Deg deg Madaxwayne Biixi “Beelihii ku dagaalamy Ceelafweyn Gacan bir ah ayaanu ku Qabanaynaa Cida dambe ee Qori lagu Arko, imika Qaar baa Xidhan oo Boorama iyo Saylac loo dhaadhiciyey” | Haldoor News
Haldoornews.com
Deg deg Madaxwayne Biixi “Beelihii ku dagaalamy Ceelafweyn Gacan bir ah ayaanu ku Qabanaynaa Cida dambe ee Qori lagu Arko, imika Qaar baa Xidhan oo Boorama iyo Saylac loo dhaadhiciyey”
May 15, 2018 - Written by admin

Hargeysa(Haldoornews)- Madaxwaynaha Somaliland oo Khudbad dhinacyo dhawr ah taabanaysa ka jeediyey Xuska May Xuska 18 May oo maanta beegnayd ayaa Qodobada ugu Mihiimsan ee uu ka Hadlay waxaa ka mid ahaa dagaalka tukaraq oo uu si guud mar ah u soo qaatay isla markaana uu maamulka puntland ku eedeeyey in ay ku soo qaaday dagaal deegaanka tukaraq.

sidoo kale Arinta uu madaxweynuhu ku soo qaaday Khudbadiisa waxaa ka mid ahaa Dawladda Xamar oo uu ugu Baaqay in ay loo wadda dhaqmo sidii laba dal isla markaana loo wada hadlo sidii lab dal oo nabad ah hadii kale wixii intaa ka duwan uu Noqon doono dagaala lagu gubto oo aan somaliland markana laga faaidi doonin.

Gabo gabadii madaxwane biixi waxa uu ka hadlay dagaal beeleed kii ka dhacay deegaanka ceel afweyn ee Gobolka Sanaag waxa uu yidhi” Saaka waxaa Jooga Ceerigaabo wasiirkii Arimaha gudaha iyo saraakiil kale iyo Ciidan Xoogan oo tiro badan waxaanay u Tageen in gacan bir ah ay ku soo qabtaan Cidii lagu Arko Hub iyo Qori oo dagaal diyaar ah waxaanu ugu talin doonaa sidii dawlad oo kale, waxaana la xidhay oo maanta aan ogaha in 50 qof iyo hubkii ay siteenba loo dhaadhiciyey Magaalada Boorama kuwa kale oo la soo wadona la gayn doono Saylac iyo Jeelasha kala duwan ee Dalka cid dambe oo loo dul qaadanayaa Ma jirto”

Wixii warar ah ee ku saabsan Xuska 18 may iyo Khudbada Madaxweynaha Goor dhaw kala Soco Warbaahinta Haldoornews.com

 

Haldoornews.com

Hargeysa office

Haldoornews@yahoo.com

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka