Haldoornews.com
Dagaalkii Oromada iyo Soomaalida oo soo labo kacleeyay

Jigjiga It(Haldoornews)-Dagaal Soomaali iyo Oromo u dhaxeeya oo agagaarka Tulli Guuleed ka socda

Wararka ka imaanaya Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxay sheegayaan in dagaal uu mar kale maanta ka qarxay agagaarka Deegaanka Tulli Guuleed.

Wali ma cadda khasaaraha nafeed iyo midka maal ee ka dhashay.

Dadka deegaanka ee labada dhinac oo ay BBC-du la xiriirtay ayaa isku raacay dagaalkani uu yahay mid siyaasadaysan.

Yaa dagaalamaya

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya laba jifo oo ka soo kala jeeda Soomaalida iyo Orommada, kuwaasoo uu iska hor imaad ku dhex marayay dhawaanahan meel aan ka fogeyn Tulli Guuleed oo qiyaastii 50 – 60 KM waqooyiga kaga beegan magaalada jigjiga.

Deegaankaas ayaa xad la leh dhulka buuraleyda ah ee Harar, gaar ahaan degmada Jinacsani ee ay Orommadu degto.

Wararku waxay sheegayaan in soddomeeyo ruux oo labada dhinac ka kala tirsan ay ku dhinteen saddexdii asbuuc ee u dambaysay oo dagaalladu ay dib u soo cusboonaadeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in bilihii u dambeeyey ay deegaankaas ku sugnaayeen milateriga dawladda Itoobiya, balse ay dagaalladu soconayeen, kuwaasoo sii xoogaystay dhowrkii maalmood ee u dambeeyey.

Warar ayaa sheegaya in ay jiraan dad ka qaxay tuulooyin u dhow halka lagu dagaallamay, ayadoo dadka dagaalladaas ku dhaawacmayna loo kala qaaday Tulli Guuleed iyo Jiracsaney.

Weli labada maamul ee Soomaalida iyo Orommada, iyo dawladda Federaalka ee Itoobiya kama aysan hadlin dagaalladaas.

Inkastoo ay labada jufo dagaallami jireen tan iyo 1980-meeyadii, misna dadka la socda arrimaha ku saabsan khilaafka u dhaxeeya Soomaalida iyo Orommada waxay sheegayaan in uu markan salka ku hayo xiisadda guud ee u dhaxaysa labadaas qabiil.

Xigasho BBC SOMALI

COMMENTS
Wararka