kale xusid mudan in mashruucani uu kusoo beegmay waqti adag oo dalka abaaro culusi ku habsadeen, isla markaan fursadahani ay noqdeen qaar ka qayb qaata wax bandanna ka tara kasoo kabashadii abaarahaas iyo waliba xoolihii ka baxay dadka reer miyiga ah oo ahaa iyagu qaybta bulshada ugu badan ee ay saameeyeen abaarahaasi; isla markaana shaqaalaha tiro ahaan badidooda iyagu helay, maadaama dhulka laga shaqeenayay uu ahaa deegaanadooda iyo miigii ay ku dhaqnaayeen. Halka mashruuca labaad ee ka qabsoomay gobolka Saaxil na ay ka shaqo galeen shaqaalo kor u dhaafaya 200 oo shaqqale ah sidoo kalena kala duwan.

 

Fursadahaas shaqo waxa dheeraa tobabaro, khibrado shaqo (Work Experience) iyo xirfado ku cusub (New Skills) ay heleen shaqaalahaas shaqadaa dalka ku cusub hayay iyo hawlwadeenada Wasaaradda oo khibrad maamul iyo mid xirfadeedba (Managerial & Technical)ka faa’iday, iyo waliba ardayda ka barata culuumta dhulka jaamacadaha dalka iyo waliba ardayda kasoo qalinjabiyay ama wax ka barta jaamacadaha dalka debediisa ah.

 

Mashaariicdan ayaa sidoo kale u fududeeyay ardayda jaamacadaha dalka debediisa ah ka barta culuumta ama aqoonta ku taxaluqda shiidaalka iyo gaasta inay dalkooda ka helaan mashaariic ay daraasado (Researches) iyo mashaariic qalinjibeed (Graduation Projects or Thesis) ka helaan dalkooda; isla markaana dalkooda hooyo ka diyaariyaan kana qoraan.

 

Waxa sidoo kale xusid mudan aqoontii iyo kobacii aqooneed ama fikradeed ee ay dadweynihii ku dhaqnaa deegaamadaas shiidaalka laga baadhayay ay ka kororsadeen ee kuu saabsanaa qaabka shiidaalka loo baadho iyo faa’idooyinka shiidaalka iyo gaas tu ay leeyihiin haddii la helo; isla markaana ay fikir iyo aqoon guud oo ku saabsan hanaanka sahaminta shiidaalka ay kororsadeen isla markaana weeleeyeen.

 

Waxa marag madoon ah in hirgalka mashaariicdani ay murugo iyo cabsi u horseeday cadawga qaranka Somaliland; oo geed gaaban iyo miid dheerba u fuulay siday ku carqaladeen lahaayeen una joojin lahaayeen mashaariicdan sida himilada iyo mustaqbalka dadka reer Somaliland, dhinaca kalena waxa cad in uu hirgalka mashaariicdani ay farxad, rajo wanaagsan iyo hiigsi mustaqbal u horseeday dadweynaha qarankan curdinka ah iyo waliba saaxiibada uu leeyahay dalkani.

 

Haddaba bulshada Somaliland waxa la gudboon inay garab istaagaan, ilaashadaan oo gacan qabtaan mashaariicdan u abuuri kara fursado shaqo, nolol wanaagsan iyo mustaqbal dhalaalaya oo ka saara mugdiga jahliga, caafimaad xumada, saboolnimda iyo dhaqaalo xumada rakaadiyay himilooyinkii iyo riyooyinka bulshadu lahayd, sidoo kalena ay gacan furan, lab xaadhan iyo dal jacayl kusoo dhaweeyaan mashaariicda horumarineed ama ah ka faa’idaysiga ilaha dabiiciga ah ee kusoo fool leh dalka.

 

Ilaahay Tawfiiqda hayna waafajiyo

 

Guul iyo Gobonimo Somaliland

 

 

Mustafa Osman

Geo-Scientist

Petroleum Directorate

Ministry of Energy & Minerals

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka