Dagaal culus oo saaka ka dhex qarxay Somaliland iyo Puntland oo ka dhacay Tukaraq + Khasaaraha oo aan la ogayn ilaa imika | Haldoor News
Haldoornews.com
Dagaal culus oo saaka ka dhex qarxay Somaliland iyo Puntland oo ka dhacay Tukaraq + Khasaaraha oo aan la ogayn ilaa imika
May 15, 2018 - Written by admin

Degmada Tuka-raq oo ku taala Gobolka Sool ee Somaliland ayaa waxa ayaa waxa ay wararku sheegayaan in uu ka bilaabmay Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Puntland.

In kasta oo aan weli la ogayn Khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaadhay Labada dhinac, balse dagaalkan ayaa bilawday saaka aroortii.

Taliyaha Ciidamada Milatariga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo laanta afka soomaaliga ee BBC-da u waramayay ayaa sheegay in dagaalkan saaka ka dhacay Degmada Tukoraq ay bilawday Puntland.

Dhinaca Kale Puntland oo iyana ay laanta afka soomaaliga ee BBC la xidhiidhay ayaan wax faahfaahin ka bixinin Dagaalkaasi, hasayeeshee

waxa ay xaqiijiyeen in uu jiro dagaal halkaasi ka socda. In kasta oo aanu xoog badnayn, hadana shalay gelinkii hore ayaa dagaal uu dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland, hasayeeshee markiiba wuu istaagay.

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka