Xulkii ugu Danbeeyey Qaarada Africa oo ka Caraabay Koobka Aduunka

Xulka kubada Cagta ee Senegal oo Qaarada Afrika ku metalayay koobka Aduunka, ahaana ka keliya ee rajo laga qabay in uu u gudbi doono Wareega 16-aad ayaa caawa laga reebay, ka dib markii ay Colombia 1-0 ku suul Daartay.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan isla markaana ay labada kooxoodba ku soo bandhigeen ciyaar farsamadeedu ay sarayso ayaa waxa u suurto geli wayday Senegal in ay barbaro ku xejiso, maadama ay guruubka ku hogaamin lahayd shan dhibcood.

sidaas ayaanay caawa ugu xidhxidhatay in ay dib ugu laabato dalkeedii, maadama laga soo adkaaday.