Haldoornews.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Isku Shaandhayn Iyo Shaqo Caydhin Ku Samaynaya Wasaarro Ka Tirsan Xukuumaddiisa

Hargeysa(Haldoornews)-Warar hoose oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Madaxweyne Muuse Biixi si weyn u saluugsan yahay Golihiisa Xukuumadda gaar ahaan Masuuliyiinta uu u xushay ee uu ku taxay Xilalka Wasiiradda waxaanay wararkani sheegaan inuu ka fiirsanayo inuu isku shaandhayn iyo shaqo eryid ku sameeyo marka ay dhamaato bisha barakaysan ee Ramaadaan oo ay curashadeeda inaga xigaan maalmo.

Illo-Wareedyo u dhuun daloola Madaxtooyadda Somaliland ayaa iftiimiyay in Madaxweyne Muuse Biixi wax badan uga iftiimeen masuuliyiin door ah oo uu kula deg degay xilka uu u dhiibay,kuwaasi oo uu qaarkood u dhiibay Wasaaraddaha ugu miisaanka Culus dalka taasi oo uu hadda u arko inaanay ka fursanayn inuu isbadel deg deg ah ku sameeyo,waxaanay wararkani sheegayaan in Madaxweynuhu sidoo kale aad u danaynayo islamarkaana uu doonayo inay xukuumaddiisa ku soo biiraan ama ka mid noqdaan masuuliyiin ruug cadaaya oo siyaasada hore ugu soo jiray kuwaasi oo ay lagama maarmaan u tahay inay qayb ka noqdaan Xilalkan dambe ee uu soo dhisayo.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale go’aankan qaatay inuu is badel ku sameeyo Golihiisa Xukuumadda kadib markii uu saluugay islamarkaana uu ka dhex waayay Golihiisa Xukuumadda masuul qudha oo dadaal muuqda ka gali kara islamarkaana ka soo midho dhalin kara Shaqaaqada ka soo cusboonaatay Deegaanka Ceel Afweyn iyo beelaha Walaalaha ee Dirirtu dhex marayso. Waxa uu sidoo kale Golihiisa Xukuumadda ka dhex waayay siday wararkani iftiimiyeen soo jeedin ku aadan qorshe midho dhal ah oo lagu waajiho karo Dagaalkaasi iyo sidoo kale Caqabado badan oo hortaagan Xukuumadiisa.

Wararkan ayaa intaasi ku daray in Madaxweyne Biixi go’aansaday inuu isbadel ku sameeyo Xukuumaddiisa dhamaadka bishan Barakaysan ee Ramadaan ee ay bilashadeeda labada cisho inaga xigaan,waxaana la filayaa inay meesha ka baxaan Wasiiro door ah oo xiitaa dadku dareemayaan tayo Xumidooda.

Source: Wargeyska Foore

COMMENTS
- Haldoornews
- arabsiyo
- Sayruuq
- SL tomorrow
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Gabileynewsonline
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews