Guluubyada  Cagaaran  Goobteed  Kaga  Jirtaa ,  (Taxanaha  Geeska  Cusub):- ,  Qaybtii:2aad.  Qalinka:  C/raxmaan   Sayid  Faarax  (Jeesto).

Waxa  inoo  sii  socda  oo  ay  qaybtiisii  labaad  tahay  taxanaha  Geeska  afrikaha  cusub  ee  laga  filayo  inuu  mustaqbalka  dhaw  si  lama  filaan  ah  Geesku  isu  baddelo, Ugu  horeyn  qormadani  waxaan  ugu  wan-qaley  Guluubyada  cagaaran  oo  ay  macnaheedu  tahay  qul-qulka  dunida  ee  dhinaca  Geeska-afrika  waayo  waxaad  moodaa  inuu  Caalamkii  ku  soo  Qululayo  geeska-afrika,  Marka  abaari  dhacdo  xoolaha  ama  moodka  waa  la  qululiyaa  ilaa  xeeb  si  loo  dajiyo  doogsin  ama  naq  xoolaha  iyo  naflayduba  ku  badbaadaan,  Hadaba  imika  Geeska  u  muuqda  mid  cagaaran  oo  wixii  dunida  laga  waayey  isaga  laga  helayo.

Geeskan-afrika  dhamaantii  iskuma  jirro  ee  midba  nimco  gaara  iyo  haybad  gooniya  ayaa  Rabbi  uu  ku  galadey,  kuwaasoo  ah  imkaaniyaadka  lagu  kala  baxayo  marka  ay  dunidu  xulanayso  cida  ay  danaheeda  ka  dhex  dheehdaan ama  ay  ku  arkaan  istaraatajiyad  lagu  qanco,  Sida  ka  muuqata  diriraha  ama  danqaafooyinka  caalamiga  ah  ee  Xoogaga  dunidu  isku  eryanayaan  waxa  kaliyaatee  laysu  maan-dhaafsan  yahay  waa  kala  badsashada  saaxiibtinimada  amaba  xidhiidhka  Sahaminta  Geeska  Cusub,  Taasoo  lagu  kala  faa,iidayo  dhinacyada  wadamada  horumarkiisa  lagu  cabiro  Sida  Siyaasad  caalamiya,  Dhaqaale  Saameyn  leh,  Wax-soo-saar,  Ganacsi  balaadhan,  Xulafanimo  aregti  wadan  qabo  oo  lala  garab-galo  sii  xoojinteed  taageero  ahaaneed, Isku  soo  wada  duuboo  waa  baraha  laysu  mari  laayahay  meelahaa  aan  kor  ku  suntay.

Hadaba  geeska  kala  iyo  afrikada  barri  inteeda  kale  hay  danbeysee  waxaan  si  gaara  ahmiyad   u  siinayaa  ama  uu  xil  iga  saaran  yahay  Wadankayga  hooyo  oo  ah  Jamhuuriyada  barakeysan  ee  Somaliland,  Oo  yadu  ka  mid  ah  calan-sidayaasha  Guluubyada  Cagaaran  waxase  muhiimadu  tahay  inaan  anagu  wadan  ahaan  iyo  umad  ahaanba  is-aqoonsano  oo  aan  is-garano  halkaan  kaga  beegan  nahay  cabitaanka  Danbarka  geela  duuda  jooga,  Waxaaney  u  baahan  tahay  talaabadani  si  ay  u  midh-dhasho  caqli  saliima  in  lagaga  fikiro  yadoon  lays  yaseyn  ama  aan  lays  yareynayn  maadaama  laynoo  baahan  yahay  sidii  uu  doorkeena  bilaa  xaqiraada  ahi  u  muuqan  lahaa   yadoo  aan  waliba  la  shaleynayn.

Muuqashada  iyo  martabadey  Somaliland  ku  dhex  yeelanayso  intaanen  u  galin  horta  aan  muujiyo   halkay  kaga  taalo  Geeska  Cusub,  Somaliland  ahaan  barriga  afrika  wixii  dawlad  ka  dhisan  Nidaam  ahaan  yadaa  u  fac-weyn  waxaana  kuu  cadeynaya  (  Governance  System  Copy  Right,  Constitutional  Form,  Elections  Of  Local  Councils,  House  Parlament,  Presidence,  And  Decomratically  Leading  System  Copy  Right),  Oo  waliba  u  dhameystiran  yihiin  wax  kastoo  la  xidhiidha  qaab  dawladeed  caalamiya  oo  leh  kala  danbayn  iyo  ixtiraam  in  ku  filan  sidii  la  doono  markeedii  ha  lagu  alkumee,  Maanta  waa  mid  caalamiya  oo  ka  duwan  inta  jaarkeeda  Isir  ay  wadaagaan,  Af  ay  wadaagaan,  Midab  ay wadaagaan, Horta  nidaam  ahaan  sidaasey  u  dhisan  tahay  anoon  amaan  gaara  ula  holan  balse  qeexay dhabta  taala  dalkan  barakeysan  ee  jamhuuriyada  Somaliland.

Wali  waxa  ii  socota  sharaxaada  buq-cadaan  ku  noolahay ,  Waa  baro  awliyaad  iyo  meel  aan  is  idhi  waxa  ku  Uuman  malaha  Ehlu-baytkii  , Waayo  waxay  leedahay  calaamadihii  degalada  ay  degan  yihiin  Ehlu-baytku,  Waa  barro  nabdoon  khilaafkana  laga  ilaaliyo  Bi-Karaamati-Laah  wixii  kala  gala  yaduuni  dhameysato,  Waa  baro  leh  marino  muhiima  kuwa  dhulka  ee  Badaha  oo  (Berbera  Iyo  Saylac) baa  tusaale  kuugu  filan,  Iyo  kuwa  cirka  waxa  ku  yaala  ama  mara  marinka  Cirka  kan  ugu  muhiimsan  aradada  Soomaalida ,  Waa  baro  ka  duwan  dhamaan  geeska  intiisa  kale  marka  la  eegayo  dhinaca  badbaadada  waayo  waxay  soo  wajahdey  amuuro  cakiran  nasiib-wanaagse  way  ka  dabaalatey,  Taasina  waa  mucjiso  ama  mid  ay  dheer  tahay  dhamaan  duulel-caalam.

Waa  baro  sidii  muuminiinta  la  cadibey  oo  cabudhiyey  mar  kaliyana  naqasku  ka  soo  baxey  ilaa  maantana  dawgii  cagta  ay  saartey  wali  haysa,  Waa  barada  labaad  ee  Aduunka  calankeeda  ama  astaanteeda  ay  ku  taalo  Kalimatul-Tawxiid  waana  haybada  gaarka  ah  ee  ay  dheer  tahay  dhigeed  amaba  Caalamka,  Waa  baro  aan   la  aqoonsanayn  balse  yadu  is-aqoonsan  waayo  Aqoonsiga  ayaa  laba  nooc  ah  mid  gudahaagaa  iyo  mid  dibbada  ah ,  Waa  baro  ka  mid  ah  meelaha  nasiibka  u  helay  in  Qodabka  koowaad  ee  Dastuurkooda  ama  axdi-qarameedka  lagu  xuso  wixii  Diinta  Islaamka  lid  ku  ah  iney  xaaraan  maqdaca  ka  tahay,  Hadaba  baradani  lagu  magacaabo  Somaliland  waa  mid  ku  caana  dhamaan  tibaaxyadaa  aan  soo  tirinay  Sirteeduna  waa  Tawxiidka  Eebe  iyo  kalmada  aduunkoo  dhan  ka  qaalisan  waana  tabta  ay  ku  taaba-gashey.

Intaa  ka  dib  waa  inaan  hadaba  u  sii  diyaar   garawnaa   nimcadaa  iyo  ifa-faalaha  (New  Global  Oredka  Ah,  kuna  salaysan  Geographical  Changeka),  ka  muuqda  is-baddelka  dabeeda  aduunka  amaba  aan  idhaahdo  Geeska  Cusub  oo   imika  calaamadihii  iyo  saamayntiisiiba  la  hayo,  Marka  aad  eegto  dunida  wax  baadha  ama  (Cilmi-baadhayaasha  Caalamka)  oo  indhahoodii  ay  kaga  go,dey  Geeska-afrika, Una  tashanay  siday  is-baddelkaa  door  uga  qaadan  lahaayeen  Haday  tahay  (Raw  Materail) ama  wixii  mustac-marka  kaga  hadhey  Geeska,  Balse  waxa  ku  gadaaman  filitaanka  in  Geeskuba  hogaamiyo  dunida.

 

Qalinka: C/raxmaan   Sayid  Faarax  (Jeesto).

 

Diplomatic  Annalism.

 

Gabiley/Somaliland.

La  Soco  Qaybaha  Danbe……………………..

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1