SOMALILAND  KA CAAFIMAADEY CUDURKII SOOMAALI-WEYN EE 1 JULY 1960.

Sida lawada ogsoonahay Ummad kasta oo dunida ku nooli waxay leedahay taariikh u gaar ah oo lagu qoro Diiwaankeeda, taasoo ka turjumaysa maraaxilkii kala duwan ee ay soo mareen, si ay ummaduhu uga faa’idaystaan dhib iyo dheef wixii ay lahayd, uguna dabakhaan horumarkooda dhaqan dhaqaale iyaga dib u milicsanaya sixitaanka hadba wixii hagardaamo soo maray si ay uga taxadaraan casharadii ay ka barteen waqtigiyadii la soo maray.

Haddaba, Ummada Somaliland waxay soo martay maraaxil kala duwan oo taariikheed oo qadhaadh iyo macaanba lahaa loona baahan yahay in looga faa’idaysto masiirkeena hadda taagan.

Taariikhduna iyadaa is qorta ee lama qoro, waxana hore loo yidhi; “Been ma sheegto Taariikhdu, Ma Bukooto Taariikhdu, Mana Baqato Taariikhdu”.

Ingriisku  ilaa 20 sano ayuu rabay inuu qabsado Somaliland,1825 ayaa lagu gubey Markab uu Ingiriisku leeyahay lana odhan jirey MARY ANNE Berbera agteeda,laga bilaabo maalinta xeebaha Somaliland waxa la saarey CUNA-QABATEYN wax soo gali kara kana bixi kara ma jirin Berbera,Saylac,Maydh,Bula-xaar,Laasqore arintaasi toban sano ayey cuna-qabateyntu saarneyn xeebaha Somaliland dooni iyo markab imana kamanaa bixin.

Haddaba markii culumadda iyo wax garadkii Somaliland arkeen inuu Boqorkii Itoobiya ee MENELIK soo qabsaday Casimadii Diinta Islaamka ee Herar iyo Diridhaba una soo jeeda xeebaha Somaliland ayaa degdeg loola galey Ingiriiska inuu yimaado Somaliland ilaaliyana dhulka Somaliland waxaana loo bixiyey SOMALILAND PROTECTORATE Macnaheeduna yahay Somalilandtii la ilaalinayey ama maganta ahayd.

Mudo 80 sano waxaynu ahayn Maxmiyadda United Kingdam 26 JUN 1960 Ayaa xoriyadeena ka qaadaney United Kingdam.Mudaba waxaa socdey cudur duufan wado oo Soomaali-weyn,cudurkaasi wuxuu ku dhacay ummadda Somaliland,inuu ahaa cudur jirey oo xumad badan waxaa inoo sheegey dalkii aan ku biirney ee koonfurta Soomaaliya markiiba wacay inoogu yeedheen SOMALI QALDAAN runna wey ahayd.Arintan Cudurkan SOOMAALI-WEYN ee Shanta Soomaali leysku keenayey oo ah:

1-Somaliland oo maammulka Ingiriiska ku hoos jirtey muddo 80 sano ah waxayna ka xoroowdey 26 Jun 1960. 

2-Soomaalilda koonfureed oo iyana Talyaanigu gumeysan jirey ilaa 1 July 1960 ` 

3-Jabbuuti oo Faransiisku gumeysan jirey oo 27 Jun 1977 ka xorowdey. 

4-Soomoali galbeed oo ilaa maanta cagta xabashidda ku hoos jirta. 

5-NFD (Wajeer)oo xukuumaddii Ingiriisku siisay Kiiniya,walina gumeysi ku hoos jirta.

In Shanta Soomaali leysku keeno waxay noqotey hawo beena iyo cudur ku dhacay Somaliland’

Waxa iyana xoroowdey Soomaalidii talyanigu gumeysanayey 1 July 1960 isla maalintiina waa isku biireen Somaliland waxaana abuurmey JAMUURIYADA SOOMAALIYA.

Ummadda Somaliland si bilaa shuruurada ayey isugu biireen Soomaaliya.

Gobannimo daryeel iyo xil iyo daacadnimo weydey 
Markii Somaliland iyo Somalia isku darsadeen 1 july 1960 markiiba koonfurtu waxay inoo aragtey inaan dad waalan nahay oo waxba garaneyn iyadoo sanad la gaadhin kolkan isku darsaney  waxay bilaabeen howshan xaq daradda ah:
1-Magacii Soomaaliya la qaatey oo kii Somaliland waa la tuurey
2-Markii Jamuuriyadda Somalia la dhisey waxa loo dhisey sidan.
-Madax-weyne  wuxu ahaa koonfurta.
-Ra’iisal Wasaaraha wuxu ahaa Koonfur.
-Wasiirka Arimaha gudaha,Arimaha iyo Dibada waxay ahayeen koonfur.
-Taliyaha ciidanka qalabka sida,Taliyaha Booliska,Taliyaha waardiyaha dhaqaalaha waxay ahayeen Koonfur.
-Magaalo madax koonfur.
-Dakadii Somalia waxay noqotey Xamar iyo Kismaayo.
-Sharcigii Wadanka lagu xukumayey wuxu noqdey kii koonfur.
-Barlamaankii 90 ayuu ahaa waxay qaateen 70.
Adigu wadan wadan kale qabsadey oo gacanta u galey maafiyadii talyaanig ka soo qaad.
 
3-Markeynu lix bilood wada joogney koonfurtu waxay biloowdey in la raro wax ala wixii qalab dowladeed lahaa ee yaalley dalkii cusbaa Somaliland oo xamar loo raro waxay babuur isjiid ah socdeen 11 bilood ayuunba wax laga gurayey Somaliland oo xamar loo gurayey.waa bililiqadii ugu horeysa ee Somaliland ay konfuurtu ay bililiqaysato.
UmmaddiibSomaliland waxay bilowdey halgan hubeysan oo lagu hoobtey,xiddida ayaa loo soorey qoloysatadii xamar,waxaana cudurkii Soomaali-weyn dawadiisa ku kacay qiimo aad u sareeya oo ah:
-Boqol kun ayaa naftoodda u hurey in laska daweeyo  cudurkii  Soomaali-weyn iyo  Somaliland Madax-bannaanideeda dib ula soo noqoto,
-Cudurkaas  Soomaali-weyn wuxuu dhulka la simey dhamaan Magaalooyinkii Somaliland Hargeisa,Burco,Gabily,Ceerigaabo,Berbera,Garadag,oodweyne,Baligubadle,sheekh iyo Ceelafweyn.waxaana ku khasaarey ilaa 60 Bilyan USDollar.

18 May 1991 Tan iyo intii ay Jamhuuriyada Somaliland Madax-bannaanideeda dib ula soo noqotay waxay buuxisay dhamaan shuruudihii Dawlad-nimo, waxay leedahay Calan, Lacag, Xudduudo iyo Ciidan Qaran.

Shuruudaha ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo dhismaha dal kasta oo buuxiyey astaamihii haykalka Dawlad-nimo waxa ka mid ah Inaad sugto xuduudahaagga oo ayna cid kale ka talin Si kastaba ha ahaatee waxa waajib inugu ah in la isku ixtiraamo nidaamka dawladeed ee aynu samysanay oo aan ahayn mid hadiyad la inoo siiyay balse ku yimi halgan dheer oo naf iyo maalba loo huray.

Dagaalkii,Cudurkii ay inoo keentey midnimadii walaal tinimada inoogu muuqatey waxaan ka bogsaney 18 May 1991,horumar la taaban karo ayey Somaliland gaadey ilaahayna how siyaayido.Amiin,Amiin……


Wabilaahitawfiiq.
Mahad Ali-Salaan
Bristol