Prof Axmed Samatar oo Booqday Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan Tukaraq + Xoolo uu ugu deeqay.

Tukaraq(Haldoornews):- Prof: Axmed Ismacil Samatar oo ka mid ah Aqoon yahanka Reer somaliland ayaa Booqday Jiida hore ee ay ku sugan yihiin ciidamada qaranka somaliland ee deegaanka tukaraq.

Sawiro lagu baahiyey baraha bulshada ay ku kulmaan ee Facebook ayaa lagu arkay isagoo sawiro la gelaya ciidamada ee halkaasi ku sugan iyo sidoo kale uu halkaasi deeq xoolo nool ah ugu geeyey halkaasi , deeqdaasi oo gaadhaya ilaa 50 Neef oo xoolo ah.

prof oo dhawaan ka soo kicitimay dalka maraynka maalmo koobana joogay dalka ayaa ciidanka ugu tegay dhiiri galin iyo in ay sugaan xuduudaha somaliland oo xaalada amni  daro ahi ay ka jirto degmada tukaraq ee gobolka sool .

Wixii warkan booqasahada Prof samatar ku saabsan kala soco haldoornews.com

 

Haldoornews.com

Laascaanood Office

E-mail: Haldoornews@yahoo.com