Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Oo Soo Saaray Isku Aadka Koobka FA Cup-ka  Oo Markii Ugu Horeysay Lagu Qabanaayo Somaliland | Haldoor News
Haldoornews.com
Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Oo Soo Saaray Isku Aadka Koobka FA Cup-ka  Oo Markii Ugu Horeysay Lagu Qabanaayo Somaliland
July 10, 2018 - Written by admin

Hargeysa – (Haldoornews) – Tartanka kooxaha heerka koowaad, labaad iyo sadexaad ee (FA Cup-ka) ayaa dhawaan lagu wadaa in Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ka furaan Garoonka weyn ee Hargeisa Stadium. Tartankan waxaa maal-gelisay shirkadda Iskaadhsiinta Casriga ah ee Telesom.

Tartankan oo ay ka qayb gali doonaan 28 Kooxood ayaa diyaargarawgiisu gabogabo ku dhawyahay iyadoo lasoo saaray  qaabka kooxaha heerka koowaad, labaad iyo saddexaad ee caasimadda Hargeysa ay iskugu beegmayaan isku aadka tartanka koobka Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland (FA Cup).

Tartankan ayaa garoonka Hargeysa Stadium ka qabsoomi doona 17-ka bishan July 2018 waxaana sida qorshuhu yahay ciyaar kasta si toos ah looga daawan doonaa Horn Cable Tv (HCTV).

Tartankan ayaa waxaa isku aadka Gruopska ay kooxuhu iskugu beegmeen sidan hoos ku qoran.

Dhinaca kale tartankan ayaa noqon-doona mid kor u qaada isla markaana dhiirigeliya bahda ciyaaraha ee Somaliland gaar ahaana barbaarta caasimadda Hargeysa ee nasiibka u yeeshay in magaaladoodii laga bilaabo laguna daahfuro.
Tartankan oo markii ugu horeysay lagu qabanaayo dalka ayaa ah mid xiisihiisa leh , isagoo isla markaasina noqondoonaa talaabo horumar oo taariikhda u galidoonta masuuliyiinta Xidhiidhka Ciyaaraha Somaliland iyo guud ahaanba Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.

 

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka