Daawo: Sanad Guuradii 58-aad ee Xuska 26 June oo Xalay Looga Dabaal Degay Dalka Holland iyo Taariikho Halkaasi lagu soo Bandhigay.

Dortrecht (Haldoornews)-Sanad Guuradii 58-aad ee Ka soo Wareegtay markii Somaliland Xoriyadeeda ka Qaadatay Maxmiyadii Ingiriiska ayaa Xalay laga Xusay Magaalada Dortrecht ee Dalka Holland.
Munaasabad Balaadhan oo uu Soo Qaban Qaabiyay Wakiilka Somaliland u Fadhiya Dalka Netherland Amb. Maxamed Yuusuf Buux ayaa Waxaa Kasoo Qayb galay Gudoomiyaha Gudida Ictiraaf Raadinta Somaliland ee Dalka Holland, Ururo Caalami ah iyo Xubno ka mid ah Jaalliyada Somaliland ee Dalka Holland.