Haldoornews.com
Abwaan C/risaaq Jaylaani oo Ka Mid ah Hal-abuurada Xidigaha Geeska oo Xalay Lagu Soo Dhaweeyey Germany.

Kassel (Haldoornews)-Jaaliyadaha Somaliyeed ee Dalka Jarmalka Gaar ahaan Magaalada Kassel ayaa Shalay Si Diiran Magaalada Kassel ugu soo Dhaweeyey Abwaan C/risaaq Xaamud Caydiid (Jaylaani) oo ka Mid ah Koox Fanneedka Caanka ah ee Xidigaha Geeska ee Fadhigoodu yahay Magaalada Hargeisa.

Abwaanka Safar Khaas ah kusoo Gaadhay Dalka jarmalka ayaa Waxaa Xalay Afur Sharafeed Loogu Sameeyey Magaalada Kassel, Halkaasi oo ay Dhalinyarada Somaliyeed iyo Abwaanku isku Xog-waraysteen.

Abwaan Jaylaani ayaa Dhalinyaradii Xalay Halkaasi uu kula Kulmay uga Sheekeeyey Qisooyin Ku Saabsan Suugaantiisa iyo Guud ahaanba Dadka somalida sida uu Qaniga uyahay Afkoodu, isaga oo ku Guubaabiyey Dhalinyarada in ay Afkooda Hooyo Xil iska Saaraan oo ay Caruurtooda ku Barbaariyaan.

Haldoornews kala Soco Goor Dhaw Muuqaalka Soo Dhawaynta Abwaanka iyo Hadalada jaaliyadaha Somalida.

   

 

 

Mustafe Future
Haldoornews.com
Kassel Germany
haldoornews@yahoo.com

COMMENTS
Wararka