Haldoornews.com
RUMEYN LA’AANTA AHMIYADA HADAFKA :-  Qodobka 4aad
June 28, 2018 - Written by gabiley office

Sidaan Hore U Soo Sheegnay Dadka Qaarbaan Rumeysnayn Ahmiyada Hadafku Leeyahay  Bal Wuxuu Arkaa Inay Tahay Wakhti Lumis, Waxana Kiishkiisa Ku Jira Xujooyin Badan Oo Isku Qanciyo,  Wuxuu Tusaale Kuugu Soo Qaadan Inuu Jiro Ruux Aan  Lahayn Wax  Hadaf Uu Noloshiisa U Dejiyey Hadana Guul Weyn Gaadhey , Taasi Waxa Lamida Ruuxa Sigaarka Cabaa Marka Aad Uga Sheekayso Dhibta Uu Leeyahay Sigaarku Waxad Arki Dadka Qaarkood Oo Kuu Jawaabaya  Miyaanad Arkeyn Hebel Da’diisu Aad Bey U Weyn Tahay Hadana Sigaarka Sixun Buu U Cabaa.

 

Waa Run Waxa Jiro Dad Aan Noloshooda Qorshe Usameyn Waxaa La Arkaa Inay Guul Gaadheen Hibo Ay Leeyihiin Awgeed Ama Arimaha Guusha Keena Ay Ku Sifeysan Yihiin, Laakiin Kuwaasi Waa  Nadir Waa Dad Tiro Yar .

Naadirkuna Xukun Malaha Oo Qaaciido Lagu Dhaqmo Lagama Qaato, Xukuna Laguma Dhiso. Ruux Aan Qorshe Sameysan Waa La Arkaa Inuu Guuleysto Laakiin Dhibaatooyinka Soo Wajahayaa Waa Ay Ka Badan Yihiin Kuwa Soo Wajahaya Ruuxa Hadafka Dejista Xikmadana Kamid Maaha Inaan Wax Fiican Wax Xun Ku Bedalano.

 

Qodobka 5aad :        AQOON DARO 

Waxa Jira Dad Aad Inoogu Waafaqsan Waxa Aan Ka Sheekaynayno Oo Ah Inuu Hadaf Yeesho Laakiin Dhibta Haysataa Ay Tahay Iyaga Oo Aan Lahayn Aqoontaas Oo U Suuro Gelin Lahayd Xaqiijinta Hadafkooda Iyaguna Nasiib Daro Uma Dhaqaaqan Sidii Ay Uheli Lahaayeen  Aqoontaas .

Waxaa Wax Lala Yaabo Ah Ruux Doonaya Inuu Wax Halo Hadana Aan Ku Hubeysnayn Aqoontii Gaadhsiin Lahayd Shayga Uu Doonayo.

Mid Kamida Saxiibadey Ayaa Ii Sheegay In Himiladiisu Tahay Inuu Noqdo Jillaa Aad Loo Jecelyahay, Laakiin Weligay Maan Arag Isagoo Xaadiraya Siminaar Lagu Barto Jilaanimada Ama Isaga Oo Akhrinaya Buug Ka Hadleysa Jilaanimada.

Wax Talaabo Ah Maqaadayo Sidaa Awgeed Himiladiisu Waxay Iska Noqonaysaa Yididiilo Kaliya. Marka Aan Weydiiyey Maxaad U Qaadi Weyday Talaabooyin Si Aad Hadafkaaga U Xaqiijiso Wuxuu Iigu Jawaabey Garan Mayo Meel Aan Ka Bilaabo Iyo Si Aan Ubilaabo.

Hadii Uu Ruux Isku Dayo Inuu Barto Siduu U Dejisanayo Hadaf Cad Oo Noloshiisa Ah Oo Xaqiijinta Hadafkiisana Wakhti U Yeeli Waayo Wuxuu Ahaanayaa Mid Maxbuus Ah; Sida Saxiibkeena Doonaya Inuu Noqdo Jilaa Hadana Jawabtiisu Noqotay Garan Mayo Meel Aan Ka Bilaabo.

Wuxuu Leeyahay  Zaj Sajlar ( Waxa Laga Yaabaa In Cid Kale Mar Marka Qaarkood Kuu Diido Inaad Wax Qabsato Laakiin Adigaa Inta Badan Naftaada U Diida Iney Wax Qabsato)

Adiga Kaliya Ayaa Awood U Leh Inaad Naftaada Xor Ka Dhigto Si Ay U Sameyso Waxa Ay Dooneyso Ama Adiga Ayuun Baa Udiidi Kara.

 

 

Xigasho: Ibrahim Alfiqi

Turjume : Ismail Tukaale

Soo Tebiye : Ismail Hassan (Shiine)

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka